|

Deg Deg Daawo:Warmurtiyeed kasoo baxay wada hadalkii Maamulka Khaatumo iyo Somaliland uga Socday Jabuuti Qodobada-Akhriso-Video

Waxaa dalka Jabuuti maanta kusoo Xidmay shirkii Wadahadalka ee u dhexeeyay Maamulada  Khaatumo iyo Somalilannd, kaasi oo ka socday Maalmihi lasoo dhaafay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano ku saabsan  in wadahadalku sii socdo,  Arimaha Colaadaha, Nabadgelyada, Abaarta, Horumarinta deegaanada,  In Odayaasha dhaqanka   wixii ku saabsan Dhiig iyo Dhaqan lagala Tashado iyo Qodobo kale oo  ku dhow Kuwii Horay uga soo Baxay Wadahadalii hore.

Wadahadalka ayaan Diirada Lagu saarin Arimaha Masiiriga ah, waxaana dad badan  ku sheegeen inay la midyihiin Kuwii ka dhici Jiray Dalka Turkiga ee u dhexeeyay DF Soomaaliya iyo maamulka S.land ooArimaha Masiiriga ah  aan Looga doodi Jirin. Lamana Hubo Halka ay Biyo dhigan doonaan.

Go’aanada Ay labada dhinac wada Gaadheen ayaa waxay u Qornaayeen Sidan.

1- Waxaa la isla qaatay in si sugan looga wada Shaqeeyo Arinta Nabadaynta, ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee ( Bahar-same iyo Qayaad ) Si Buuxdana loo taageero oo la Garab istaago Gudiga Nabadaynta ee Howshaa Gacanta ku haya.

A- Wixii in wixii Faro-gelin ah Gudaha iyo Debedaba ee wax yeelayn Kara Nabadaynta Labaasi Beelood meel looga soo Wada jeesto.

2-Waxaa si Buuxda la iskula Qaatay In howlaha Abaaraha iyo Horumarinta Deegaanadaasi la iska Kaashado si wada Jir ah.

3- Waxaanu Si wada Jir ah ugu Baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba inay Howlgalaan Dhamaan Gobolada iyo degmooyinka aanay Hore u tagi Jirin, Halkaasi oo imika ayna wax Nabad-gelyo Daro ah ka Jirin, Loona sameeyo Gudi wada Jir ah.

4- Waxaa la iska gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay Nabad ku wada Noolaanshaha iyo Kobcinta Awooda Bulshada,  Sidaas Darteed waa in la gaadhsiiyo oo laga Abuuro Maamul iyo adeega Bulshada meelaha Aanay hore uga Jirin, Hay’adaha Samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo Caqabad ku Noqon kara Hanaanka Wada-hadalka  Labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo Dhaqan ku saaabsan lala Kaashado Odayaasha dhaqanka si wada Jir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga Farsamadu soo diyaariyo Shirka Danbe, Soona Cayimo Goorta iyo Goobta Sida ugu dhakhsaha Badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalka uu Saldhig u yahay Is-aamid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Waxaa Saxiisay :

Gudoomiyaha Wafdiga khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar.

Gudoomiyaha Wafdiga Somaliland  Maxamed Mixile Boqore

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=36827

Posted by on Mar 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Deg Deg Daawo:Warmurtiyeed kasoo baxay wada hadalkii Maamulka Khaatumo iyo Somaliland uga Socday Jabuuti Qodobada-Akhriso-Video”

  1. maxaa dadka logu ciyaarayaa qodobadan waa kuwii hore maamuldadejintan lagu celcelinaayo ma waxkalaa lawaayey dadku way yaaban yihiin afartan geeljire ee uu soo xushay ina galaydh war naga daaya ciyaarta

  2. qodoba ka soo baxay wadahadalkii khaatumo iyo isaaq waa same as 11 qodoba ee ethiopia.

  3. Wax naga khuseeya iyo wax til maama ya
    Maslaxada shacbka ssc. Iyo ka soomaaliyeed
    Kama muuqdaan qodob yo kusheega
    Aay dhoodhoobin labadan khawana
    Ama dilaaliinta indhahale.
    Wax kamuuqdo meeshan waa malaa da
    Iyo uhagaajinta daalimiinta snm
    Dhulka ssc in aay jujuubtaan. Hada
    Caamkii iyo jaahiliin tii ragaadiyey
    Ee Marin habaabay ey Tooradii ssc.
    Ama nagu khasbayey in aanu yeelo
    Khiyaanada qaawan uu horkacayey Maan gaa galeeydh
    Kusheeg. Isku soo wada duuboo
    Waxaan sida qoraa ugu cadeeya yaa
    Shacabka ssc iyo ka soomaaliyeedna.
    In aanay waxba kasoconeyn wax aay dhoodhoobin
    Khaayimiin tan aan waxaay xeerinayaan jirin.
    Midnimada somaaliyeed na waa muqadis
    Lamataabtan waxaana kamasuula
    Ilaahay iyo shacbkiisa weeynaha soomaaliyeed
    Ee awelba keenay. Mana naga guuleeysan karaan
    Kooxo yayar.arba shaadhkeey doonaan hagashadeene. Wwr

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...