Loading...
|

Go’aamo iyo Shuruuc ka soo baxday maamulka cusub ee Shabakada Horufadhi.

Ka dib isbedeladda siyaasadeed ee guud ahaan dalka Soomaaliya, maamuladda, iyo tan jaha wareerka ah ee ka taagan deegamada Khaatumo oo shabakadani Laf dhabar u ahayd muddo Halganka & Tebinta warar Xaqaa’iq ah in badan, ka dib markii aan daraaseynayn kala qaybsanaantan xoogan, siyaasadahan midabadda badan leh ee ka jira deegaanka Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan kuwa SSC, waxaa maamulka cusub ee shabakaddani ahaan doonaa isla markaana Tifatiraha iyo maamulaha guudba ka ah si rasmi ahna uga gaadhi doona go’aamadda ugu danbeeya Eng Yassin Abdi Ahmed.

Waxaan dejiney arimahan soo socda

 

  •  In waxii hada ka danbeeya shabakadu wararkeedu yihiin kuwa dhexdhexaad ka ah dhamaan siyaasadaha guracan  ee Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan Cakiran ee Khaatumo.
  • In Cidkastoo war loo gudbinayo ama laga gudbinayo ay mas’uuliyadda ay sheeganayso tahay mid sugan oo xaqiiq ku fadhida
  • In hadii warsaxafaadeed qoraal ah cid ka soo baxo uu lee yahay magac, meel iyo qof lagala xisaabtamo oo aan mas’uuliyadiisa la saarin shabakada Horufadhi Media
  • In waxii cabasho ah toos loogu soo gudbiyo emailadda gaar ahaan kan guud iyo kan gaar ahaaneed ee maamulaha oo aad hoos ka heli doontan
  • In shabakaddu kolkastaba dhawrayso anshaxa suuban ee Diinteena Islaamka, shuruucda saxaafada ee caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada wanaaga gaar ahaan arimaha nabadgelyada
  • In shabakaddu luuqadda wararka iska hor’imaadyada gudaha sida kuwa Soomaaliyeed ama kuwa deegamada Khaatumo amase kuwa deriska ahba si taxadara looga hadlo, marnaba aan lagu dayyan habka warbaahinaha kale u buun buuniyaan colaadaha sokeeye iyo xasarahadaha reeraysan
  • In qofkii maqaal fekerkiisa ah soo daabaca uu cadeeyo magaciisa, Emailkiisa isla markaana uu hoos kaga soo saxiixo inuu qaadanayo mas’uuliyadda fekerkiisa uu qabo
  • In si gaar ah tixgelin , xushmad loo siiyo kooxaha isdiidan ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Khaatumo balse qolokastaa ay sheegato wax sharci ah oo waafaqsan fahamka caadiga ah ee dadku qabaan ama ay mas’uuliyadda ay sheeganayaan ay muujiyaan cida ay u hayaan  sida qof xil Afhayeen ama wax kale sheeganayaa uu cadeeyo cida uu matalaayo
  • Ugu Danbeyntii dhamaan wariyayaasha ka hawlgala shabkada waxa loogu baaqayaa inay adeegsadaan eray bixin ka madhan caadifad, kala safasho iyo wax hurin kara inaba colaad sokeeye oo Soomaaliyeed, mid deegaan iyo mid dadeedba.

Alla mahadleh

Eng-Yaasiin Abdi Ahmed

Maamulaha iyo tifatiraha guud ee shabakada HM

Email-Yaasiincabdi2@gmail.com

Emailka guud ku soo dir wararkaaga iyo codsigaaga Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=49644

Posted by on Aug 21 2017. Filed under english news, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

18 Comments for “Go’aamo iyo Shuruuc ka soo baxday maamulka cusub ee Shabakada Horufadhi.”

  1. Good job hurufadhi
    That’s the provisional way
    Thank you@@@

  2. gobanimo waan ku farxay warka dhexdhexadka ah ee ka so baxay anigo somalilander ah waan so dhawaynayna . if iyo akhiraba way ku ficantahay inader

  3. Awelba shabakad dhexdhexaadey ahayd wrar wada muqaala leh oo soo halgantey hadana waa sii casriyeeyseen waa mahadsan tihiin yasiina waxaa leenahay shqo wacan qabta

  4. Adeer dhexdhexaadkaasi iska ahaw ilaa inta aan xaduudka soo xidhayno anagaa ku filan Mooryaanta Garoowe oo naqaana shaqadooda.

  5. Mahadsanid guddomiye

  6. Bismillaah
    Maamulka cusub waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ka yeeli maynu wararka qaldan ee lagu burburinayo maamulkeena, inaad soo daysaan oo dhexdhexaad ka noqotaan.
    Ilaalh baan idinku dhaarshe, Cagalule 7 xildhibaan baa raacay, oo lala casilay, waxa maanta dad qabyaaladi madax martay ugu yeedhaan madaxweyne, ma waxaas baad doonaysaan inaad dhexdhexaad, ku notaan. Waar illaahay hala baqo, oo dulmiga iyo munaafaqada ka fogaada, saasaa adduun iyo aakhiriba idiin roon.
    Xaashi halgankii waxaad kaga jirtaa taariikh qorantay, hore waxaa ummadaadu kuugu wada garatay bilad sharaf, aan muran ka taagnayn debed iyo gudo, oo aad ku kasbatay quluubta reer SSC. Inkastoo dad xunka hadda furfurayaa maamulkeena ku diidanayeen, oo ay kaa urinayeen warka hufan ee aad soo daabacdid. Saxaafadu waxay leedahay anshax. Waana, inaan, waxa dadka danta guud ugu jirto la wada ilaaliyo.

