|

Muuse Biixi oo Cayaar adag la dheelay M/weyne Galaydh kagana Adkaaday 2-0.

Magaalada Hargaysa waxa ku sugnaa dhawaanahan wafti maamulka Khaatumo ah oo sheegay inay halkaas wada hadal u aadeen, dad badan ayaa la yaabay hadii gudi farsamo shireysey waxa geeyey madasha madaxweynihii maamulka. Reer Khaatumo badan ayaa isku dayay inay is xakameeyaan si uusan uga burburin maamulkooda oo bal dulqaad ilaa xad ah la muujo, balse waxaa soo baxday Muuse Biixi oo cayaaro , Gadaalo dheel iyo fardo Laascaanood iyo Kalabaydh lagaga soo dhaweeyey ayaa shax cusub u cayaaray.

Inkastoo Biixi uusan odayaasha Kalabaydh u qarin in waxa Ali Khaliif doonayo yahay waali, hadana wuxuu dhulka is dhigay intuu uu joogey deegamadaas, wuxuuna sheegay in Ali Khaliif wato bushqado dawladnimo sheeganaya taasina ay tahay mid fulinteedu adkaanayso.

Muuse Biixi ayaa la kala shiray beelaha qaar ee reer Sool, wuxuuna cayaaraya shax isku xuuxin ah, maamulka Khaatumo ee Galaydh wuxuu u sheegay in sadex bilood gudahood lala heshiin doono, reer Laascaanood iyo kalabaydhna wuxu ku yidhi idinkaa codka ugu badan haystoo Khaatumo waa la heshiineynaa hadii Cali la afgarto, reer Xudun iyo Taleexna wuxuu ugu sheekeeyey idinkaa dhul iyo dadba buuxa ee iga war dhawra qoladaasna idinka badan.

Hargaysana waxii ka soo baxay ayaa ahaa 10 qodob oo sagaal ka mid ah Jawharadda deegamada Dhulbahante lagaga hadlayeye”Buuhoodle”. Wararka hada Hargaysa yaala waxa weeye bilow shaqooyinka Muuse Biixi iyo kooxdiisa Kulmiye ay doonayaan inay Dhulbahante qoys, qoys isugu dhuftaan Khaatumona ka dhigaan koox caato ah oo ay tahay inay la xaajoodaan Saleebaan Xaglatoosiye iyo Baasha Ali Jaamac.

Qorshaha fog ee Muuse oo lagu yaqaano munaafaqadda iyo u kala sheekeynta ayaa ah inuu isu sudho dadkan aan lahayn aragtida fog ee reer Khaatumo, ka dibna codka ula kala dhuuntaan, hadii ay ogaadaan dhagartiisa waxa macquul ahaan lahayd inay ka gaabsadaan codsiinta Muuse iyo u kala dhuumashadiisa.

Waxa jira shirar hoosaadyo beeshiisa H Awal uu la yeeshay Muuse iyo sidoo kale xubnaha Somaliland ee Dhulbahante oo qoloba wax u sheegay, sidoo kale maamulka lagu Milay Somaliland ee Khaatumo ayaa hada waa ku barisan yahay. Guusha horudhaca ah ee Muuse ka gaadhay Dhulba-hante ayaa ah isagoo mid, mid ama koox koox ka dhigay Laascaanoodna kala fadhiisiyey Khaatumona ku yidhi la shawra kuwaas, taasoo uu afka ciida ugu daray Dr Galeerkii loo hanka weynaa 2-0 oo ah bilowga cayaartaba ee sanadkan.

Wararkaasoo dhan la soco warbixinada danbe hadii Alle idmaayo dhawaan.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50176

Posted by on Aug 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Muuse Biixi oo Cayaar adag la dheelay M/weyne Galaydh kagana Adkaaday 2-0.”

  1. Bismillaah
    Waa faallo, wax ka dhihid, u baahan. Maamulka Khatumo, ma beel baa gaar u leh, mise waa wax wada mideeya dhamaan. Waa wax wada mideeya dhamaan. Sida aynu wada ognahay, degaamada reer Khatumo waxa ka miyir qabay Buhodle, oo guuto 1aad ay xoreeyeen ilaa xad. Dawladi waa shacabka, meeye shacabkii reer Khatumo min Buhodle ilaa Ceerigaabo? Maamulku, shacab nool, oo dhiidhiyaya, oo itaal baaska xitaa mudaharaadaya, oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed samaynaya, buu wax la qaban karaa. Markaas baana adduunku intuu ku soo jeesto, meelay galaan waayi lahaa, maamulkuna xadhkihiisa ku dagaalami lahaa. Dadka maamulka wada wuxu ka ka kooban yahay waa kontomeeyo, maca wasiiro maca xildhibaano iyo M/weyne iyo ku xige, ” canaan ka yaab reer ma doojo”. Haddaba meeye dadkii dhulka lahaa, ma af goosad iyo eedayn maamul, unbay ku jiri, iyo inay ku dhawaaqan “dhintaye ha iska kay dhamaysteen”. Haddana meherkii uun baa u dhiman. Maamulka 3da xisbi ee is eryana waxba kama quseeyaan, waana inay ka fogaadaan in marba xisbi isku sawiro. Waxaan ku soo uruurinayaa dawladi waa dad, ee dadku naf ha is geliyaan. WBT

