|

Daawo:Dowladda Farmaajo oo ka dardaarmaysa in aan Sirteeda Banaanka lasoo dhigin iyo Wasiirka Gaashaan dhiga oo fagaare ka yidhi-Video

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney muhiim tahay in la ilaaliyo sirta Qraanka ee ciidamada xooga dalka lana bixin Karin.

Wuxuu sheegay Wasiir C/rashiid inaan la aqbali doonin in la faafiyo sirta Ciidamada xooga dalka ciddii lagu qabtaana talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqeynaya sidii loo qarin lahaa Xogaha Wasaarada Gaashaandhiga isla markaana loo ilaalin lahaa wax walbo oo u gaar ah Ciidanka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu tilmaamay in arrimo ku saabsan Ciidanka iyo Siyaasadooda aan laga hadlin Karin loona baahan yahay in la ilaaliyo.

Waxa uu Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay in ay ka taxadaraan faafinta xogta Ciidanka, waxa uu xusay in aysan dhici doonin in la isaga dhawaaqo dagaal.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan howsha adag oo ay hayaan, kana shaqeeyaan sidii AL-Shabaab loogu saari lahaa guud ahaan Dalka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=39243

Posted by on Apr 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...