|

Akhriso: Taariikhda Gobolka Sool ee Dalka Soomaaliya.

Taariikhda Gobolka Sool
 
Heshiiskii ka dhacay caasimadda jarmalka ee Baarliin 1884kii ka dib, dowladdii ingiriisku waxay soo dirtay danjirayaal ujeeddadoodu tahay inay heshiisyo la gaadhaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee waqooyiga dega. Waxaase ka horrayay heshiis uu Faransiisku la galay duqayda xeebta Soomaaliyeed ee Jabbuuti.
 
Iyadoo istaratjiijiyada dhul ahaaneed ay mandaqaddu ku yeelatay muhiimad weyn, waxa u suurta gashay in ingiriisku uu heshiisyo kala goonigooniya la kala galo beelaha, tiiyoo aanu rabin in uu si guud ama uu midnimo iyo wadajir Soomaalida miisaan u yeeli lahayd. Sanadihii u dhaxeeyey 1884kii ilaa 1887kii waxa uu heshiisyo la kala galay beelaha Ciise, Geda-bursi, Gerxajis, Habar-awal, Habar-tol-jeclo iyo Warsangali oo uu waheliyo qabiilka Ogeys-labe. Waxaad ka heli kartaa dhawr buug oo ay ku yaalaan magacyada duqaydii heshiisyadaa saxeexay, maalintii, bishii, sanadkii iyo madashii ay ahayd. Waxaa ka mida buugga la dhaho: “Go from my country” (Iiga tag dalkayga) waxaa qoray wasaaraddii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, buug dhawra uu ka mid yahay Sooyaalka Soomaaliyeed iyo Dariiqii hungada ee is-burburintii Soomaalida oo labaduba kusoo baxay af-ingiriisi, uuna qoray danjire Maxamed Cusmaan Cumar(THE SCRAMBALE IN THE HORN OF AFRICA, History Of Somalia (1827-1977) iyo waliba dekumantiyo kale oo lahayo oo laga qoray taariikhda Soomaalida. Turjubaankii waayahaa ee ingriisku waxa uu ahaa nin reer waqooyi ah kana soo jeeda Buuhoodle oo la dhaho Diiriye Maggan.
 
Heshiisyadaasi waxa ka dhashay in waqooyiga Soomaaliya siiba magaalooyinka xeebaha iyo deegaanadii beelaha heshiisyada galay oo idil uu ka arrimiyo ingiriisku yada oo loogu yeedhi jiray maxmiyaddii dhulka Soomaaliyeed ee Ingiriiska(British protectorate Of Somaliland).
 
Beesha hadhsan ee reer waqooyi ee aan wax heshiisa la galin ingriisku waxa ay ahayd Dhulbahante. Sida lawada ogyahay waxaa sooyaalka ku xardhan halgan iyo dagaal dheer oo beeshaas iyo Soomali kale oo ku bahoobay magac Daraawiish ay la galeen ingiriiska oo kaashanayey gumaystayaashii reer yurub, dadyoow ama ciidamo uu kasoo qortay dhulalkii uu gumaysanayey ee dunida qaarkeed iyo waliba Itoobiya. Jihaadkaas oo uu hogaamminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu qaatay in ku dhaw rubuc qarni. Duulaamadaa oo bilaamay dhamaadkii 1890naaadkii ilaa 1921kii. Waxaana taariikhdu warisay in ingiriis iyo Daraawiishi ay foodda isku dareen 41 goobood, waxaana duulaamadaa kuwii ugu caansanaa ka mida:
 
1: Dagaalkii Afbakeyle oo dhacay 03.05.1901kii,
 
2: dagaalkii Fardhiddin oo dhacay 16-07-1901kii,
 
3: dagaalkii Beerdhiga oo dhacay 10-08-1902kii,
 
4: dagaalkii Cagaarweyne oo dhacay 17-04-1903kii,
 
5: dagaalkii Daratoole oo dhacay 18-04-1903kii,
 
6: dagaalkii Jidbaale oo dhacay 10-01-1904kii,
 
7: dagaalkii Ruuga oo dhacay 09-10-1913kii,
 
8: dagaalkii Dayuuradaha ee Taleex oo dhacay 10-01-1920kii.
 
