|

Daawo:Wasiir Bayle oo wax laga waydiiyey Su,aalo ku saabsan Miisaaniyadii xukuumadda ee 6-dii bilood ee lasoo dhaafay-Video

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira Miisaaniyadda oo maalmo ka hor loo gudbiyey Baarlamaanka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Miisaaniyadda 2017 ayaa ah 6 bilood ee sanadkan waxaana ay gaareysa 267 milyan oo Dollarka Maraykanka ah. Lacagtan ayaa in ku dhaw kala bar waxaa laga filayaa deeq bixiyaashu in ay ku kabaan miisaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyele ayaa Xildhibaanada u sheegay in lacagtii dowladda Turkigu ku kabi jirtey Miisaaniyadda aan la helin saddexdii bilood ee u danbeysey. Tueriga ayaa bishii lacag laba Milyan ah ku kabi jirey Miisaaniyadda taas oo sanadkii gaari karta 24 Milyan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa muran iyo dood ka keenay lacago Miisaaniyada ugu qoran Dowlad Goboleedyada iyo in ay kala badan yihiin taas oo Wasiirka Maaliyaddu uu faah-faahin ka bixiyey.

Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay daa’intey bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka iyada oo saddexdii bilood ee u danbeysey ay hoos u dhacdey dhaqaalaha ka imaanayey deeq bixiyaasha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47626

Posted by on Jul 16 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Aar nagadaaya ciyaarta odaygani waa kii ilkaha la’aaye.
  • Ceegaag: IYAA! Kolay sabab baa keentay baan filayaa in nimankan la xidhxidho, waa in wixii kacaan-diid ah la...
  • NINA: Habarjeclo=cududii dhaqaale Habarawal=dhaxal siyaasadeed oo hore (cigaal) Habar yoonis+ ciidagale= foot...
  • NINA: Cirro wuxuu noqday siyaasigii ugu doqonsanaa isgoo Helay codkii shacabka ayuu U tanaasulay Koox Beri uu marxuum...
  • NINA: Ha huursanaado dherigu kkkkkk