|

Daawo:Dagaal galabta Dharkeyn ku dhexmaray Ciidamada Mamulka Somaliland iyo Ciidan Beeleed Deegaanka ah+Khasaara Somaliland-Video

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta dhexmaray Ciidan beeleed kasoo jeeda Deegaanka Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool iyo Kuwa maamulka Somaliland oo Halkaasi soo gaadhay.

Waxaa la sheegay in  maanta Duhurkii Ciidamada maamulka Somaliland ay  la shireen Ciidan beeleedka Deegaankaasi ku sugnaa, waxayna ku War geliyeen inay soo Wareejiyaan  Qoryaha iyo Baabuurta, Islamarkaana  Ciidanka Halkaasi ku sugnaana lagu Daro kuwa Somaliland (Qaramayn), waxaana  Arintasi  Waxgaradka iyo Odayaashu  ay sheegeen inay kasoo Tashanayaan.

HALKAN RIIX DAAWO HANJABADII MAXAMUUD XASHI

Saacado kadib ayaa lagu war helay Iska Hor imaad dhexmaray Labada dhinac,   Waxaana Halkaasi ku dhintay Laba Askari oo kamid ah Ciidanka  Somaliland iyo  Hal Ruux oo kasoo jeeda Ciidamada deegaanka ee la dagaalamay, Waxaana lagu waramayaa inuu Jiro dhaawaca in ka badan 5-Ruux.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Somaliland ayaa iyaguna gaadhay  Deegaanka Saaxdheer,   waxaana Mudooyinkii u dambeeyay Jirtay Xiisad colaadeed oo ka jirtay Koonfurta Gobolka Sool, islamarkaana u dhaxaysa Beelo Halkaasi wada dega.

Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooda ee maamulka Somaliland ayaa Dhowaan sheegay inay Awood Ciidan u adeegsan doonaan  Beelaha Koonfurta Gobolka Sool, Islamarkaana ay Meydkooda daadin doonaan sida uu Hadalka u dhigay.

“Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame) waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, maantana waxaanu qaadaynaa talaabooyin kuwii hore ka xoog weyn, Waxaa noo Dhinaa Inaanu idin Layno  oo Meyd badan oo idinka ah Daadino, Taasna hada ayaad Nagu Khasbaysaan” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooyda  ee Maamulka Somaliland.

Wararka Horufadhi.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38394

Posted by on Apr 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Daawo:Dagaal galabta Dharkeyn ku dhexmaray Ciidamada Mamulka Somaliland iyo Ciidan Beeleed Deegaanka ah+Khasaara Somaliland-Video”

  1. Khaatumo Khiyaano waa idinkii u yeedhanayeye iidoor waa kaase ka gura in manta iidoor dhulkeenii in ku hadido oo aad walaiba keenteen horaa loo yidhi Bahde ka carare cilaa baahal ku cunaa meeye wiilashii iyo gabdhihii u soo fara basan jiray Puntland car waa kaase wax ka sheega iidoorka idin laynaya oo leh waan idin xasuuqaynaa dhulbahantow ood aamusan tiheen ilaa maalintu moxamed xaashi yidhi hadalkaas nin ama gabadh ka jawaabtay laydin kuma arag waxaan filayaa waad rabtaan in laydin xasuuqo bal eega barigii qululadu ka dhaday Telex wixii dhacay waa la ogaa qaylo iyo waa waray puntland baa na xasuuqday iyo sheekadii ay iidoorku ku shaqaysan jireen ahayd been iyo propogaando meeye ragii caynkaas may hadlaan ileen waa la gumeeye tolkood xineenyo ayey u lee yiheen cadowgana markay arkaa soo marsaxumooyin.

