|

Amiirad Mansab Boqortooyo ka doorbiday Jacaylkeeda.

Gabar ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Jaban ayaa kala dooratay guur iyo mansab boqortooyada ka dib markii ay sheegtay inay ka tanaasulayso darajada Amiirad ayna doorbiday inay guursato nin caadi ah taasi oo ay ku waynayso maamuuska Boqortooyo ee ay leedahay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Amiirad Mako, oo 25 sano jir ah ayaa waxaa awoowe u ah boqorka dalka Jaban Akihito waxayna guursan doontaa Kei Komuro, oo ka shaqeeya xafiis Qareen kaasi oo ay isku da’a yihiin.

Amiirad Mako ayay isbarteen ninka ay calmatay sanadkii 2012 xilligaasi oo ay isku Jaamacad dhigan jireen, waxaase seeto iyo dabar u noqday sharciga u yaal qoyska Boqortooyada oo dhigaya in haddii qof ka tirsan qoyska Boqortooyada uu damco in uu guursado qof caadi ah ay tahay in uu iska dhigo darajada ama maaqaamka Boqortooyada.

Gabar Mansab Boqortooyo ka doorbiday guurrLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAmiirada Jacayl ayay Jago ka dooratay

Tallaabada ay qaaday gabadhan ayaa waxaa laga yaabaa inay dhaliso dood culus oo ku aadan silsalada dhaxalka boqortooyada iyadoo la filayo in boqorku uu is casilayo.

Aqalka Boqortooyada Jaban ayaa u sheegay warbaahinta gudaha inay socdaan qorsheyayaal ku aadan guurka Amiirada, waxaase doonista ay noqon doontaa mid rasmi ah marka la isdhaafsado hadiyado.

Mr Komuro oo Arbacadii shalay la waydiiyey arintan wuxuu yiri “Hadda ma ahan waqtigii aan arintan ka hadli lahaa, waxaanse hadli doonaa marka ay noqoto waqtiga munaasabka ah”.

Arrintan hadda ka hor ma dhacday?

Haa, Hadda ka hor Amiirad Mako eedadeed Amiirad Sayako ayaa sanadkii 2005-tii waxay guursatay nin ka mid ah dadka caadiga taasi oo ahayd markii ugu horreysay taariikhda boqortooyada Jabaan.

Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay nin madaw ah jeclaatay

Arooskeeda oo ka dhacay xarun dawladu leedahay oo ku taal magaalada Tokyo waxaa lagu tilmaamay xaflad aad u heer hooseysa, waxaana Sayako ay u dhaqmaysay si qof aad u heer hooseeya, waxay u guurtay guri hal qol ah, iyadoo markaas bilowday inay barato sida gawaarida loo wado, sida dukaamada looga dukaamaysto. Amiirad Sayako waxay ahayd gabadha kaliyia ee uu dhalay boqor Akihito.

Boqor Akihito oo 83 sano jir ah ayaa bishii August sheegay in uu iscasilayo isagoo sidaa u yeelaya in da’diisa aanay carqalad ku noqon hawlahiisa.

Gabar Mansab Boqortooyo ka doorbiday guurrLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAmiirad Sayako guurka ka dib ayay bilowday inay gawaari wadista barato

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=43767

Posted by on May 19 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Amiirad Mansab Boqortooyo ka doorbiday Jacaylkeeda.”

  1. Waa Weriye Nacas ah: Ma weydey wax dhaama arrimaha gabdhaha yaryar oo aad weriso? Bal iska dhawr in aadan wax ka xunna soo werin.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • ahmed: Horfadhi nin is huba ayaa faana waa runtiis madaxwayne Gaas ciidan uu ku faano ayuu haystaa..
  • abdisalam: Waa wasiirkii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ee qaabkan kalsoonida iyo masuuliyadu ku dheehan tahay ugu war...
  • wiil aadan cigale: war cali ordaaye miyaydaan wali warkiisa dayn
  • wiil aadan cigale: faan maahee soomaali oodhan baa markhaati ka ah inaan oogta ka dulshidano meeshii lagu sheego ugus...
  • Jama: xoolo foqol xoolo. Hawiye dameeraale isagaa is qarxinaya, ma darood baa qarxinaya kaalya?