Waxaa la rumaysan yahay in gacan sarrayntii caddaanka ay fure u noqtay xubnihii iyo askartii talo iyo taagba ku raacay gaalada ee Soomaalida ahaa. Tan waxaa qiraya oo qoraalo taariikhda galay ku caddeyey Ingiriiska laftiisa.
 
Haddaba marka laga hadlayo taariikhda Gobolka Sool waxaa lagama maarmaan ah in aan xaqiiqada indhaha laga lalin, oo aan meesha sinaba looga saari karin halgankii dheeraa ee Daraawiishta.
 
Si kasta ha ahaatee markii uu geeriyooday hoggaamiyihii halgankaas Sayid Maxamed Cabdille Xasan 1921kii waaxaa bilaamay quus iyo soo afjaran dirirtii ka horjeeday Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashidaba.
 
Ingriisku wuxuu arligii Daraawiishta kusoo rogay xukun degdega(Emergency Law) waxaana uu farayey in qofkii loo garto isir darwiisheed in aragti lagu toogto naf iyo maalna wuu xalaashaday.
 
1941kii waxaa bilaamay habdahqan cusub oo daraawiishta hadhaageeda toos loogu hoos keenayo xukunka iyo taliska Ingriiska, waxaa la laalay xukunkii degdegga ahaa waxaana bulshadaas loo aqoonsaday inay yeeshaan xuquuq lamida midda Soomaalida Waqooyi ee Ingiriisku u arrimiyo, waxaana bilaamay isku soo dhawaansho iyo talo wanaag si gaar ah Ingiriisku ugu soo dhaweynayo dadkaas.
 
1942kii wuxuu u bandhigay inuu u samaynayo Degmo dadka deegaankaa, wuxuuna ikhtiyaar u siiyay inay yagu soo goostaan magaaladii degmadaas(District) ay ka dhigan lahaayeen oo ay gaar u dagaan, yadoo ay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo saami ku lahaayeen.
 
Waxgaradkii beeshu waxay soo kala jeediyeen inay degmada noqoto Magaalooyinka kala ah: Caynabo, Widhwidh, Buuhoodle, Xuddun iyo Laascaanood oo kooxiba mid ayey la rabtay in la magacaabo, ugu danbayntii waxaa laysku raacay Laascaanood.
 
1945kii ilaa 1947kii waxaa magaaladaas laga dhisay dhismayaal kala geddisan oo ah adeegyada bulshada iyo kuwa maamulka, waxaana hirgalisay xukuumaddii Ingiriiska. waxay noqotay degmo caadiya oo xitaa lagu qabto kulamada maxaliga ah ee golyaasha Soomaaliland sida kii talo-wadaagga ee degmooyinka waqooyi( Advisory Council).
 
Gobolku wuxuu juquraafi ahaan u qaybsamaa Nugaal oo ah dooxooyinka biyaheedu dhaw yihiin, Sool oo ah dhulka carriska ah ee kaymaha teelteelka ah ee oomanaha ah iyo hawd oo ah dhulka ciidda cas ee kaymaha ugbaadka ah. wuxuu caan ku yahay xoolaha nool siiba geela iyo fardaha oo si weyn rabbi ugu galladay.
 
Bulshadu sida Soomaalida la ood-wadaagta ah ee waqooyiga iyo galbeedka kaga teedsan waxay hodon ku yihiin Suugaanta oo ilaa maanta si weyn uga dhex muuqata mandaqadda. waxaa jira raadad taariikheed oo qadiima kuwaasoo farshaxan iyo dhismayaal duugoobayba isgu jira, waxaa kaloo waheliya bogcado Kontameeyo ah oo dhismayaal iyo raadad muuqda oo ku taxan sooyaalkii Daraawiishta.
 