    N.B Mareegtan Horufadhi waxay ahayd ta keliya ee ka badbaaday dhuuniraacnimo iyo ku burburin nin jeclaysi, wixii dadku gacantooda ku samaystay, fadlan halgankii wax yar baa u hadhay ee nasiiya warar sugan oo aan adhaxda ka jebinayn maamulkeena.
    WBT

    • asc xaqiq waa wax fican wana wabsedka kaliya an akhristo intabadan saxibadayba wadna mahadsantihin halganka halka kawada Eng yasin isma naqan Lakin qof wanagsan bad tahay jisakalah kheyr

  7. Waa war aan in muddo ahba sugayey.Haddaan webka dib ugu xirmayaa waayo maantay Horufadhi ogaatay in Cali Khaliif uusan reerka badda ka tallaabin karin waxa mucjiso ahna Alle xaggiisa kala iman.Waan soo dhaweynayaa go’aanka aad qaadateen.

  8. Thanks waan ku soo dhoweynaa

  9. Soobax baalaleeyahay oo aysacabka leefaysaa@lol
    Kasmaal is yar deji saaxiib.
    Dr Ali Khaliif wallee waa nin adag dadbadan ayaa salaadi kasahwiyey
    Long live Prof Ali khaliif.

  10. Sidaa mudo badan shabakadan horufadhi ku hogo tusaaleeyey waa go aankan aymaanta qaadatay

  11. Aadbaana idiinku soo dhowaynaya
    Gobonimo

  12. Weriye cali dhagjar uun baad wakhtigiisii dhamaaday baan u malaynayaa ,xafiiska buuhoodle xidha kaasaa umada isku dira

  13. Waa shabakada keliya aan akhristo welina wax aan diido kuma arag alla haydin dhoowro

  14. Ibrahim X Dh. Adam

    ASCWW

    Warkaa Engineer Yassin aad baan ugu hambalyaynayaa waana (ethics)ka saxaafada in war hufan, run ah, oo caadifad ka fog lagu saleeyo waxaad qoreyso.
    waxaan ka mid ahay dadka ku xidhan Horufadhi, waxaan is leeyahay tani waa talaabo xaga saxa ah loo qaaday.

    Mar horaanse warkan mid ku dhow halkan ka akhristay, laakiin nasiib darro ma tis qaadin, hadda alleh (swt) inuu sidaa Engineerku sheegay aan waxba kasoo noqon ayaan rajaynayaa.
    wa billahi towfiiq
    Wscww.

  15. Waa sax soo dhowoow lnk sxb yaan daadku
    Kula tegin intaad kooxda yar ee cagalule
    U nacamlaysid kkkkk intaasi wa kaftan

  16. ASC salaan ka dib waxan uu hambalyeynaya maamulka guud ee shabkada
    Horufadhi.com oo mudo dheer warar maqal iyo muuqaal iyo qoral ku salaysan
    Run iyo hufnaan iyo cadifad la,aan uu soo gudbineysey dadka kula sugan aduunka
    Dacaladiisa xita hadii khalad ka dhaco raali galin ka bixisa kana fogaata dadka
    qabyalada iyo meel soke waxka eega sida webeb badan aay hada suuqa uga bexeen oo uu xishay boqol doollar oo zaad logu shuba habarkastana ka sii daaya cuqdada sokeeye ee ka buuxda dhanka kale waxaan hambalyeynayaa agaasimaha guud ee hada loo igmadey websetka caalamiga ah oo horufadhi.com engneer yaasin abdi axmed ilaahayna waxan uga baryayaa in uu noqdo mid umada ku hogaamiya cadaalad iyo warar xaqiiq ah aamiin aamiin dhanka kale waxan uu mahad celinaya saleeban xaashi oo mudo dheer uu soo dhabar adeygey guud ahaan hadafka saxda ah ee somaliweyn iyo ka maamul goboleedadaba oo ahaa mid aqoon uu leh xaquuqda saxaafada iyo anshaxa iyo dhamaan inta kale ee la shaqaynasey daljoog iyo dibeed joogba runtii markan shaqada
    ka soo boxo waa webka koobad ee aan furo ama aan warkiisa shire gareeyo ee aan waxba igaga soo noqon ka labaadna waa webka kalshaale.com horufadhi.com xita new york times wuxuu kaga horeyaa wararka north korea iyo bariga dhexee iyo wararka reer galbeedka iyo qaarada africa dhamaan waxay uga soo waraman si xaqiiq ah ugu danbeyntii waxaan ku soo gaba gebeynayaa horufadhi.com iyo maamulkeeda guud guul iyo gobonimo

    Nin waliba wuxuu
    Galabsadey baa loo
    Gor gooriya goboni
    Gada lama soo gatee
    Waa gaar guule bixiyaye
    Garaashaduna labo
    Hooyo wada gardaadisey
    Yeey mid gacanta siisaaye
    Horufadhina gibishiyo
    Gadhwadeenka nugaal
    Godan iyo noqotey
    Gobalka Hawd gebi
    Ahaantoode Rabiyo
    Ha gaasirin webkani
    Waa gu weyn yahaye
    aamiin aamiin

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • kalshale: war aniga waxaaba iiga daran nin waalan oo aan miyir qabin aan waxba kala ogayn ayuu odaygii wax...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay? Kkkk @Turab, duq Galayr waa xaggee guriga uu ku soo noqonayaa?...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay?! Mise futadii xumayd ee Iidoor buu galay. Midda kale, mar la arkaba...
  • Turab: Bismillaah Fadlan, dadka aan reer Khatumo ahayn kama hadli karaan arrimaha Khatumo. Ha la sugo maamulka iyo...
  • qorrog: Qariidadhaye Waar ilaah baan kugu dhaarshee makaa dhabba isla weynaantani? Ma Iidoor oo dhan baad isku...