|

Maqaal: Kolkaan ku Bartaan ka Koray.

                                              iima aha.

 

beri baa niman socota ahi,ku soo beegmeen,nin bakhaylnimo ku caan baxay,degsiimadoo dhanna laga yaqaan,

nin aad u yiqiiney ayaa yidhi,war hebel inoo loogi -maayee ina dhaafiya aan reerahaa hore u sii hoyanee,inyar ka dib,

ayaa nin yidhi,wallaahay adhigii ayuu dhex-galay,ninkii aadka u yiqiiney ayaa yidhi,iima aha.ninkii kale ayaa haddana yidhi,

wallaahay neef ayuu soo qabtay,ninkii aadka u yiqiin ayaa yidhi iima aha.ninkii ayaa haddana yidhi,wallaahay waa gowracay,

-ninkii aadka u yiqiin ayaa yidhi .iima aha.

ninkii kale ayaa haddana yidhi,sowkaa dabka shidayee,hilibkii ku guraya,

-ninkii aadka u yiqiin ayaa yidhi , iima aha,

ninkii kale ayaa haddana yidhi,wallaahay,waakaa hilibkii xeedhada ku guray,ee soo sida,

-ninkii yiqiiney ayaa yidhi, iima aha,

bakhaylkii markuu dhexda marayey ,nimankiina aanu soo gaadhin,ayuu arkay Sarar baruuuri saarantahay,intuu istaagey,

oo xaaskiisii dib ugu jeestey ayuu yidhi,Naa neefkan aynu qalnay muxuu ahaa.

-kolkaas ayay tiri,dee waa wankii ina Heblaayo.

tola,ay oo tacabkay ba, intuu yidhi ayuu xeedhadii dhulka ku dhuftay.

-ninkii aadka u yiqiin ayaa yidhi,immisaan idinku lahaa,iima aha,waa ii caddayd inaan caawa hebel  uu idiin keenay aydan cunayn.

ninkastaana candhuuftiisii ayuu dib u liqay,nin gaajo hayso hurdo kama soo dhacaysee,tartarkaa la wada dhigay,waaga berigiisana la sugey,

iyo in hamuunta lala kallaho.

nimaad taqaanid yaa tahay lama yidhaahdo,waxa wax lagu qosla ah,in Buntiland tidhaahdo,sool iyo sanaag waa Buntiland doorashana ka dhici mayso,oo dagaal baan ka xignaa,oo afar gaadhi Garoowe iyo tukaraq dhexdooda laamiga kolba dhinac loo eryo,waa wax lagu qoslo,

-Ilmaadeerayaaloow horaynu nolosha ugu kala quusanaye,luggooyadiina iyo dibin-daabyadiina keliya ma naga deysan kartaan,hiil idinka sugimaynoo,horaan ugu kala quusanay,idiinkuma dudayno,idinkana sugi mayno,aqoon noogu kiin dhimanina ma jirto,abuur cusubna dib laydiinkuma celin,qofkana laba goor lama abuuro,nin seexdoo soo toosay waa kii seexday,ma jecli inaan intaas idiin dhaafo,

 

-Hayb iyo waxaan jirin,

-Dhaaxaa laygu hodey been,

 

-Hayin laygu kiciyaa,

-waa habeenki xalay tegey.

 

-heshiiskiyo collaadaba,

-kuwaan heelka wada naal,

 

-idinkaa hore u yiroo,

-maaha hawl idiin taal,

 

-Afku way hud-hudayaa,

-calooshay haraaciyi,

 

-Hawlihiina ku ekaadoo,

-hadal hayga keenina.

 

OBS-

-Tolka ma aanan wada hiifine,

-Maamulkaasaan haaraamo,

 

-Hadalka u hanbaynaynoo,

-sinaba ula heshiin karinoo.

 

-Siingaha Hinduuga ah iyo

-Huutuugaa iga xiga.

 

 

Adan runta ku caddee.

sweden  20170810

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=49282

Posted by on Aug 16 2017. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Maqaal: Kolkaan ku Bartaan ka Koray.”

  1. ASC. Adigaa iddilaye goormaa isaaq Doollo iga qaaday, gabyaa horaa sidaa yiri.

    Adeer waxba nin aad wada-dhalateen ha u soo xayd-xaydane ka hadal kuwa aad ADIGU dhulkaagii ku wareejisay ee kugu qasbaya in aad kaadh qabiiloodkooda qaadato.

    Waxaan maqli jiray boqortooyooyinkii AMXAARADA ayaa ku qasabtay dad badan oo OROMO ah in ay Amxaaro noqdaan, markaad eegtana labada qolo Oromada ayaa aad uga tirabadan, lkn dadnima xumaa loogu dawgalay. Tiibaad mooddaa in reerkii Dhulbahante lagu hayo, mar la arkana reer mj la yiraahday ka daba niic leeyihiin.

    Waar wax aadan is yeelin adigu cidi kuma yeelin, waxyaabaha qaarkood waa inan gumeednimo gaamurtay, Maaha in mar la arkaba aannu xagxagano mj, innagoo aan khaladkeena arkayn. Waar xaqiiqda aan ka hadalno, oo aynu reerkaa ka daba yuuskooda iska dayno dhulkeenna inagaa bixinnay e, oo waliba u xaydan sidii inta hartay aynu u bixin lahayn. Tusaalaha ugu dhow waa kan kooxda Galyr ka waddo Shaxda. WAKE UP, MAN. Wbt

  2. kaagan ceegaag ee ceegada in lahayo aad moodid

    mj miyaa wax kadaba yuusaya oo ku haya dhulbahante iyo dhulkiiisa anaa leh mise dhulbahante baa ka daba yuusaya oo leh dhulka mj anagaa leh yaaab

    wax baa iskagaa khaldane horta waxa jira ee waa giciga ah fahan markaas wax soo mal malooq hadaad doontid

    iima aha iima aha waa maqaal run ah mj baa hiil dhulbahante uga laya oo isaaq la buufinaya iima aha

  3. maxamuud saleebaan waxay is dheheen magaca harti ku afduuba wax waxay kaloo
    duufsadeen ogaadeen oo ay ku direen mareexaan oo jubbaland ay ugaadeen afduubteen lkn arinkii alamtara soo dhaaf maanta axmed madoobe farmaajuu la saaxiibay khaatumana dariiq cad bay martay bal aan aragno m\saleebaan cidda danbe ee ay harawsadaan

  4. jiijo ama niino adeer puntland cid ma barido cidna ma daba fadhiisato iyadaa isu talisa farmaajo, cali Khalif waxaad doonto keen waxaanu nahay dad tashada oo aan loo talin waligood in ay taliyaan mooye taadaas oo kale afxumo cidna waxba kaga qadi maysid ama ku liidi maysid hadal dumareedka aad ku halaysid waad taqaad reer puntland adiga iyo mid kula mid ahaba waxba ka qaadi maysaan caytama ama calaacala ama qayliya sidii dhurwaagii.

  5. Ahmed
    waxaan maqli jiray S/L socon wayday oo laga sooo yaac

    hada waxaa badashay P/L socon waydayooo laga kala yaac shalay SSC baa ka dareeray marka laga reebo calooshood u shaqaystayaaal camay hogaamiyo maanta darbi daarood tanade baa ka lugeeeyey marka maxaa NINA loo xag xaganayaa oo mesha yaaal waxii faan ah waa cadadiin waana meesheeeda lkn balanteenu waa in taagerno XIRIIR LAND

    XIRIIR LANDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDD

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...