  2. Muuse biixi waa cadeeyey cadaawediisa boqoljeer iyo malyan jeer hadee dhuloozoow ama daba hashleeya ama iska rawa ninkaas dhiigiina darajada kula baxay

  3. anigu waxan leeyahay muuse biixi wuuxuu ka arkay dadka u kala dhuumanaya oo ku jira gur guurashada ama muuse ama faysal acali waraabe ha kala reebin iidoor wxa ay ku wadaan dhulbahante munaafaqad marna ka caayaan Tv yada shalay oo u dambaysay Faysal waxa uu lahaa min kismaayo , Farmaajo, Garoowe oo xataa ay qabuurihii soo faganayeen markii ay qiil kale u waayeen si ay ku qaataan dhulkaas ayey ku boorakaaseen waa daarood ah faqashtii ileen nacaybka ay u qabaan daarood ayaa halkaa gaarsiisay kuwii ka dhiidhiyi lahaana waa daba nash leeyiheen daarood ayaa inoo hesheeyey macuhu waa daarood baa inoo hesheeyey ninkii sheeganayey Profosorkana ninkaa qabiilku maskax martay ayuu daba socodaa anigu dhulbahante oo dhan odhan maayo waa sixran yiheen reero badan ayaa tuhnku ku jiraa kuwa waaniniyana oo tolnimada la daba socdana waa la caayayaa iidoor waa dhul raadis si uu ku helaba waa isticmaalayaa lacag, Munaafaqnimo, naago sidii ingriskii ayey ula dhaqmayaan qaybi oo xukun. ilaahay ha soo hanuuniyo shaly intaan dhulka la qabsan ayey dhihi jireen ninkii diidan iidoor dhulka ha ka guuro macadalaa oo ay haystaan 100 kiiba 80 ceeb alaha asturo

  4. Habar dhali weyday alleelo ku waalatay.kkk

    Waar Dhulbahante cadow aan Dhulbahante malehee runta isu sheega! Intaa marba qof isku qaadaysaan sidii digaagad madaxa laga jaray!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. aniga waxay ila tahay wax ceeba fadexada qaran jab niyad jab xataa anan umada la kaftami karin mid caqli gaba oo landhere sheganaya ayaa reer khatumo halka dhigay dad labo qabiil le yihin anagay naga tirsan yihin

  6. marykanku wuxuu yidhaahdaa’been there &did that’muusa biixi wuxuu yahay waa la yaqaan yaan magaciisa lagu badhxin mucaaradad loo hayo xukuumada dr galydh
    carabtu waxay tidhaahdaa’low bitasraq israq jamal’oo minuhu yahay hadaad wax xadayso awr xad ama wax qiimo leh oo wayn maaha muuse shaani oo aan xataa isaaqa dhexdiisa ka joogin tacriifa ama taano lagu isticmaalo mucaaridada dr glaydh kuwan canaasirka snm noo buun buuninaya iyagaaba muuse shaani iyo noociisa incaash siyaasadeed u samaynaya amaba iyagoo isu kaa xariifinaya aya dacaayad free ah u samaynayaan qolada snm it could be inay isla shaqaysanayaan xataa why not?

  7. ragga dhulbahante mid qalin la ordaya iyo mid aqoon yahan la baxay iyo mid koofiyad bacley soo xidhay ama oday cago boodhle oon elements ka iska ilaalin karin xataa, siyaasada waxay moodeen inay uun tahay ‘al qaaya tubarir al waseela’
    oo ah dariiq kasta mar si aad yoolkaaga u gaadho. war ragoow talabadaas waxaa ka horaysa inaad mabdda horta leedihiin mabdda ayaa ragga mideeya siyaasadase waa lagu kala duwanaadaa markaa mee mabda-ii ragga dhulbahante u ahaan lahaa saldhig ay ka duulaan?

  8. horufadhi.com waxy na tidhi dhex dhexaad baanu ka nahay waxa ka dhacaya degaanada ssc hal haadaa saxiix?kkkkkkkkkk

  9. turub
    adigu niyad jabin macquulaysan baad soo bandhigtay kk ma waxaad jeclaan lahayd shacabka oo maalin walba niman cusub shiidaya iyo is caydhsi si degaanka loogu sii shaabadeeyo amaan la’aan oo aad maatadda halaaktid
    shacabku 50 kaa qof bay u saarteen inay siyaasad ahaan ka wakiil noqdaan
    alxamdu lilaah in degaanka dadka joogaa caqliga isticmaalayaan imagin meel aan station police jirin oo shacabkii wax dhagaxaynayo alla cadwsanidaa war shacabku khalkhal iyo amaan daro waa ka daalay hawgu baaqin taas

  10. ayaamahan qolada mucaarad caatada ahi waxay nagu wareriyeen degaankii ssc waxaa ka fayoow buuhoodle uun kkkkk that is funny anigu waxaan horufadhi inaa wax ku qoro bilaabay 2011 dhamaadkiisii berigaasna snm teknikadoodu ilaa xudun ilaa taleex ilaa dharkayn waa galaa baxaysay markaa berigaa maxaa loo odhan waayey war degaankii buuhdle uun baa ka fayoow berigaa snm ma siyaaxa diiniya ayay dhulka ku marayeen oo waa barakaysanayeen kkkkkkkk give me a break!!!!!!!!!

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.