|

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Cafis ku sii daayey 84 maxbuus iyo Farxada dareenkooda-Video

71 Maxbuus oo kamid ahaa kuwii uu cafiska u fidiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa shalay galab laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

General Xuseen Xasan Cismaan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyeed oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in dadkaasi ay Xabsiga ugu xirnaayen dembiyo fudud oo lagu soo eedeeyay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Taliyaha, ayaa iftiimiyay in maxbuus kastaa ay siiyeen labaatan dollar, si buu yiri ay uga dhigtaan gaari raac.

Taliyaha, ayaa soo hadalqaaday in sidaan oo kale ay Talaadadii Xabsiga Dhexe ka sii daayeen 13 nin, ka dib cafis uu u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Dhammaanba maxaabiista cafiska loo fidiyay, ayaa waxaa magacyadooda soo gudbiyay guddi uu Madaxweyne Farmaajo u xil saaray inay soo gudbiyan magacyada dadka dembiyada fud fudud ugu xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Waxaa xusid mudan in horay Xabsiga dhexe looga sii daayay 13 Maxbuus, taasoo tirada guud maxaabiista cafiska loo fidiyay ka dhigeysa 84 Maxbuus.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=46788

Posted by on Jun 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Cafis ku sii daayey 84 maxbuus iyo Farxada dareenkooda-Video”

  1. Waa tuug. Beri bay ku soo noqonyaan xabsiga. Waxa xabsiga loo dhisay in tuugta iyo dad dilka lagu xidho.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ALLOW kii roon reerka u reeb.
  • Abdi: War beenta iyo beenwaaska ha layska ilaaliyo, waayo dad muslim ah baynu nahay, bil Ramaddaan baynu ku jirna....
  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa