|

Diyaaradahii qaadka oo maalintii labaad kasooo degei waayay muqdisho & Go’aanka Dowlada…..

Ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay markale ka soo dejiyeen qaad garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Gaadiidka u sida qaad magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkay iyagoo dhex maraya magaalada Jowhar kadib markii ay ganacsatada qaadka ay bilaabeen inay ka soo dejistaan qaadka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

HALKAN RIIX VIDEO

Mid kamid ah ganacsatada qaadka ayaa  sheegay in adeeg wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna u mahadcelinayaan.

Ganacsatada qaadka ayaa u soo wareejiyay ka soo dejinta qaadka ay ka soo dejinayeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho magaalada Jowha kadib markii ay sheegeen in canshuur badan ay ku soo rogtay dowlada federalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kulamo la yeelatay ganacasatada qaadka ayaa ku guul dareysatay iney xal rasmi ah ka gaarto arinta muranka dhalisay ee cashuurta ah.

Suuqyada qaadka ee Muqdisho ayaa ah mid qaali ah, waxaana yaraaday dadka awooda uleh iney lacagtaas ka bixiyaan qaadka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38446

Posted by on Apr 21 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Diyaaradahii qaadka oo maalintii labaad kasooo degei waayay muqdisho & Go’aanka Dowlada…..”

  1. Jowhar miyayan ka mid ahayn dhulka Soomaaliyeed ee Dawladda Federalka Soomaaliyeed ka taliso? Ma wadan kale oo ka madax banaan dawlada soomaaliyeed baa Jowhar?

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...