|

Daawo:Dowladda Somalia oo ku dhawaaqay wakhtiga la sameynayo Xadhigii Internet-ka ee Fibre Optic-Video

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo jimco ah la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka go’ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddib markii Markabkii sameyn lahaa uu soo gaaray Dekeda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in saaka 8-da subaxnimo la bilaabi doono qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda.

Waxaa uu sheegay in markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Markabkii sameyn lahaa Dekeda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka go’ay xargihii Internet-ka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internet-ka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya ka taxadari doonto in xaaladan oo kale aanay dhicin, isla markaana ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo adeegyada Internet-ka ee dalka.

Shirkadda Dalkom oo keentay adeeggan Internet-ka ee Fibre Optic oo la soo marsiiyay badda gunteeda hoose ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay rajeyneyso inuu dib u soo laabto Internet-ka.

Muddo 15 maalmood ka badan ayuu Internet-ka ka maqan yahay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana maqnaanshaha Internet-ka uu saameyn ku yeeshay adeegyadii bulshada, sida xawaaladaha, waxbarashada iyo shirkadihii duulimaadka ee Tikidhada ku bixiya qaabka Online iyo ganacsiyo kale.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=47571

Posted by on Jul 14 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Dadka nolosha ku dhacday maxaa Soomaaliyi u buunbuunisa. Gen. Morgan isagoo dawlad haysta ayaa laga...
  • Abdi: Dal berri hore saddex jeer la guursaday oo laysu bedbedeley ayaa hadda rabba inu Soomaali maamullo. ALLAH...
  • ali yusuf: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
  • Turab: Bismillaah Somalidu waxay tidhaahdaa ” Nin soori qaaday waa nin seefi qaaday”, ” Nin...
  • kalshale: nidaamka dowladnimo waa mid ka duwan sida aad u aragtid waayo marka aad dowlad xidhiidhka u jaraysid waa in...