Loading...
|

Daawo:Cabdiweli Gaas oo ku jaahwareersan Ganacsatada Boosaaso kadib markii uu maamulkiisu Cashuur xad dhaaf ku soo rogay-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo Jimce ahayd shir Jaraa’id oku qabtay aqalka Madaxtooyadda magaalada Garoowe. SHirka jaraa’id ayaa Madaxweynuhu uga hadlay cashuuraha laga doonayo in ay muwaadiniinta reer Puntland bixiyaan.

Cabdiweli Gaas ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in haddii aan cashuurta la bixinin aanay dawladdnimo jiraynin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“…Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaara haddii aan shacuur la bixin, adduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ‘wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta’ taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar majirayo hadii aan cashuurta la bixinin…..”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

 

Maalmihii u danbeeyey waxaa ka taagnaa magaalada Bosaso in qaar kamid ah ganacsatadu ay xireen goobahoodi ganacsiga, kadib markii laga dalbadey dadka guryaha kirada ugu jiraa in ay bixiyaan canshuurta taas oo la isku maandhaafey cidda lagu lee yahay ma hantiilaha gurigaa mise waa qofka kiresystey, taas oo Madaxweynuhu ku sheegay shirkiisa saxaafadeed in lagu lee yahay hantiilaha guriga.

Ma jiro debni ka weyn oo laga galo dowladnimada cashuurta oo la diido

Gaas ayaa shirkiisi saxaafadeed ku sheegay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka, waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba. Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ganacsatada qaarkood ku eedeeyey in ay lacago baad ah ama canshuur siiyaan al-Shabaab waxaana uu yiri:

“….Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay? micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Maamulka  Garoowe Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo in cashuurtu waa waajibe ay bixiyaan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47603

Posted by on Jul 15 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

1 Comment for “Daawo:Cabdiweli Gaas oo ku jaahwareersan Ganacsatada Boosaaso kadib markii uu maamulkiisu Cashuur xad dhaaf ku soo rogay-Video”

  1. Abdi maratoon darwiish

    Damiir kaaguu Hadduu Dummoo Danqasho Dadnimo Diin Daayinkey Looga Cabsadoo Faalso Daabac Mooyeee Damiir kaagu Diido Danyar Taada U Damqooo Waa Aqoonyahan Aduunka Cilmiga Kasoo Daalacdey Daadihinta
    U Dirrooo Doog Damqasho Aan Daawo Dabiib Lahayn Dadkiisii ku Danbeeyeee Faalsaduu Daabacayey Hantidiinana iigu Darraaa Dood Baaa Ka
    Timmiii Inaynu Diidnoo Faasa Daabacahaniii Inuu Hantideena Intuu Inaga
    Daldashoo Bangiyada Dunida ku Duugto inaguna Diihaal Dayac ku Danbeyno
    Nin Caqliga ka Durraan Wuxuu Bini Aademinimada ka Didabaa Dibin Daabyada Duudsiga faalso Daabacashada Daaa Lagala Daalabaaa
    Dooda Diidihiin Lagu ixtiraamaba Markii Dadnimo Xumadiisa Laga Didoo
    Isaga oo Dayac Damiir xumooo La Dudaaya Dacwadiisu ka Daadegiweydey
    Kuwii Faalsada ku Diirtayeee Markuu Darreemey In Laga Didaay Daadihiin Daryeele Maato U Danneeye Debada uu ka Yahaay waa kuwaaa Dukaamadii
    Daasaskiii Qaful ku Dahaadhey Haatan Dacwadiisu Ka Daadegiweydey Daarihii Danyartu Dugsiga U Ahayd Hanti Baan Ka Doonayaaaaaaaaaa
    Umadii Dirraac Daadinta Daryeelka Maatadooda Cadawga uga Hiilin Tiisaa Daaranweydaa Dayac Bay ku Danbeyn Diihaal Cuduro daawo Loo Helineee

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • Hakiim: Tuuga tuug u dhalay meeshii lagu arko waa in aan la deyn oo talaabo laga qaadaa, waa nin waalan oo aan...
  • Ceegaag: ASC. Qaabkay warqaddu u qoran tahay baaba basaas badani ka muuqataa!
  • Muslimo: Hala eryo oo mariya meeshuu maray Jaalle Cosoble, hirshabeelle, Gaas,Garoowe iyo kan galmudug intaba hala...
  • Muslimo: Mohamed Abullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khayre ama meesha how baneeyeen hororada...
  • Qariidahaye: Ali is indho tir iyo kiis kale baad wadaaa arinka meesha yaal ee hawda somaliya oo ad ku qarwi jirteen...