|

Daawo:Faroolle oo ku dhagan Wasiirka Dastuurka Somalia “lagama saamaxayo Beenta uu sheegay,,Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil-Video

Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay dastuurka dalka Soomaaliya, wuxuuna weerar ba’an ku qaaday wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Faroole ayaa Wasiir Xoosh ku eedeeyay inuu marin habaabiyay Dastuurka Somalia iyo saxiixayaashiisa, taasna ay tahay nasiib darro iyo been abuur loo gudbinayo shacabka.

Qodobka ku aadan wax ka badalka Dastuurka oo Wasiir Xoosh tilmaamay inaan waxba laga farogalin ayuu Faroole ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo xusay in qodobo badan faraha la galiyay oo sidii loo saxiixay qaab ka badalan loo gudbiyay, taasoo uu xusay inay ka sameeyeen qoraalo tiro badan.

“Waxaan idiin sheegayaa Aflagaadada uu sameeyay Cabdiraxaam Jibriil oo uu leeyahay Conspiracy theory, ama ahayd Been abuur, waa aflagaado iyo Madaxgoosasho iyo wax sharci la isku gayn karo, waana qalad inuu saas yiraahdo iyo dambi loona masaabixi maayo,” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Faroole, ayaa Xoosh sidoo kale ku eedeeyay inuu maroorsaday shaqadii Baarlamanka Somalia oo uu xuusay inay Guddiyo u xil saareen arrinta Dib u eegista Dastuurka Somalia islamarkaana dhawaan dooran doonaan Guddoomiye.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu maamullada uu la joogo u sheegay in Guddigaas Barlamanka ku leeyihiin labo xubnood, isagoo uga digay marin habaabinta uu wado wasiir Xoosh oo sidoo kale ku sifeeyay shakhsi dhibaato badan u gaystay Dastuurkii waqtigii uu Farole ahaa Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Somalia gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaa arrinta Xoosh ee ku khusaysaDastuurka dalka Somalia, taasoo walaac ka muujiyay natiijada kasoo bixi doonta hadii loo daayo sida hadda wax ku socdaan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=46126

Posted by on Jun 18 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Ceegaag: Horaan kuu sheegay, guri sharmuuto iyo meel xunbaad ku dhalatay. Kuwa jidadka ku dhasha ee sidaa lagu...
  • Fardojaan: Ceegaag Dhig magaca hooyadaadii dhabayacada ahayd was Fataalyahow fataalku dhalay ee madheerteen
  • Ceegaag: ASC. Waa nasiib darro in niman masaakiin ah oo dhalinyaro ah dhagta dhiigga loo daro. Waa in si degdeg ah...
  • Abdi: Arrintaas dhacday maamul iyo siyaasad midna looma aaneeyo. Waa hadal meel waayey. Puntland na waa maamul...
  • Abdi: Baryooy ku nacay. Wadan dhan sidee loogu maamulaya kharash la soo baryey. Soomaalaay ! wax baryo dhaama ma la...