|

Widhwidh Shirar iyo kulamo Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada Maamulka Khaatumo iyo Wufuud ku qulqulaysa….

Warar Hoose oo ay Warbaahinta Horufadhi Media ka heshay Magaalada Widhwidh ee Gobalka Cayn ayaa sheegaya in ay halkaas buux dhaafiyeen boqolaal wufuud ah oo ka kala yimid deegaano kala duwan kuwaas oo kusoo Ququlaya magaalada widhwidh oo Xarun u ah madaxda Maamulka Khaatumo.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan wufuuda ku qulqulaya magaalada widhwidh waxaa ay iskugu jiraan Cuqaal,Oday dhaqameed iyo boqolaal kamid ah waxgaradka deegaanada SSC kuwaas oo ka kala yimi deegaanada Buuhoodle,Laascaanood,Taleex,Xudun Boocame iyo deegaano kale.

Ujeedka wufuudan Buux dhaafiyey widhwidh ayaa waxaa uu daaran yahay shirar la sheegay in la yeelanayaan madaxda maamulka Khaatumo ee ku sugan widhwidh waxaana  mashquul aad ah laga dareemayaa aqalka madaxtooyada ee Maamulka Khaatumo oo ay halka ay shirarku ka socdaan.

Shirarkan iyo kulamadan ayaa sida aan wararka ku helayno waxaa ay hordhac u yihiin isla markaana lagu jeex jeexayaa loogana sii arinsanayaa shirka dhawaan tobanka bishan Fooda inagu soo haysa ka dhici doona magaalada Burco kaas oo daba socda Heshiiskii Hargeysa ku dhexmaray maamulka Khaatumo iyo Maamulka Somaliland.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in shirarka ka socda widhwidh aad loogu lafa gurayo Qobadii dhawaan kasoo baxay heshiiskii Labada maamul ku wada gaadheen Hargeysa iyo waliba wixii lala gole tagi lahaa shirka Burco ka hor bishan Julay ee fooda inagu soo haysa.

Dhinaca kale warar hoose oo ay Warbaahinta Horufadhi ka heshay dhanka Nugaasha ayaa sheegaya in ay deegaanada Xudun iyo Taleex gaadheen wafti ka socda maamulka Khaatumo oo uu Hogaaminayo wasiirka arrima dibadda maamulka Khaatumo waftiga ayaa shirar  la leh odayaasha iyo Bulshada deegaanadaas.

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrimahaas HorufadhiMedia kala socda.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=46745

Posted by on Jun 29 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Widhwidh Shirar iyo kulamo Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada Maamulka Khaatumo iyo Wufuud ku qulqulaysa….”

  1. oo awal ba ma tagi jirinee ma iidookii ayaa u fasxay ileen.

  2. halmo raajcat illa cadatah.
    horufadhi you return back to your custom

  3. Asc. Waa caynkaa, madaxweyne hore Galayr iyo kooxdiisu waa in ay halkaa ka hayaan!

    Aad baannu idiin bogaadinaynaa haddaannu nahay kooxda isbeddel doonka ee fadhigoodu yahay Xamar. Waayo Dawladda Soomaaliya ayay noo godlaysaa arrinka aad waddaan.

    Tan kale, annagu Puntland ma naqaan, arrinkuna uma dhaxeeyo Hargaysa iyo Garoowe. Ee arrinka waxaa dib u soo ceshaday bulshada SSC oo kaashanaysa dawladda Soomaaliya. Shirkana lagu qaban maayo, i.a, Buuhoodle (Buurkaroole) ee deegaan kale oo laysla gartaa lagu qabanayaa.

    Si kastaba, hawshiinna wata oo Burco la aada, annana taayadaanu wadanaynaa ismana garanwayno. Wbt

  4. cali khaliif galaydh kama noqonayo heshiiskii uu nagula galay hargeysa.

    waayo haduu ka noqdo, maamulkiisa ayaa ku jabaya. isna maanta diyaar uma ahan inuu dhibaato kale galo.

    heshiisku waa sidaasi weeye, hadii burco nalala hor yimaado sheekada ah, midnimo somalia ah, waanu laalayna isla mar ahaantaasna waxaanu amrayna ciidamada qaranka somaliland.

    xaaladu halkii horay ku noqonaysaa.

    cali dadkiisa inuu qanciyo mooye nalaguma soo shir noqon doono sheekadii hore ee ahayd fikirka xamar iyo sida hala igu aqoonsado.

    deal is deal, hadaad rabto inaad maamul goboleed noqoto, be part of somaliland, ask permission to re-open for you our national constitution.

    hadiise kale sheekadu halkeedii horay ku noqon oo doorkan puntland iyo somaliland si toos ah bay uga wada qayb qaadan.

    khaatumo waxay madaxa lasoo kacday waa intan wadahadalku ina dhex maray, oo puntland na halkaas bay ku daciiftay.

    hadiise kale waa halkii hore bahashu calina waa ogyahay no matter in aanay xamar waligiis aqoonsan doonin, puntland na ahaanayso waligeed diidmada hortaagan khaatumo ee xamar.

    kuwa leh fadhigeenu waa xamar de iska fadhiya bahasha puntland ba idiinka gacan saraysa oo idinkaba laalaysa.

    farmaajo puntland buu taageero ka helaa, hadii sheekada la keeno mooshinadii baa lagu dhaq dhaqaajin awal lagu halakeeyay xasan sheikh iyo shariif axmed kii ka horeeyay.

