|

Daawo:Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay in Dowladda Somalia u soo gacan galisay Sarkaal ka tirsan ururka ONLF-Video

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan gelisay Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Dr. Negeri Lencho ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Amxaariga ee Idaacada VOA, isagoo xusay in tallaabada ninkaas loogu soo gacan geliyay ay qeyb ka aheyd heshiis u dhaxeeya dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaan kuu xaqijiyay in Itoobiya loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah”ayuu yiri Dr. Negeri Lencho.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali si rasmi ah uga hadlin sababta ka dambeysa in Sarkaalkan ka tirsana ONLF loo gacan geliyo Itoobiya.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad iyo cambaareyn tallaabada dowladda Soomaaliya ninkan ku gacan gelisay, waxaana Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku tilmaameen inay aheyd khiyaano qaran, laguna xisaabtami doono Madaxda dowladda.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50219

Posted by on Aug 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Daawo:Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay in Dowladda Somalia u soo gacan galisay Sarkaal ka tirsan ururka ONLF-Video”

  1. CIID MUBARAK, taas bacdigeeda. Adeer khaladka koowaad waxa dusha u ridanaya ONLF iyo OGAADEEN, sababtoo ah Soomaaliya maanta qaran madaxbannaan oo wax magangelin kara maaha. Marka ninkii ku soo gabada isagoo waddankale caaridaya wixii ku dhaca isagaa masuul ka ah, taasi waa ONLF. Tankale, yaa nin kan basaasay? Way caddahay, OGAADEEN iyo ilma adeeradii baa basaasay. Labadaa markaad eegto wax lagu qabsado nimankan Xamar lagu waardiyeeyo anigu garan maayo.

    Hadalkii oo kooban idinku is eersada ONLF iyo Ogaadeenoow. Meelahaa dawladaha leh ku gabbada lkn meel iyadiiba Xabashigu xukumo haku dhuumaalaysannina. Waa maxay farqiga u dhaxeeya maanta JIGJIGA iyo Muqdisha? Waar yaan la kala gardarnaanin wax aydaan is yeelin cidi idinma yeeline. Wbt

  2. waa su’aale maxaa somaliland loogu qabsan jiray onlf baad itoobiya ugu dhiibteen, kol hadiiba xigtadoodii daarood ee majeerteen iyo mareexaan dhiibayaan. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    kol hadii xigtadoodii mareexaan iyo majeerteen dhiibayaan maxa naloogu qabsada oo nalogu eedeeya iidoor ba onlf dhiiba? lol kkkkkkkkkkk illeen isku tol ma nihine. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. ceegaag waa kugu raacsanahay fikirkaaga waxaaan ku darsan lahaa uun in maanta kaartada onlf ay ka muhiimsan tahay ta muqdisho marka la eego siyaasada itoobiya wadato maanta ninkaas laga yaabee in cafis la siiyo marka jigjiga la geeyo ee lagu ag tuuro taalada yar ee sayidkii looga sameeyey jigjiga ee u eg sawirada juxa iyo dameerkiisii kkkk meesha qolada tigreegu ee xukunka hayaa waxay ciyaarayaan kaarto ah soomaalida sagaalkeeda gobol kama maarano markaa aynu onlf iyo jinigoodaba aynu hoosta kala heshiino talaabadan ninka hoteelka loogala baxay ee xamar loo geeyey iyadoo warbaahinta lala socodsiiyey waxay ahayd mid villa soomaliya lagu qarxinayo soomaali maryoolay weli kaartadii qabiilka ayay taagan tahay tigreegiina waxay ka maraysaa soomaali galbeed aynu isku koola daandeyno ogadeenku wuxuu marnaba u noqon waayey quwad ay adis ababa ixtiraamto waxaa weeye amxaarada ayaa ku soo dhaqday siyaasadii boqrtooyada ingiriisku ku dhaqi jirtay scotland iyo northren irland si aysan uga go/in boqortooyada amxaaradu diri dhawa waxay dejisay oromo waxayna ogolaatay in oromadu yeeshaan far u eg af soomaaliga waxay rabaan in oromada iyo soomaalidu walaaloobaan isku milmaan kala guursadaan si identaty ga soomaalidu u baabado markaa onlf waxaaba buun buuninaysa qolada tigreeda ninkan dhiibistiisuna waaba cheeri on the top xaga tigreega oo inay cafis siiyaan waxay iyaga u tahy intay rabeen maanta ugaadeen iyo onlf toodaba timahaa loo salaaxaaye aynu argano kool koolinta tigreedu halkay gaadhsiiso awlba meles zenawi ogaadeen wuxuu ku soo jeediyey inay ku mashquulaan soomaaliya oo ka mashquulaan sagaalkooda gobol ee ah qowmiyada labaad ee itoobiya ugu dhulka wayn

  4. ali
    soomaali maryoolay baa weli taagan jidkii qabiilka qorshaha xabashidu waa ka heer sareeyaa caqliyadaada yar ee maxbuuska ku ah isaaq hargaysa iyo berbera tigreegu markay sahmiyeen waxay ogaadeen in aysan wax qiimo ah u lahayn meesha xabashigu rabaa waa dhulka gacantiisa ku jira adigu kaarto la isticmaalay baad tahay waa expired

  5. yuotube baan ku arkaa soomaali ku hadaaqaya soomaalida iyo oromadu waa walaalo waxaan idhaahdaa aloo jaahil iyo nimaan wax ogayn ha cadaabin oromadu
    waa qowmiyada ay amxaaradu u soo carbisay inay la wareegaan dhulka soomaali galbeed iyo xataa soomaaliya oromadu asal ahaan iyagaa lahaa dhulka ay ku taal caasimada adis ababa si dhulka loo ilawsiiyo amxaaradu waxay ninkii dhul ku leh adis abab oo oromo ahba u guurisay gabadh amhara ah si la isugu milmo oo oramadu u yareeyaan seeflaboodnimada dhulkuna gacantooda uga baxo oromadu dhulka ay u soo jeedaan waa ka soomaalida ee waxba yaan la walaalaysan waa cadaw gaamuray e

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...