Loading...
|

Maqaal: Nin Deleggeni reerkooda waa Doc uma Dhaafaan.

Ciwaanku waa maanso caan ahayd, oo Afmaaladii hore ee deegaankani horey sifo ahaan ugu qeexeen afcaasha dadka ama qofka liita, waa maanso aan Cadaawad , Cay iyo xumaan wadan balse qofkii ay ku socotey ee lagu Ekeeyey waxa uu ahaa, sifihiisa mudnaanshana lagu Jeebay, waa Samatar Baxnaan oo walalkiis ay isku dhalasho xigeen tusayey doqonimada iyo Nacasnimada ay yeelan karto  inaad walalkaa kula dhashay aad Garbaha ku dhegto jeer ahaan goorta uu u baahan yahay Garabkaaga ama ugu yaraan hadii aadan u hiilineyn inaad ka aamusto, afkaaga iyoa Adinkaagana uu ka amaan helo uu kaa mudan yahay.

Qisada oodhan inaan ka sheekeeyo muhiim mahaa oo waa taariikh dhaw oo dadka badankoodu garayaane, aan ujeedka u daadego.

Inagoo ka dheregsan dhibaatada baxaadleh ee maanta Dhulkeenii taala, Dhimashada aan cadadka lahayn ee Aafadu keentay ee dadkeenii haysata gaar ahaan Buuhoodle iyo deegamada ku xeeran,  Abaarta, Nafaqo darada, Colaada, Biyo la’aanta iyo Tacaluuska aad moodo inuu yahay mid ka mid ah imtixaanadii ugu waa weynaa, ayadoo la joogo wakhtigii Gunti xidhashada, iyo u Kicidda badbaadinta ubaddkeena iyo waayeelkeena Buuhoodle ku Le’anaya, yaa ka xun, oo ka liita, ka Naxariis daran, ka Macagasan, ka Caqli iyo Qorshe xun ruuxa maanta siyaasad ka raadiyey ragga 100kun ee Mayl dunida dacalkeeda Qorax u dhaca gurmadka uga yimid siyaasada ficilka, Xinka iyo Masayrka ka dayey, ka ugu hiiliyey ee la aaminay ee ahaa ninkii dayuurada laga Ijaartay. Labadaas nin iyo macooda, ma cid manta ka Taariikh madow ayaa jirta, koley reer Khaatumo Kayd ma leh, beri ayey iloowi doonaan oo aad arkaysaa kaasoo la gelbinayo, lagana yaabee in Buuhoodle lagu soo dhaweeyo, sidiisiina uu dhaho Ciidaa dhaqaaqday. Cadawaadnimo darteed gurigii Ehelkiisu degenayeen, wuxuu toban jeer ugu yeedhay Dhul Soomaaliyeed.

 

Ficilka  Baabul Camey uu ku kacay Isagoo qancinaya Majeerteen iyo Abdiweli Gaas oo in dadkani Idlaadaan oo meesha ka baxaan in la qabsado, in duufaan iyo Dabaylo jiidhaan, in Badda lagu shubo iyo in Daacuun dhameeyo aan kala jeclayn masane u tahay, Waraabe ilkihiisana uma roona Laf meel taalana uma roona, ma ninka garan waayey 2kun ee qof ee bacadka taagnaa, ee Haraadku hayey, ee Gaajadu haysay ee xanuunku hayey ishooda iska Du, oo ku baabiyey foorihii dabaysha iyo qoraxda ahaa ee garoonka Ismail Mirre si ay ugu soo dhaweeyeen ragaas u soo hiiliyey Allena budhka ugu soo dhuftay, asaguna intuu Kareen soo marsaday, kaluun ku soo qaadeeyey , Garabaati u soo gashay garoonka Garoowe ku ceshiimaystay waftiga.

