|

DAAWO- Baabul Camey oo fulinaya Amarka Gaas oo cadeeyey sababta uu Isbaarada ugu dhigtay Diyaaradii Khaatumo u socotay-Video.

C.xakiin C.laahi Camey (Baabul) oo Madaxwayne ku xigeenka ugu magacaaban Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Sababta ay Diyaarad kuwa Gar-gaarka ah oo u socotay magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ay ugu Khasbeen inay kasoo degto magaalada Garoowe, Iyadoona Halkaasi lagu dhibaateeyay Wafdiga ku socoday Buuhoodle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdixakiin Camey ayaa sheegay in Wafdigaasi oo u badan Maraykan ay Sharci daro ku socdeen Wuxuuna ku eedeeyay inay Casuumada ka heleen Madaxwaynaha khaatumo Dr. Cali Khaliif, Wuxuuna ku dooday Inay Puntland Xukunto Buuhoodle ” Diyaraarad aan Fasax ka Haysan Kuma soo degi karto Buuhoodle”. ayuu yidhi Camey. Wuxuu farta ku fiiqay in ninkii loo wakiishay ee Madaxweynaha Khaatumo u dirty wafting inuu Adis Ababa ka soo gaxeeyo waftiga uu ku wargeliyo, kaasoo ahaa Xirsi Abdi Badhi, oo la sheegay inuu laba wajiilenimo ku shaqaysanayey. Wuxuuna sheegay in ninkaasi u fududeeyo xogta ku saabsan raggan Maraykanka ahaa ee Dr Galaydh iyo maamulkiisu ka soo shaqeeyeen.

Sidoo kale waxaa Su’aalo laga waydiiyey Sababta uu Xiligan iyadoo dadku ay ku Jiraan Xaalad Abaareed iyo Xanuuno kale inuu Siyaasadeeyo Gar-gaarka, Waxaana la sheegay in Taariikh Xumadii ugu Waynayd ay Halkaasi maanta ka raacday Cabdixakiin Camey Taasi oo Bulshada oo dhan la yaab ku Noqotay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=38326

Posted by on Apr 19 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “DAAWO- Baabul Camey oo fulinaya Amarka Gaas oo cadeeyey sababta uu Isbaarada ugu dhigtay Diyaaradii Khaatumo u socotay-Video.”

  1. Ilaahoow Na Astur Aragti Aan Daaqsin Maqaleed ka shishayni waa tanoo kale

  2. madaxwayne camey waaa halyay buuhoodle waa magaalo ka tirsan dawlada puntland

  3. Markaa weftigu xagay soo mareen waa su’aale ?

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • NINA: dhulbahnte in dhexdooda ay badawnimo isku caayaan ma aha buuhoodle taariikhda halgankii soomaaliyeed baa...
  • NINA: wafdigii gurmadka ahaa iyo shacabkii buuhoodle ee is arkay ayaa markii loo dulqaadan kari waayey laga soo...
  • NINA: maamulka degaanka soomaalida itoobiya waa waajibkiisa inuu deeqda xaqooda soo gaadhssiyo buuhoodle inta xadaka...
  • NINA: kan waa sambac ciyaalka xaafada ah.mr shuluq burtinle.horta burtinle saw xuduuda galmudug ma aha kkkkkk
  • Ceegaag: Qoftan Huruuse wadata waa iidoore hallayska ilaaliyo! Fiiri, dhabayaco waa tolkeey ee waxba ha ii bahalo...