Halgankii gobonimo doonka kii ay bilaabeen ka sakoow waxay kaalin muuqata ka cayaareen dhaqdhaqaayadii magaalooyinka ee xorriyad doonka waxaana ceegaaga aasaar iyo suugaan ku saabsan taariikhdaa dhexe ee magaalooyinka mandiqada.
 
Waxaa degaankan ka soo baxay dad magac ku yeeshay Ummadda Soomaaliyeed iyo adduunkaba, kuwaasoo ku caan baxay dadaallo iyo wax qabadyo ay maamus ku muteen, sida Soomaalida kale dadkani waxay leeyihiin sooyaal iyo xeerar raadraac iyo anbaqaadba leh oo ku aroora qarniyo fog, haddii ay ahaan laahyd fidinta diinta Islaamka ee geeska Afrika iyo halaganadii kala xilliyada ahaa ee Soomaaliyeed, waxaana jira saldanado qaddiim ah oo xagga talada ay beelahani muddo fog talisyo ugu soo dhisnaayeen.
 
1959kii bishii oktoobar 13keedii waxaa magaalada laascaanood ka bilaamay shir weyne ay ku kulmeen dhamaan beelaha dega waqooyiga Soomaaliya marka laga reebo beesha isaaq. kulan weynahaas oo ay hagayeen Garaaddo iyo Salaadiin, Culimo iyo Cuqaal iyo waxgarad kaleba waxa ka dhashay oo lagu sameeyey xisibgii la magac baxay xisbiga midaynta Soomaalida(United Somali Party “USP”). kaasoo hubaal ka dhigay gobonimada gobollada waqooyi, ka gadaal markii uu axdi kula midoobay xisbigii ugu weynaa waqooyiga ee la odhan jiray S.N.L halkaana uu ka soo baxay wax loo yaqiin miisaaqii S.N.L/U.S.P(Israacii labada xisbi).
 
Magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood iyo degaanada hoos yimaadda waxay ka mid noqodeen gobonimada ka dib, gobolkii waqooyi bari oo ay caasimad u ahayd magaalada Burco, halka ay degmada saddexaad ee gobolku ka ahayd Ceerigaabo.
 
1973kii kacaanku wuxuu tarmiyey siddeedii gobol ee hore oo uu 8 kale ku daray, is-baddalkani waxa uu magaalada Laascaanood ka dhigay degmo ka tirsan gobol loo baxshay Nugaal oo ay Garowe magaalo madax u tahay, iyadoo degmada cusbi ee mandiqaddu ay noqotay magaalada taariikhigaa ee Taleex. Bulshada mandaqadani geed-dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidiii ay u heli lahaayeen gobol iyadoo riyadaasi ay rumowday 24-06-1984kii, dharaartaasoo lagu magacaabay gobolka Sool oo ay xarun u tahay Laascaanood, tanna waxaa laba degmo ku noqday Magaalooyinka Caynaba iyo Xuddun oo isla Sool ka tirsan. Waxay dadku saluugeen magaca cusub ee Sool waxayna sida ay runtu tahayba rabeen ilaa iyo iminkana qabaan in magaca Nugaal oo dhulka gobolku badi dhaco aan magacooda laga waayin, waayahii gobol raadiska waxay carrabka aad ugu hayn jireen magaca Nugaal sare, waana runoo waa sida labada shabeelle ama labada Jubba ee gobollada koonfurta oo kale.
 
Laascaanood waayaheedii dhexe mar bay ahayd xarunta ganacsiga ee waqooyiga ilaa gobollada dhexe, waxaana xarumo ganacsi ku lahaa badi hantiilayaashii reer waqooyiga kale waxayna ahayd mid isku xidha mudug ilaa dekedda Berbera waa sanadihii 1940naadkii ilaa 1950naadkii.
 
Waa magaalo leh taariikh iyo mudnaan juquraafiyadeed oo ay ku xidhiidhiso midnimada iyo isku xidhka dhul ahaan iyo dad ahaanba Ummadda Soomaaliyeed.
 
