|

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Amray dilka Sarkaalka ka Tirsaanaa Xarakada Al Shabaab-Video.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar duqeyn ah oo lagu khaarijiyay Sarkaal sare ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan oo shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa war kooban uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha uu bixiyay amarka lagu dilay Sarkaalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Eng. Yariisow ayaa sheegay in howl gal ay qaadeen Saaxibada Caalamiga ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Inta badan Mareykanka ayaa weeraro bartilmaameed ah ka fuliya Soomaaliya, kaasoo lagu beegsado Saraakiisha Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan weerarka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab ayaa wali wax war ah ka soo saarin warka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee ah in la dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho u qaabilsanaa

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=48446

Posted by on Jul 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Amray dilka Sarkaalka ka Tirsaanaa Xarakada Al Shabaab-Video.”

  1. Kkk sida uu farmaajo bilaa xishood u yahay baaad idinkuna u tihiin farmaajo yaa wax ka waydiiya dalkaba ,xalane atuusan gali karin iska daa meel kaleeeee

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Suaal, qaabka dawlada Khatumo, xubnaheeda xilalka ka haya, ma waxay ku wada jooggaan, nidaam iyo...
  • ali: dulqaadkii waa naga dhamaaday, waxay joogta wakhtigii dhegta dhiiga loo dari lahaa majeerteen. wixii dhacaya ha...
  • Ali yusuf: Way Ina qosliyen Borama laga kopigareyey
  • wiil aadan cigale: Dadkii reer Puntland oo walaalihiin ahaa oo maanta madaxwaynohooda soo dhaweeyay ma quuri waydeen...
  • Ceegaag: Turab, Marka xaqiiq laga hadlo cid ammaanani ma jirto reer SSC, ha ahaadeen ISIMMO ama SIYAASIYIINBA ee uu...