|

Daawo:Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo ka hadlay wada hadalka Dowladda Faderalka ah & Maamulka Somaliland-Video

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in marnaba aanu is faham ku dhammaan doonin wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoo aan wax laga bedelin sida ay hadda wadahadallada u socdaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO 

Galeyr ayaa sheegay in hadii Shan Sano oo hadda dhiman uu sii socodo wadahadalka xitaa aanu natiijo ka imaaneyn, illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi.

Waxa uu sheegay in rajada ugu weyn ay tahay marka Somaliland ay aqbasho in wadahadalka uu noqdo mid u dhaxeeya Koonfur iyo Waqooyi.

“Haddii ay wax dhaleyso Koonfuir iyo Somaliland baa wadahadlaya mar hore ayeey dhali lahayd, Shan sano kale hadii lagu noqnoqdo Turkiga waxbo ma imaanayaan, laakiinse marka loo hadlo waqooyi iyo Koonfur waxaa laga yaabaa in la isku fahmo wadahadal, markii aan helno Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidna cidda kale ka xigin, awoodna ugu sheegan waa macquul in natiijo laga gaaro wadahadallada” ayuu yiri Cali Khaliif.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in mar walbo ay ka go’an tahay in miiska wadahadalka ay la fariisato maamulka Somaliland ee aaminsan inuu yahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Wararka Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47707

Posted by on Jul 17 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Daawo:Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo ka hadlay wada hadalka Dowladda Faderalka ah & Maamulka Somaliland-Video”

  1. Hadalka madaxwaynaha khadumo waa mid biyo kamadhibcaan ah

    waa hadal nin wayn oo waayo arag ah

    waxan kutalinlahaa in loo dhego nuglaado

  2. ASC. Dr. Tani ma waxa luuqadda qalaad lagu yiraahdaa “exit strategy” wadahadalkii uu lalahaa Hargeysaa looga baxay marka isna waxa uu raadinayaa dariiq uu uga baxo dhiiqada uu galay! Waa xaalad abuur

  3. Cali arinkaa run buu kasheegay.
    Wax kasoo ba soo baxay male inta uu wada hadalka afduuban yahay
    Hadii sidaa odayga sheegay aan laeye3lin wax Natiijooyinka kamadoow baxaso

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...