|

Madaxweynaha Farmaajo oo Dhamaal u Direy Boqorka Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Boqorka Sacuudiga, isagoo uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ka tirsanaa Qoyska Boqorka.

Dhambaal tacsi ah oo lagu qoray bogga Twitter-ka ee Villa Somalia ayaa waxaa Tacsi loogu diray Qoyska iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga Twitter-ka rasmiga ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhambaalo kala duwan u dirayay Qoyska reer Boqor, waxaa uu horay dhambaal tahniyad ah u gaarsiiyay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

 Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47616

Posted by on Jul 15 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • farxiyo: test
  • NINA: ceegaag kkkkkkkkk meesha aniga iyo adiga nalama taraxo yaad u sheegi baaqa kkkkkkk
  • NINA: adna adan waxay ahyd marwadii raysalwasaarihii hore ee soomaaliya marxuun cigaal mansab iyo sharaf dawladeed...
  • NINA: ali wanlawayn ma kelmad cay ah baad mooday wanlawayn ama daafeed hadba sida loo yaqaan waa magaaladii ugu codka...
  • Ceegaag: Asc. Maantoo dhan ISAAQ nooga sheekeeya, waar wuxu maxay ahaayeen?! Xantii la sheegi jiray baa wax ka...