|

Daawo:Dr Cali Ciise Cabdi oo ka hadlay shirka uga socda Hargeysa Khaatumo iyo Soomaliland sheegayna in uusan Hargeysa u socon-Video

Dr Cali Ciise Abdi oo Kamid ah Aqoonyahaniinta Reer Khaatumo kamid ahaa Madaxdii Hormuudka u ahaa Maamulka Khaatumo aas aaskiina oo haatan Ku sugan Wadankaasi Itoobiyaha Gaar ahaan Magaalada Adisaba ayaa Haatan ka Hadlay Wadahalka Khaatumo iyo Somaliland uga socda Magalaada Hargaysa.

HALKANI KA DAAWO VEDIO

Dr Cali Ciise Ayaana Ku Tilmaamay Wadahalkaasi Kuwa aan Dan Guud iyo Mid Gaar ahi ugu Jirin Shacabka Khaatumo Waxaana uu Ku Baaqay Shirwayne Qaran oo Dadka Deegaankaasi Isagu Yimaadaan si Looga Tashado Horumarinta Deegaankaasi iyo Qaabkii Haatan Xaaladahani Looga Hadli Lahaa.

 

Dhagjar12@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=46024

Posted by on Jun 16 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:Dr Cali Ciise Cabdi oo ka hadlay shirka uga socda Hargeysa Khaatumo iyo Soomaliland sheegayna in uusan Hargeysa u socon-Video”

  1. Asc. Ramadaan Mubaarak!
    Nimankii Isaaqa martida u ahaa ee qolka ay isugu soo xireen baan rabaa in aan hal iyo labo ka iraahdo.

    Markaan soo koobo, laba nin baa nimanka kabtanno u ahaa. Hal waa ina Galayr oo doodiisu ay sal dhig u ahayd Khaatumaan ahay oo maamulka aad ka tirsan tihiin baa sidaa nagu aqbalay oo baarlamankiisuna ansixiyay. Hawshana sidaasaan ku wadnay ee idinku qabiil iyo arrin kale ha keenina. Waa dood xagga maamulka dawliga ah aan meel looga leexda lahayn oo culus.

    Kabtanka kale waa ina Xiir, doodiisana waxaa saldhig u ahayd. Waar yaynaan magacyo jabhado isu sheegan ee aynu annaga oo Dhulbahante ah oo wada socona wax uga raadsanno Isaaq, illeen Hargaysaannu maanta joognaaye. Waa dood kale oo muggeeda leh xaqiiqadana ka tarjumaysa marka loo eego dhaqanka Soomaalida, illeen Soomaalidu weli heer qabiil kama gudbine.

    Marka labadaas doodood baa meesha yaal, waana riwaayad aad u xiisa leh. Kkkkkk

    marka labadii kooxood guddi bay saarteen, sida aannu ka dhagaysannay warbaahinta, arrinka isusoo dhoweeya. Kkkk Isaaqu waa imtixaan.

    Tankale, waxaa xusid mudan labada kabtan jufooyinka ay ka dhasheen waxaa loo tiriyaa in ay Laaska gacanta u geliyeen beesha ISAAQ. Waxaa kaloo xusid mudan in labadooda garaadna ay taageerayaal u kala yihiin.

    Isku soo wada duuboo, meesha labada kooxood isku haystaan ee muuqata waa sidii ay maamulka Isaaq wax uga heli lahaayeen illeen degaanadoodii iyo dadkoodii bay ka iibiyeene.

    Bal aan haddaba eegno halka ay ciyaartan xiisaha lihi ku soo dhammaato, yacni kooxda la lafuqo. Ku darsa oo, waa aarbiitare u ah ina Waraabe.

    Daawasho wacan, hana u daymo la’aanina!

    Kabtanka kooxda kale oo Xiir

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Abdi: Khayr ALLAH ha dhigo. Guddoomiye waad mahadsan tahay.
  • Dhaqane: Asc waa soo dhawyneynaa, reer horu fadhi ka daaya qabiilk qpfka jago loo magcaabo fadalan magaciisa oo...
  • wiil aadan cigale: kkkkkkkkkk odaygii waalaa wali ma beentii buu la soo fadhiyaaa indha adakaaa yaab nin reer muduga...
  • ahmed: wiil cumar wacays ma adigaa oo dabda u dhaqaya iidoor ayaa qiimo leh gunimadaas ku jir elen nin la gumaysto...
  • Laalays: Reer Buuhoodle idinkaa mahad mudan. Waa waajib marka masiibo timaado in ehelku isu gurmado. Viva Dhulbahante...