|

Daawo:Al-shabaab oo soo Bandhigay Muuqaalka Askari Keenyaan ah oo ay Mudo badan haysteen iyo wuxuu yidhi-Video

Ururka Alshabaab ayaa soo bandhitgay askari Kenyaati ah oo ay maxbuus ahaan u heystaan, kaasoo baaq u diray dowladda Kenya iyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Askarigan oo lagu magacaabo Alfred Dayni Kilasi ayaa kasoo muuqday video ay baahisay Kooxda Alshabaab, wuxuuna dowladiisa weydiistay in la badbaadiyo, isagoo xiran dareyska ciidamada Kenya.

Askarigan ayaa la sheegay inuu ka mid yahay maxaabiistii ay Alshabaab ku qabsadeen weerarkii Ceel-cadde ee Janaayo 2016, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay tiro ka badan 100 askari oo ka mida ciidamada Kenya.

Muuqaalkan ayaa soconaya 4 daqiiqo ah wuxuuna Alfred Danyi Kilasi dirayaa fariin qeylo-dhaan ah, isagoo dowladiisa, Shacabka iyo Ehelkiisa, ugu baaqay inay badbaadiyaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=43758

Posted by on May 19 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Aar nagadaaya ciyaarta odaygani waa kii ilkaha la’aaye.
  • Ceegaag: IYAA! Kolay sabab baa keentay baan filayaa in nimankan la xidhxidho, waa in wixii kacaan-diid ah la...
  • NINA: Habarjeclo=cududii dhaqaale Habarawal=dhaxal siyaasadeed oo hore (cigaal) Habar yoonis+ ciidagale= foot...
  • NINA: Cirro wuxuu noqday siyaasigii ugu doqonsanaa isgoo Helay codkii shacabka ayuu U tanaasulay Koox Beri uu marxuum...
  • NINA: Ha huursanaado dherigu kkkkkk