|

Sawir: M/weyne Ali Khaliif iyo maamulkiisa oo la kulmay xubno u adeegayaal u ah SL.

Wararka naga soo gaadhaya degaanka Xidhxidh ee Koofurta Gobolka Sool ayaa sheegaya inay halkaasi ay Kulan ku yeesheen  Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo ay weheliyaan xildhibaano iyo waxgarad kale oo la shaqeeya  oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan maamulka Somaliland.

Xubnaha dhinaca Maamulka Somaliland ka socda ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Cadde,  Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid iyo Wasiirkii Hore ee Caafimaadka maamulka Somaliland Axmed xasan [Casoowe].

Sidoo kale Kulanka waxaa goob joog ah Cuqaal iyo waxgarad kale ah oo ay ka mid yihiin Jiif Caaqil Cabdikariim Dhookir, Caaqil Cali Xirsi Cawl, Caaqil Xuseen Axmed Cismaan iyo Caaqil Daahir Maxamed Cumar .

Shirkan oo aan ilaa hadda wax war ah oo Rasmi ah aan laga soo saarin, ayaa waxaa la sheegay inay Qayb tahay waxyaabaha looga hadli doono  Nabadaaynta degaanada Koofurta Gobolka Sool oo Mudooyinkii ugu danbeeyay Colaada kusoo Noq-noqdeen iyo Arimo kale.

Wax lala yaabo Bulshada kuma aha In Madaxda Khaatumo ay Kulmaan Xubno kasoo jeeda deegaanka oo u Shaqeeya Maamulka Somaliland, Waxaana Xusid mudan inay Horey Shirar ula yeesheen Kuwa iyaga ka sareeya, Kana duuleen Xaruntooda Hargeisa, Waxayna Arinta Muujinaysaa sida ay isugu Milmeen Khaatumo iyo Somaliland. ?

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=34118

Posted by on Feb 28 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...