|

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo kusoo wajahan Garoowe iyo Maamulka Somaliland oo ka walwalsan sababta-Video

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bishan booqasho ku tago Puntland.

Farmaajo ayaa booqashadiisa waxaa lagu beegay 19-guuradii ka soo wareegtay xuska aasaaska dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan 1-da Bisha August oo labo todobaad ay naga xigto.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Diyaargarowga xuska sanadguurada Aasaaska Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe, waxaana aad loo adkeeyey amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa marka uu tago Puntland inuu Booqdo xarumaha Maamulka Puntland isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha bulshada waana safarkiisii ugu horeeyey ee uu Puntland ku tago tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u booqday xarumaha maamul goboleedyada qaarkood sida Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo, waxaana u harsan magaalooyinka Garoowe iyo Jowhar.

Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa aad uga walwalsan Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee deegaanada Maamulka Puntland.

Arrinta walwalka ku abuurtay maamulka Somaliland ee ku saabsan socdaalka Farmaajo ayaa salka ku haysa kulamo laga yaabo in uu la yeesho Isimo kasoo jeeda deegaanada SSC.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47717

Posted by on Jul 17 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo kusoo wajahan Garoowe iyo Maamulka Somaliland oo ka walwalsan sababta-Video”

  1. Fariin ku socota Mudane Madaxweyne Farmaajo;

    Waxaad ogaata in madaxda maamulka Puntland iyo dhawr oday oo reer SSC ah ay madaxa ka gashay “Gobolladda SSC waxay ku tirsan yihiin Puntland.” Warkaasi waa been aan waxba ka jirin, oo sal iyo raad toona lahayn. Gobolladda SSC iyo Puntland waxay kala xidhiidh furteen bishii Janaayo 2012 markii dadka reer SSC samaystay Maamulka “Khatumo State. Odayaashu waa koox faraxal la cabsiiyey oo gurya noqotay.
    Kolley waan huba oo marka aad Garowe tagto, dhawrkaas oday ee reer SSC ee maraysan ayaa lagu soo hortubaya, oo lagu odhanaya dhegeyso: “Waxay cadaynayaan in gobollada SSC ka tirsan yihiin Puntland.” Lakiin waxaad ogaata in ay yihiin odayaal wax ka qaldameen, cid furdaamisana waayey, maamulka Puntland na ku tuntay oo ku taagtaagsaday, iyana iska celinwaayey. Haddeerna waaba la nac oo cidina ka celin mayso, ilaa ay aakhiro u diraan.

    Qore: Aqoonyahan Reer Khatumo ah.

  2. hadaad been sheegayso mid run u eeg ba la sheega. hadaba anaku kama war warsanin in farmaajo puntland tago, laakiin waxaanu ka digayna in uu colaada buuhoodle kula soo tashado maamulka garoowe.

    kolay farmaajo waa nin cadhaysan oo dibloomaasiyadii carabta looga badiyay.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • farxiyo: test
  • NINA: ceegaag kkkkkkkkk meesha aniga iyo adiga nalama taraxo yaad u sheegi baaqa kkkkkkk
  • NINA: adna adan waxay ahyd marwadii raysalwasaarihii hore ee soomaaliya marxuun cigaal mansab iyo sharaf dawladeed...
  • NINA: ali wanlawayn ma kelmad cay ah baad mooday wanlawayn ama daafeed hadba sida loo yaqaan waa magaaladii ugu codka...
  • Ceegaag: Asc. Maantoo dhan ISAAQ nooga sheekeeya, waar wuxu maxay ahaayeen?! Xantii la sheegi jiray baa wax ka...