Loading...
Home » August 31st, 2017 Entries posted on “August, 2017”

Daawo:Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay in Dowladda Somalia u soo gacan galisay Sarkaal ka tirsan ururka ONLF-Video

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan gelisay Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Dr. Negeri Lencho ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Amxaariga ee Idaacada VOA, isagoo xusay in tallaabada ninkaas loogu soo gacan geliyay ay qeyb […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali oo taageeray Heshiiskii laga gaadhay shaqaaqadii Buuhoodle-Video

Aqoonyahan Jamal Xaaji Cali Cilmi oo Kamid ah Aqoonyahaniita Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa soo Dhaweeyey Heshiiskii Dhexmaray iyo Nabadii Laga gaadhay shaqaaqo dhalinyaro Walaalo ah ku dhexmartay Buuhoodle. HALKANI KA DAAWO VEDIO Jamal Xaaji Cali ayaa Dhinaca Kale Ka Hadlay Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland Gaar ahaan Go,aamo Dhawaan ka soo Baxay Kadib Shir […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay arrin umadda Somaaliyeed ku farxeen & Hambalyadda uu u diray shacabka-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Dagaaldega maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo berri ku beegan. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle ugu baryay sanadkan sanadkiisa in barwaaqo baraare, caafimaad iyo cimri Eebbe nagu gaarsiiyo, intaasina uu aas aas u yahay amniga. Madaxweynha waxa uu sii wayn ugu […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:R/wasaare Khayre oo ka hadlay arrrimo Xasaasi ah“Dowladeyda isku shaan dheyn kuma sameynayo,,-Video

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku shaandheyn ku sameynaayo Golaha Wasiirada xukuumadiisa. Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana aanu jirin isku shaandheyn uu ku sameynaayo Wasiirada, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Kheyre sheegay in Xukuumadiisa aysan weli […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:Maamulka Puntland oo eedo culus dusha ka saaray Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif+Arrinta Garoonka Buuhoodle-Video

Kadib markii dhowaan maamulka Somaliland iyo Xubno ka tirsan Khaatumo ay soo saaren 10 Qodob oo Ka dhan ah Buuhoodle, Islamarkaana ay eedayn dusha uga Tuureen Puntland iyo Dawladda Soomaaliya, Islamarkaana Garoonka Buuhoodle aysan cidi kasoo degi karin, Ayaa waxaa Arintaasi dhankooda kasoo Jawaabay maamulka Puntland. HALKAN RIIX DAAWO VIDEO C.laahi Maxamed Jaamac Qudhaan-jecel Afhayeenka […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:Dowladda Somalia oo si yaab leh uga hadlay Sarkaal ONLF oo maalmahan aad loo hadal hayay arrintiisa-Video

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sarkaal ONLF ah ku wareejisay Ethiopa. C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo maalmahan ay dowladda ku haysay Muqdisho, ayaa ugu dambeyn loo dhiibay Ethiopia, sida laga gartay hadalka Sanbaloolshe. Sanbaloolshe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dhex galay mar […]

August 31st, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Muuse Biixi oo Cayaar adag la dheelay M/weyne Galaydh kagana Adkaaday 2-0.

Magaalada Hargaysa waxa ku sugnaa dhawaanahan wafti maamulka Khaatumo ah oo sheegay inay halkaas wada hadal u aadeen, dad badan ayaa la yaabay hadii gudi farsamo shireysey waxa geeyey madasha madaxweynihii maamulka. Reer Khaatumo badan ayaa isku dayay inay is xakameeyaan si uusan uga burburin maamulkooda oo bal dulqaad ilaa xad ah la muujo, balse […]

August 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo- Waxgaradka B/Weynta Ahmed Garaad ee Maraykanka oo Baaq Xoogan soo saaray+Bogadin-Video.

Baaqan ayaa waxa soo saaray waxgarad, odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano dhamanatood ka soojeeda beelweynta Ahmed Garaad . HALKAN KA DAAWO…. Horufadhi.com@gmail.com  

August 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Vedio” Deegaanada Ceegaag iyo Goljano oo Ha,yada Humanity Ka Bilowday Gurmad Biyo Dhaamin ah

Deegaanada Goljano iyo Labada Ceegaag ayaa Waxaa Wali ka taagan Abaaro iyo Biyo La,aan Baahsan oo saamayn Balaadhan Ku Yeelatay Bulshada Deegaankaasi Waxana Deegaankaasi haatan la gaadhsiiyey Gurmad Balaadhan oo Biyo Dhaamin ah oo ay Fulisay Ha,yada Scerdo Waxaana Biyahaasi Ku Deeqay Ha,yada Kale ee Humanity oo Fadhigeedu Yahay Dalka Canada.     HALKANI KA […]

August 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:Xildhibaano Maamulka Khaatumo ka tirsan oo iyaga Hargeysa jooga Hadalo yaab leh warbaahinta ka yidhi iyo arrinta wada hadalka-Video

Maxamuud Axmed Yaasin kana mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Khaatumo oo hargeisa kula hadlay Warbaahinta ayaa ku Faanay inay diyaar yihiin Wafdiga Wadahadalka Somaliland Kula jira, Inay Ku Biiraan hadii la Helayo Somaliland Cusub Siduu hadalka u dhigay. HALKAN RIIX DAAWO VIDEO Wuxuu soo jeediyey la dar-dargeliyo Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland, si loo Ilaaliyo Midnimada Somaliland, “Soomaaliland […]

August 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Loading...

Recently Commented

  • kalshale: war aniga waxaaba iiga daran nin waalan oo aan miyir qabin aan waxba kala ogayn ayuu odaygii wax...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay? Kkkk @Turab, duq Galayr waa xaggee guriga uu ku soo noqonayaa?...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay?! Mise futadii xumayd ee Iidoor buu galay. Midda kale, mar la arkaba...
  • Turab: Bismillaah Fadlan, dadka aan reer Khatumo ahayn kama hadli karaan arrimaha Khatumo. Ha la sugo maamulka iyo...
  • qorrog: Qariidadhaye Waar ilaah baan kugu dhaarshee makaa dhabba isla weynaantani? Ma Iidoor oo dhan baad isku...