|

Daawo:Dowladda Somalia oo si yaab leh uga hadlay Sarkaal ONLF oo maalmahan aad loo hadal hayay arrintiisa-Video

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sarkaal ONLF ah ku wareejisay Ethiopa.

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo maalmahan ay dowladda ku haysay Muqdisho, ayaa ugu dambeyn loo dhiibay Ethiopia, sida laga gartay hadalka Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dhex galay mar arrintan waxa laga weydiiyey, isagoo xusay in arrintan ay tahay xasaasi, isla markaana waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabayo.

“Arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay sidaa la socotaan arrinkaas waa arrin xasaasi ah oo ay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo, aniga oo afduubaya dowladda waxaa jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan dowladda ka hadlin” ayuu yiri Taliyaha NISA oo af qabtay Ra’iisul Wasaaraha.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa isna ku raacay Taliya Sanbaloolshe, isagoo yiri “Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa hey’adaha Sirdoonka ayaa u taliya, hadii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kadib laba maalin oo ay dowladda ku adkeysaneysay in Qalbi Dhagax uu gacanteeda ku jiro, mana cadda haddii markaas kadib la dhiibay, ama haddii maanta la dhiibay.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse, iyagoo ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay dastuurka iyo xeerarka caalamiga iyo midka dalka Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50159

Posted by on Aug 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.