|

DAAWO:Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday war farxad ku abuuray Boqolaal Soomali ah & Garoonka Muqdisho oo Hadh iyo Habeen-Video

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah u shaqeynayo xilliga habeenkii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii dhowaan lagu xiray nalalka ifiya dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu wixii hada ka dambeeya shaqeyn doono 6-da subaxnimo illaa 10-ka habeenimo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaa rabnaa inaan idinla socodsiino in garoonka uu shaqo bilaabay habeenkii, kaddib markii aan sameynay nalal ifiya dhabaha ay diyaaraddda ku orodo”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay shirkadaha Isgaarsiinta in Anteenooyinkooda ku yaala degmooyinka Wadajir, Waabari, Hodan, Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Wardhiigle inay ku xiraan nalalka calaamadaha, si diyaaradaha u ogaadaana meelaha ay anteenooyinka ay suran yihiin xilliga habeenkii.

Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ayaa wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe shaqeyn xilliyada habeenkii, waxaana garoonka uu shaqeynayay gelinka hore illaa gelinka dambe ee maalintii.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=48437

Posted by on Jul 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Suaal, qaabka dawlada Khatumo, xubnaheeda xilalka ka haya, ma waxay ku wada jooggaan, nidaam iyo...
  • ali: dulqaadkii waa naga dhamaaday, waxay joogta wakhtigii dhegta dhiiga loo dari lahaa majeerteen. wixii dhacaya ha...
  • Ali yusuf: Way Ina qosliyen Borama laga kopigareyey
  • wiil aadan cigale: Dadkii reer Puntland oo walaalihiin ahaa oo maanta madaxwaynohooda soo dhaweeyay ma quuri waydeen...
  • Ceegaag: Turab, Marka xaqiiq laga hadlo cid ammaanani ma jirto reer SSC, ha ahaadeen ISIMMO ama SIYAASIYIINBA ee uu...