|

Wufuudii Maraykanka ahayd oo diyaarado Gurmad oo deg deg ah dalbay iyo Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay xarunta maamulka Khaatumo.

Ka dib laba habeen oo ay ku sugnaayeen magaalada Buuhoodle xubno ka socda dalalka Galbeedka una badan dalka Maraykanka, ayeey waxay xog buuxda ka qaateen maamulka Khaatumo golayaashiisa kala duduwan, ayagoo kulamo aan loo kala kicin la lahaa qaybaha kala duduwan ee golayaasha maamulka , sidoo kale waxay warbixin buuxda ka heleen dhibaatooyinka balaadhan ee haysta dadka deegaanada Khaatumo ee mudada 30ka sano ah cunaqabateyntu saarneyd, waxayna maanta booqdeen xarumaha ay jiifaan dadka u soo daadatay xanuunka Shubanka, kuwaasoo buux dhaafiyey Cusbitaalka Daryeel iyo duleedada magaalada, waxay si deg deg ah u dalbadeen Diyaarad dawo iyo Naffaqo ah waxayna sheegeen inaysan tagayn ilaa ay diyarad dawo ah keenaan Buuhoodle.

Xubnaha ayaa sidoo kale si weyn ugu baraarugey dhibaatada dadkan lagu hayo ee ay ka mid tahay Isbaaradii loo dhigtay Garoowe , waxayna sidoo kale ogaadeen in shacabka reer Khaatumo yihiin kuwa maamul buuxaleh, waxa ay maanta la kulmayaan odayaasha dhaqanka, Culimada, Ururada Bulshada, Haweenka, Ardayda iyo dhamaan shacabka magaalada. Kulamadan ayaa si joogto ah uga soconayey hotel Abdi Gurey Plaza oo ah xarunta madaxtooyada ee maamulka Khaatumo ku shaqeeyo.

Waxayna ka dhagaysan doonaan baahiyaha ay qabaan, ayagoo la soo baqooli doona Xogo buuxa oo ku saabsan deegaanka.

Waftigan ayaa ahaa xaqiiqo raadin, waxana ay wax badan kula soo noqon doonaan dalalkooda.

Horufadhi,com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38424

Posted by on Apr 21 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Wufuudii Maraykanka ahayd oo diyaarado Gurmad oo deg deg ah dalbay iyo Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay xarunta maamulka Khaatumo.”

  1. puuhoodle waa talaabsatay laakin garowe ba ka kala daadinaysa mardhow isha allaah

  2. Wiil- Cumar- Wacays

    Buhoodle iyo Dhulbahante ninkoodo wuxu uu qabto, shisheyaha Burburiya leeh bay ka jecelyihin.

    Dhulbahante wixi loo qabanayo wa in aan Alle Darti loogu qabta, waaji, toolnimo iyo ehelnimo dhimatay.

  3. buuhoodleh’ madaxweyne kuxigeenka puntland camay oo shaqaale caafimaaka mar kale u soo diray buuhoodleh.
    maahadsanid madaxweyne kuxigeenka.

    buuhodleh’madaxwaynaha dawlada deegaanka itoobiyaha Mr cabdi maxamuud cumar oo buuhodleh u soo dirayDaawo iyo dhakaatiir waxan hada loo gudbiyey wafti balaadhan isbitaalka Daryeel ee buuhodleh;Garaad cabdi Risaaq iyo suldan Siciid Cisman Cali Ayaa waftigani ka soo gudbiyey DHinca Itoobiyaha.waxaa lab
    dhakaatiir loogudbiyey magaalada Dandan.intii kalena waxa hawlgelayaan magaalada heegaale.

  4. Juma kkk Adiga iyo Camay iyo Qaarkaloo badan waxaad kamid tihiin Dadka Ay majeerteenku Sida Jinka U Galeen ee marka la Quraan Saaro Ay Sida Jinka Ka Qaylin Dooonaan

    Waa anaga waaa naga walaaahay waa majeerteen hayaaay Nagadaaaya quraaanka Waa ka baxaynaayeeey kkkkk

  5. Hadaad Maqli jirteen Hebel Jin Baa Galay Hada Waa Laga Tegey Warkaa Hebel Reer Hebel Baa Galay baa la marayaaa kkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...