  2. Khaatumo Khiyaano waa idinkii u yeedhanayeye iidoor waa kaase ka gura in manta iidoor dhulkeenii in ku hadido oo aad walaiba keenteen horaa loo yidhi Bahde ka carare cilaa baahal ku cunaa meeye wiilashii iyo gabdhihii u soo fara basan jiray Puntland car waa kaase wax ka sheega iidoorka idin laynaya oo leh waan idin xasuuqaynaa dhulbahantow ood aamusan tiheen ilaa maalintu moxamed xaashi yidhi hadalkaas waana kaga dhabeeyey oo walina dhiman yiheen.
    Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooda ee maamulka Somaliland ayaa Dhowaan sheegay inay Awood Ciidan u adeegsan doonaan Beelaha Koonfurta Gobolka Sool, Islamarkaana ay Meydkooda daadin doonaan sida uu Hadalka u dhigay.

  3. Wiil- Cumar- Wacays

    Qayaad & Bahararsame waa kibreen toolnimo iyo Duco wax ku qadan waaye.

  4. dadkan iska sheekaynaya arnaga aamus puntland waaba meesha layga soo dhacaye balse wax walba waa laga gudbin puntland na waa dad aan wada dhalanay balse dhibkayga ku farxa taasna waa dhamaan waynuna is waraysan one day.

  5. ciidamada qaranka ee jamhuuriyada somaliland waxay ku raad joogaan kooxaha nabad diidka ah ee gacan saarka la leh maamul goboleed ka puntland ee garoowe.

    ciidamada qaranku waxay heegan u yihiin difaaca dhulka jamhuuriyada somaliland.

    waxaana sidoo kale ciidanku dareemay in qorshe loo maleegayay khaatumo halka dherken genyo laga wad waday oo puntland wad waday.

    kolka ciidamada qaranku waxay badbaadiyeen khaatumo estate oo shirqool looga soo maleegayay dhinaca iyo garoowe.

    kooxdan nabad diidkuna waa kuwii cali khaliif galaydh safarkiisii buuhoodle ka car qaladeeyay damcayna inay ka bajiyaan wadahadalkii somaliland iyo khaatumo ee garoowe ka furmi lahaa.

    kuwii baa hadana soo maleegayay in beelaha qayaad iyo bahararsame colaadooda inay ka dhex faa’idaystaan.

    viva somaliland national heroes

    viva khaatumo estate of somaliland

    viva somaliland republic

  6. sixid

    qorshe = shirqool

    shirqool ayaan ka waday loo maleegayay khaatumo iyo hogaankeeda cali khaliif galaydh.

  7. xamerlaguxidh adeer puntland kuma farxayso dhibkeena ee waxaan idin leenahay gunimada iska qaada oo la ficiltama raga idin hanjabaya ileen puntlandba waad u jawaabi taqaaniine maxaa iidoor idin diiday in aad u jawaabtaan macna waa rabitaan aad rabtaan reeryadaan idin saran hadii talo yeelan la haylahaydeen sidaasu idin kuma dhacdeen ma iska raba raga ayaa ah dhibkayaga ayey ku farxaan bel eeg hadalka aad ku hadashay {balse dhibkayga ku farxa taasna waa dhamaan waynuna is waraysan one day.)

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Ceegaag: Horaan kuu sheegay, guri sharmuuto iyo meel xunbaad ku dhalatay. Kuwa jidadka ku dhasha ee sidaa lagu...
  • Fardojaan: Ceegaag Dhig magaca hooyadaadii dhabayacada ahayd was Fataalyahow fataalku dhalay ee madheerteen
  • Ceegaag: ASC. Waa nasiib darro in niman masaakiin ah oo dhalinyaro ah dhagta dhiigga loo daro. Waa in si degdeg ah...
  • Abdi: Arrintaas dhacday maamul iyo siyaasad midna looma aaneeyo. Waa hadal meel waayey. Puntland na waa maamul...
  • Abdi: Baryooy ku nacay. Wadan dhan sidee loogu maamulaya kharash la soo baryey. Soomaalaay ! wax baryo dhaama ma la...