  5. cali kama yeeli doono sheekada,

    waayo xaaladu waxay joogta laba daran mid dooro.

    deal is deal, hadaad rabto inaad maamul goboleed noqoto, be part of somaliland republic.

    dastuurka la idiin furaya waana la idiin xalaalaynaya maamul goboleednimadiina oo beesha caalamka ayaanu si fudud uga dhaadhicinayna in somaliland system federalism ah samaysatay oo maamulada maakhir iyo khaatumo yihiin maamul goboleedyo sharci ah oo dastuurka somaliland ogol yahay.

    hadiise kale eed somalia rabto forget about that offer, waligaaba xamar fadhi waxaan ogahay xamar inay puntland idiinka awood roontahay. hadaan sida kalena u dhigno puntland waa hooyadii federalka xamar samaysay. kay raali ka tahaa noqon kara kii kale ma noqon karo.

    farmaajo haduu jiidhso is yidhaah, xaalado xun baa ku kacaya, already hawiye ayaa kacsan oo durba ku gacan saydhay hub ka dhigistii. beelaha hawiye raali kama ahan xukuumada farmaajo.

    sida la ajligeed waxa uu ku nabad galay waa puntland oo taageero siisa xidhiidh fiicana laleh.

    kolka hadaan si simple ah idiinku sheego bahashu bartii hore oo kasii liidata ayay idinkaga noqon.

    doortan afarta corner ba waad ka xidhmaysaan. DDSI xuduudka ayay idinka xidhan, inaka dagaalka yaga ka nabad heli maysaan, puntland xageeda ka degi maysaan oo garaadadii fur furka idinku sameeyay baa la joogta.

    xamar nafteeda ayay u baqaysa oo farxaajo maanta iskuma darsan karo kacdoonka hawiye iyo puntland oo ka cadhoota.

    xalku waxa weeye take that over we provided for you, otherwise get into the hell. waliga doorkan dulinima idinka raacaysa meesha.

    xooga maanta nabad iyo degenaansho waxaad ku gaadheen intaad heshiisyada nala gasheen oo wadahadalkaas baad ku nabad gasheen, ee dhulkaba waa la idinka wada saari gaadhay.

    kolka you guys you will either choose the prosperity over and you forget about dream of somalia or taste the hell so you will besiege and blockade. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. sixid

    cali kama yeeli doono sheekada,

    waayo xaaladu waxay joogta laba daran mid dooro.

    deal is deal, hadaad rabto inaad maamul goboleed noqoto, be part of somaliland republic.

    dastuurka la idiin furaya waana la idiin xalaalaynaya maamul goboleednimadiina oo beesha caalamka ayaanu si fudud uga dhaadhicinayna in somaliland system federalism ah samaysatay oo maamulada maakhir iyo khaatumo yihiin maamul goboleedyo sharci ah oo dastuurka somaliland ogol yahay.

    hadiise kale eed somalia rabto forget about that offer, waligaaba xamar fadhi waxaan ogahay xamar inay puntland idiinka awood roontahay. hadaan sida kalena u dhigno puntland waa hooyadii federalka xamar samaysay. kay raali ka tahaa noqon kara kii kale ma noqon karo.

    farmaajo haduu jiidhso is yidhaah, xaalado xun baa ku kacaya, already hawiye ayaa kacsan oo durba ku gacan saydhay hub ka dhigistii. beelaha hawiye raali kama ahan xukuumada farmaajo.

    sida la ajligeed waxa uu ku nabad galay waa puntland oo taageero siisa xidhiidh fiicana laleh.

    kolka hadaan si simple ah idiinku sheego bahashu bartii hore oo kasii liidata ayay idinkaga noqon.

    doortan afarta corner ba waad ka xidhmaysaan. DDSI xuduudka ayay idinka xidhan, inaka dagaalka yaga ka nabad heli maysaan, puntland xageeda ka degi maysaan oo garaadadii fur furka idinku sameeyay baa la joogta.

    xamar nafteeda ayay u baqaysa oo farxaajo maanta iskuma darsan karo kacdoonka hawiye iyo puntland oo ka cadhoota.

    xalku waxa weeye take that offer we provided for you, otherwise get into the hell. waliba doorkan dulinimo iyo darxuma idin raacaysa.

    xooga maanta nabad iyo degenaansho waxaad ku gaadheen intaad heshiisyada nala gasheen oo wadahadalkaas baad ku nabad gasheen, ee dhulkaba waa la idinka wada saari gaadhay.

    kolka you guys you will either choose the prosperity offer and you forget about dream of somalia or taste the hell so you will besiege and blockade. but this time it will goes for you worst. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Hadaad aragto dad iyaga oo dibadaha jooga ama aan carra khaatumo joogin wax mucaaradaya ogoow in ay fulayaashii yihiin ogoow in aysan weligood xataa meel haweenku ku umulaan ka dhisin dhulaka khaatumo.
    Wada hadalku wuu ka guulo badanyahay dagaalka ama waa heshiis ama waa in nin walbaaba meeshiisii ku laabto.
    Aragtidayda labada goorba khaatumo guul bay helaysaa.
    1- hadii la heshiiyo waa guuloo waqooyi mid ah oo koonfur wax la qaybsadaa la helayaa waana wado soo dhaweyneysa is fahan soomaaliyeed.
    2- hadii lagu heshiin waayana waa guul khaatumo waayo waxa wada hadlayaa waa laba maamul oo ka jira waqooyiga soomaaliya waxaana meesha ka baxaya sheegashadii beesha dhexe iska wada sheeganeysey waqooyi oo dhan in ay iyadu metesho duniduna waxay haatan ogtahay in waqooyiga soomaaliya ay ka jiraan laba maamul oo la Kala yiraahdo khaatumo iyo S/land.
    Mahadsanidiin
    By. CABDISALAM NAJAX X GUDOOMIYIHII JAALIYADA SSC MINNESOTA

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...