|

Wararkii u danbeeyey Diyaaradihii qaadka geynayay Muqdisho oo ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar +video daawo

Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay.

Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.

HALKAN RIIX VIDEO

Tani waxay albaab cusub u fureysa Maamulka Hirshabeelle oo ka faa’ideysanaya isku dhaca Ganacsatada Qaadka iyo dowladda Dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogtay Qaadka Muqdisho laga dejiyo.

Ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay sugayeen ammaanka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38378

Posted by on Apr 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...