|

Daawo:Ardeyda Puntland ee wax ka barta Dalka Pakistan oo ku dhagan Xaaska Cabdikariin Guulleed-Video

Ardayda kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi, oo ah Xaaska Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay Idaacada Garoowe, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen, Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay inay qoraalo u direen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=46154

Posted by on Jun 19 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Abdi: Khayr ALLAH ha dhigo. Guddoomiye waad mahadsan tahay.
  • Dhaqane: Asc waa soo dhawyneynaa, reer horu fadhi ka daaya qabiilk qpfka jago loo magcaabo fadalan magaciisa oo...
  • wiil aadan cigale: kkkkkkkkkk odaygii waalaa wali ma beentii buu la soo fadhiyaaa indha adakaaa yaab nin reer muduga...
  • ahmed: wiil cumar wacays ma adigaa oo dabda u dhaqaya iidoor ayaa qiimo leh gunimadaas ku jir elen nin la gumaysto...
  • Laalays: Reer Buuhoodle idinkaa mahad mudan. Waa waajib marka masiibo timaado in ehelku isu gurmado. Viva Dhulbahante...