Waxaa ku dhaqan dad laab xaadhan oo waddaniyiin ah, ku wacan marti-soorka isla markaana dhiig iyo dhaqanba la wadaaga walaalahooda hareeraha ka xiga.
 
Waa xaruntii kobcisay lagana yagleelay Dariiqada caanka ah ee Rabiiciyada qaaddiriyada ah(1948 ilaa maanta), horana waxay u ahayd hoygii laga aasaasay dariiqada Saalixiyada oo uu carrigeenna markii ugu horraysay keenay Alle haw naxariistee Mujaahid Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.
 
Waxaa lagu xusuustaa dadkeeduna caan ku yahay waxbarshada oo dugsigii ugu horeeyey ee ingiriisku ka yagleelay magaalada Sheekh sanadkii 1945kii waxa maamule iyo aasaasabe ka ahaa Xasan xaaji Faarax Magan, ka hor intii aan 1948kii Maxamuud Axmed Cali Hargaysa ka bilaabin iskuulkeedii kowaad, wakhti uu god-galay macallinkaa hore.
 
Macallin Jaamac Bilaal ayaa la wada og yahay inuu ahaa barihii ugu horreeyey ee iskuul ka fura magaalada Muqdisho. labaduba waxay kasoo jeedaan mandaqadda Sool.
 
Sidoo kale ardayda kaalmaha ugu sareeya ka gali jiray iskuuladii Sheekh, Camuud, Qalax iyo Dayaxba ayaa la wada ogyahay inay ahaayeen kuwa deegaankan, xitaa israacii iyo midowgii Soomaaliya ayaa marag u ah tacliin wanaagga gobolkan oo 1960naadkii kala badh agaasimyaasha guud ee dalka iyo danjirayaasha dibaduba waxay ahaayeen kuwo u dhashay Sool, waxaana Soomaalidu ay jiilasha daraawiishta ku xusaan una aqoonsan yihiin daacadnimo, caddaalad iyo waddaniyad.
 
Waxaa laysku raacsan yahay in ay tahay barta laga saadaaliyo tisqaadidda dowladnimo oo hubaal hoggaamiyaha ay taageeraan dadkani ayaa ku guulaysta talada Ummadda Soomaaliyeed mana ah khayaali iyo faan ee waa xaqiiqo waayeelka iyo xogagaalkuba ay qiraan, waxaad ka akhriyi kartaa buugta uu qoray Cabduqaadir Oramo ee ku saabsan Sooyaalka Burburkii Soomaaliya iyo qormooyin kale oo af carbeed kusoo baxay.
 
Gobolkani waxyaabo u gaar ah oo badan ayuu leeyahay waxaa ka mida jaadad ugaadha oo dunida inteeda kale ka dabar go’ay oo ku nool dooxooyinka nugaaleed oo kaliya, waxaa kale oo jira raadad ku taxan Nebiyo hore oo isla deegaamadan ku suntan, sida oo kale dhir barakeysan oo Soomaalida kalana qaar u baxaan ayaa dheef weyn lagu ogyahay, macdanta dhulka dulsaaran iyo midda ku duuganba waa lagu hubaa gobolkan waxaana jira ceelal shidaal oo la hubiyey 1950naadkii iyo 1980naadkii oo gobolkan ku badan.
 
Haddii aan damacno inaan faahfaahino ama daraasad cilmiyeed kusoo ururino samayska dhuleed iyo khayraadka deegaameed ee dalxiiska iyo dheefsigaba qiimaha ku leh ee deegaankan waxaan u baahanynaa shaqo baaxad leh oo aan bogag yar lagu soo koobi karin.
 
waxaa jira xagga dhaqanka iyo murtida Soomaali u hirgashay in mug aad u weyn ay ku leeyihiin sabooyinka(degmooyinka) iyo suugaanta dirkaba waxaan helaynaa boqollaal maahmaahood oo ay curiyeen dad deegaamadan ku aroora, heeso kuwo geel iyo jaadad kaleba leh oo caan ka ah geyiga Soomaaliyeed ayaa loo tiriyaa oo kasoo maaxday xubno isla mandiqadan kasoo jeedaba.
 
sidoo kale bogcado sooyaalka galay oo ah Boholaha xargaga iyo oosha Nugaaleed ay ka mid yihiin ayaa aan sinaba uga baxayn timaaddada(mustaqbalka) Soomaaliyeed.
 
