|

Dowladda Uk Banaanka Soo dhigtay Mowqifkeeda Maamulka Somaliland“Somaliland waa Qayb kamid ah Somalia,,Soomaliya waa mid!

Qoraal kooban oo ay soo saartay dowladda UK oo ay kaga hadleysay xaaladda Dalka Soomaaliya ayey ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan gooni isu taaga Somaliland oo sharci ahaan kamid ah Soomaaliya.

Dowladda UK oo ka hadleysay qaabka ay u caawiso Somaaliya, ayaa qorshaheeda ku dhex shaacisay inay Somaliland tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaasna ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale.

UK ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Somaliland ula macaamilaan sida wadan kaligiis meel taagan, maadaama ay arrintaas ay hor imaaneyso shrucuuda Caalamiga ah oo ay dowladda Ingiriiska saxiixday sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay inay qarash badan ku badan ku bixisay mashaariic ay siisay Maamulka Somaliland, balse aysan midaas ka dhigneyn inay Soomaaliya ka go’day, waxayna sheegtay inay qeyb ka heleyso qarashaadka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shuruud adag ku xirtay inay Somaliland u aqoonsato wadan ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna ku xirtay inay dhammaan soo buuxiso shuruucda looga baahan yahay wadamada kala go’ayo.

Shuruuda ugu weyn oo ay ku xirtay ayaa ah inay marka hore Somailand kasoo dhaadhacsiiso Midowga Africa in loo aqoonsado wadan, marks ay taas ku guuleysato oo uu Midowga Africa u aqoonsado Somailand inay tahay wadan ka madax banaan Soomaaliya qeybna ka ah Midowga Africa ayey dowladda Ingiriiska sheegtay inay iyadana aqoonsan doonto.

Xujadaas ayaana u muuqato mid aysan Somaliland ku guuleysan karin, maadaama ay arrintaas ku fashilmatay dhawr hore oo ay codsiyo u dirtay Midowga Africa, waxaana si cad looga sheegay inaysan macquul aheyn go’itaanka ay sheeganeyso.

Dowladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay Lacago Malaayiin ah oo ay ugu deeqaday Maamulka Somailand, waxayna ka codsatay inay Somailand ku qanacsanaato inay kamid tahay Dowladda Soomaaliya.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38347

Posted by on Apr 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Dowladda Uk Banaanka Soo dhigtay Mowqifkeeda Maamulka Somaliland“Somaliland waa Qayb kamid ah Somalia,,Soomaliya waa mid!”

  1. Qurun Qaatumo, waxa ay muujiyeen inay jecel yihiin qolodaa tiri waa go’nay, haddee hana dhaafaane yaa rabba, annagu waxa aanu aaminsan nahay in iyaga laga maarmo hadday maarmeen. Ingiriisna waa qurun usaguba yurub uu ka baxay, usagana scotland aa ka go,i goor dhow.

  2. waar huuhaa isaga noolaada, loooooool
    kolba haduu cali khaliif galaydh idin aasay waa alxamdulillah

    ingiriis ba sidan yidhi waligiin ba wada, yaa midnimaad ku riyoonaysa ku keenaya. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    codka isaaq bay ku jirtaa, haduu isaaq yidhi badankiis maya waxay ka dhigan tahay reer waqooyiga 90% baa no tidhi. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    reer waqooyi dadka ugu weyn baanu nahay, mandate midnimo kuwa bixiya waa inaga.

    60kiina isla sanad ka dib inaka laalnay midnimada. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    beelo yar yar oo itaal daran waxba cidi kama qorayso. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    saldhigii berbera waataas waan bixiyay, laascaanood na waataa ciidankaygu joogo, waataas hawo iyo bad ahaan gacanta sanaag bari ku hayo, dhul ahaana access baan u leeyahay.

    xeebaha ceelaayo iyo laasqoray ciidamada qaranka somaliland baa ka operate gareeya, hawada sare ee deegaamadaasina somaliland baa maamusha, dagaal na waan ugu jirnaa sidii aan ula wareegi lahayn maamulka hawada sare ee gobolada waqooyi oo dhan, hadaan idiin bayaamiyo

    hawada sare ee gobolada, saaxil maroodi jeex, awdal, sool, sanaag iyo togdheer inaan hargeysa ka maamulo baan u socda.

    already radaro aan kula socdo dhaq dhaqaaqyada ka socda xuduudaha hawada iyo bada somaliland baan lasoo degay, qalabyo kalena jidka ayay inoogu soo jiraan.

    UAE baana qalabyada provide garaysay since ay saldhig berbera ka samaysan doonto.

    bal niic iyo huuha wax igaga qaad, diplomatically we won, economically we won. lol kkkkkkkkkkkkkk militarily we won. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...