Daawo:Maamulka Puntland oo eedo culus dusha ka saaray Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif+Arrinta Garoonka Buuhoodle-Video
Kadib markii dhowaan maamulka Somaliland iyo Xubno ka tirsan Khaatumo ay soo saaren 10 Qodob oo Ka dhan ah Buuhoodle, Islamarkaana ay eedayn dusha uga Tuureen Puntland iyo Dawladda Soomaaliya, Islamarkaana Garoonka Buuhoodle aysan cidi kasoo degi karin, Ayaa waxaa Arintaasi dhankooda kasoo Jawaabay maamulka Puntland.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
C.laahi Maxamed Jaamac Qudhaan-jecel Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in Hawada Madaarka Buuhoodle ay maamusho Puntland, Islamarkaana wuxuu eedayn Dusha uga Tuuray maamulka Somaliland “Cali Khaliif wuxuu ahaa nin horey ugu shaqeeya Somaliland, Hadana Puntland waxay ka digaysaa Shaqaaqooyinka Somaliland iyo Cali Khaliif ka wadaan Gobolka Cayn “ Ayuu yidhi
Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50188
Bismillaah
Fadlan waxan oo kale wax dan oo ugu jirta, ummadda reer Khatumo, ma aha. Waa war buun buuniya Kashmiir!.
Webkan horufadhi, wuu soo Arabian-garoobayaa, yacnii jiljileecii buu soo baranayaa. Waa maxay ” Maamulka Puntland oo eedo culus dusha ka saaray Maamulka S/land iyo…”, Madaxweynaha Khatumo mise Cali Khaliif. Waa suaal da`wyne Bilaadu bint xagay ka talisaa. 26 qof bay haysaa uu ugu weyn yahay Camey. Ma intaas bay ku sheegan dhulka Khatumo, yaaaab!. .Tareenka Khatumo maalinba dad baa ka dega, dadna way soo raacaan. Runtuna waa xaqa iyo danta dadka. Maanta maalin ay ka cidhiidhyoon tahay ma jirto. Khatumo ” Ayaan luudiyo Allay leedahay”. WBT
PUNTLAND UJEEDKEEDA KALIYA WAXAA WAAYE
SOOL IYO SANAAG IYO CAYN WAA DHUL LA ISKU HAYSTO TAAS KALIYA AWOOD KA DHIGAANAAYAAN