Iskadaa inuu doorkiisa qaato, iska daa inuu dawo u doono, iska daa Haya’ado uu keeno, iska iloow inuu u hadlo, haba sheegin inuu naxaristii Qaraabanimo, Ehelnimo, tolnimo, Soomaalinimo ,Muslimnimo iyo xataa aadanimo ugu diir naxo, ficilkiisu wuxuu tusay inuu Xin iyo Khaatumo ayaa awoodeysanaysa ku cabiro caqligiisa uu maanta sawiray, kuna sifeeyey ”Childish wise”’.

Isku soo soo wada duub Eray aan ku sifeeyo Baabul Camey iyo ficilkisii u danbeeyey ee uu diyaaradii isbaarada ugu dhigtay, kama heli karo Qaamuuska luqadaha aan aqaana waan ka waayey, waxaanse u deynayaa sifadii Samatar Baxnaan ugu talo galay in asagoo kale loogu Hal qabsado, asagoo u Qalma gabay iyo taariikh u gaar ah oo loo dhiteeyo, looguna sunto ficilkii Liidnimo ee uu qaatay shalay.

Nin Delegini , Reerkooda waa Docma uma dhaafaane

Dadka kugu diryaa , iyo Afxumo kugula Daalyaaba

Sidii Dumar la wada Guursaduu kuula Diriraa!!!.

H M Abdi

wya2007@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38330

Posted by on Apr 20 2017. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

6 Comments for “Maqaal: Nin Deleggeni reerkooda waa Doc uma Dhaafaan.”

  1. mr bulbul camay maanta meel aad u foolxun bay luqmadii ka gashay hadaan isaga ahaan lahaa ina gaas fasax deg deg ah baa ka qaadan lahaa si aan wax iskula hadho uma eka siyaasi xriif ah ama wuxuu qabaa cudurka isla waynida cudurkaas oo aan dadku dareemin khaladka ay ku jiraan

  2. Gabadh khaatumo

    Tolaay Doqon dadkiisa gabay
    dhulbahante tasho waad aragtaa pinti land

  3. Maqaalkan waxa iigu danbeysay noociisanwaa hore waa maqaal jugleh wlahay

  4. Waar dulbahantoow ma hubtaan in uu Camay Dhulbahante yahay. Weligay kan mid ka naanaabsan ma arag.

    Dadkuu la dhashay oo cudur iyo abaari isu raacday ayuu rabaa waxoogayga caawimada ah lasiinnayo inuu afka u dhigto. Iimaanka ilaahay kaa qaad!kkk

  5. war sxbyaal horaa loo yiri doqontaada waxay Ku waxan tahay in ay dadka kale LA joogto tan dadka kaleba adiga kula joogto xigmad ayaa Ku jirta taas oo hadana Balkan ka muuqata sida baabul Camay oo kale doqonimadiisa waxay u adeegin dadka uu lajoogo oo weliba Ku farxad hadalkiisa doqonimada leh ee ah dadka buhodle haka god,oonshosi ay ugu dhamadaan xanuunka suuban biyoodka iyo xaaladaha kala gedisin ee Allah keenay bal wax uu taro iskadhaafe wuxuu rabaa in uu dhaho maxaa loo dawayn ama loogu tegin

  6. Gabadh khaatumo waxaa kuu fiican lahayd in aad tidhaadid Tolaay IIDoor ii soo gurmada ujeedkaagu waa sidaase.

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • Hakiim: Tuuga tuug u dhalay meeshii lagu arko waa in aan la deyn oo talaabo laga qaadaa, waa nin waalan oo aan...
  • Ceegaag: ASC. Qaabkay warqaddu u qoran tahay baaba basaas badani ka muuqataa!
  • Muslimo: Hala eryo oo mariya meeshuu maray Jaalle Cosoble, hirshabeelle, Gaas,Garoowe iyo kan galmudug intaba hala...
  • Muslimo: Mohamed Abullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khayre ama meesha how baneeyeen hororada...
  • Qariidahaye: Ali is indho tir iyo kiis kale baad wadaaa arinka meesha yaal ee hawda somaliya oo ad ku qarwi jirteen...