|

Farmaajo oo Twitter-ka & Faceboo-ka kala qaybgalay talo wadaag shacabka Soomaaliyeed +video

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su’aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada, taasoo noqneyso mid ugub ku ah siyaasadda Soomaaluya.

Qoraal lasoo dhigay baraha Bulshada Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu maanta bilawday Barnaamij loogu magac daray Talowadaag oo su,aalo lagu waydiinayo Madaxwyenaha.

Qoraalka lasoo dhigaya Baraha bulshada Madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan:  “Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan #TaloWadaag ah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbin kartaan Twitter iyo Facebook”ayaa lagu yiri qoraalo la soo geliyay baraha bulshada Madaxweynaha.

Su’aal weydiintan ayaa bilaabatay saaka 9-ka subaxnimo xilliga Geeska Afrika, iyadoo ay ku egtahay 3-da galabnimo.

Dadka rabo inay ka qeyb qaataan barnaamijkaan talo wadaag waxayna madaxweynaha fariimo ugu diri karaan Bulshada Bulshada Madaxtooyada, iyadoo la adeegsanayo  Hashtag #TaloWadaag ama #TalkandTweet.

video daawo

ilaa hadda waxaa madaxweynaha kasoo waydiiyey ku dhawaad 100 Su’aal, waxaana la filayaa inuu caawa ka jawaabo dhammaan Su’alahaas.

Hadaba waxaa la sugayaa jawaabaha Madaxweynaha ka bixiyo su’aalaha la soo weydiiyay oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah, waxayna u qornaayeen labadii farriin ee lasoo dhigay baraha Bulshada Madaxtooyada sida hoos kaaga muuqato

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38434

Posted by on Apr 21 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...