Loading...
|

DAAWO: Gantaalkii Shalay Ay Kuuriya Waqooyigi Tijaabisay Oo Ah Nooc Cusub Oo Cabsi Galiyay Caalamka .. +VIDEO

Dawladda Kuuriyada Waaqooyi ayaa sheegtay in gantaalkii ay tijaabisay Axaddii uu ahaa nooc cusub oo awood u leh in uu xambaaro madax wayn oo nukliyeer.

Gantaalkan ayaa sare u kacan 2,000km kuna dhacay meel 700 oo mitir jirta oo ka mid ah galbeedka badda Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniintan sheegtay in ay ahayd tijaabo ay ku samaynayeen awoodda gantaal cusub oo ay dhawaan sameeyeen.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in uusan wali xaqiijin karin sheegashada Waqooyiga.

Laakiin milatarigu wuxuu intaas ku daray in gantaallada Waqooyigu ay u muuqdaan in ay ka baxeen hawada dhulka ku xeeran oo ayna haddana ku soo noqdeen taas oo muhiim u ah horumarinta gantaallo riddo dheer oo isaga kala goosha qaarad ka qaarad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan ku celcelisay tijaabooyin ay ku samaysay gantaallo dhamaantoodse ma ahayn kuwo lagu guulaystay, laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwo xadgudub ku ah cunaqabatayntii ay Qaramada Midoobay saartay.

Arrintaas ayaa dereen ka abuurtay caalamka, xiisadna kala dhex dhigtay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka iyo Japan ayaa ku dhawaaqay kulan degdeg ah oo uu Talaadada yeesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=43577

Posted by on May 16 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • Hakiim: Tuuga tuug u dhalay meeshii lagu arko waa in aan la deyn oo talaabo laga qaadaa, waa nin waalan oo aan...
  • Ceegaag: ASC. Qaabkay warqaddu u qoran tahay baaba basaas badani ka muuqataa!
  • Muslimo: Hala eryo oo mariya meeshuu maray Jaalle Cosoble, hirshabeelle, Gaas,Garoowe iyo kan galmudug intaba hala...
  • Muslimo: Mohamed Abullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khayre ama meesha how baneeyeen hororada...
  • Qariidahaye: Ali is indho tir iyo kiis kale baad wadaaa arinka meesha yaal ee hawda somaliya oo ad ku qarwi jirteen...