Buug loogu magac “Milgaha iyo Mudnaanta Dooxada Nugaaleed” oo la filayo inuu dhawaan soo baxo oo uu gacanta ku hayo qoraa Maxamed Cabdicasiis Cali Jiidaal ayaan ka quuddarraynaynaa in aad ka bogan doontaan tagtadii shalay iyo taaganta maanta ee mandaqadan Gobolka Sool haddii Ilaah uu raalli ka noqdo.
 
W/D: Qoraa Maxamed Cabdicasiis Cali Jiidaal
 
Cismaan Cabdinuur xaashi khaliifka

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=33537

Posted by on Feb 22 2017. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Akhriso: Taariikhda Gobolka Sool ee Dalka Soomaaliya.”

  1. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Hada Ma waxaad na leedihiin gobolkeyga Sool wuxuu noqday Ohio-yada maraykanka ee doorashada laga saadaaliyo cida guuleysaneysa . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Mida kale Laascanood waan ku arki jiray School la odhan jiray macalin Jaamac lkn Ma aqoon macnaha Ka danbeya .

    Hadii DHULKA Gobolka Sool 70% ku fadhiyo dooxada Nugaal Dee Garoowana waa magaalo Ka tirsan Laascanood . Lolz mustaqbalka waa in leysku daro . Laascanood Kaliya caasimad noqoto , ciise mohamuudna waa in ay u guuraan Dangoroyo kkkkkkkkkkkkkkkk.
    Xataa hada hadii la eego baaxada gobolka Nugaal sadex meelood , labo meelood waxaa ku fadhiya DHULKA gobolka dooxada Nugaal oo Ka tirsan degmada Taleex ee Jamuuriyada Dalkeena Somaliya .

    Aad Baan ugu faraxsanahay inaan Ku dhashay Gobolka Sool ee Somaliya kuna soo Barbaaray .

  2. Gobolku dhinac kasta Hodan buu Ka yahay . Waxaad ilowdeen Biyaha iyo magaca Durdurka oo ah ilo biyo ah oo aan go’yin jilaal iyo barwaaqaba .

    YACNI Durdur waa biyo aan dhamaan ilaahay ugu deeqay Gobolka .

    ANIGU waxaanba ku badaal bartay durdurka Laascanood lolz .

  3. Saaxiibkey Farxaan Muuse (Farxaan durdur) baa yaabay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Hada Sweden ?? buu jooga waa ragii ex Laascanood durdurka na Baray iyo badaasha kkkkkkkkkkkk he was from widh widh . Kkkkkkk

    Raali ahaada Nugaal Baan soo xasuustaye kkkkkkkk take me home Baan qaadaya lolz

  4. Iga warama meeshii ciyaaraha Laascanood lagu daawan jiray ee Dstv Nugaal Godan. Kkkkkkkkkkkkkkkkk Horta wali Ma furan tahay kkkkk mowliid Caraale baa laha xayraan buu ahaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Horta meeshiisa Ma gali jirin oo faro baa iga yaalay kkk oday adeerkay ah baa habeen meesha rafacay fiidkii hore kkkkkkkkkkkkkkkkk boodhweyn buuba ku qortay meesha ku hordhajiyey dhamaan dhalinyarada Laascanood ha ilaawina xasuuqii habeenkii inoo gestay kornyal Shabakax . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Meesha qori buu la hor fadhiisan jiray Dee waxaanba is odhan jiray waa lagu sheegaya oo waa ku toogan kkkkkkkkkkkkkkkkkkk lkn Ma oga aniguba habeenkaas victim Baan ahaa oo waa lay qabtay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk askartii roonadada baa I qabatay walahay jilbaha bay Dhulka I dhigeen kkkkkkkkkkkkk Horufadhi baa yaabtay

  5. 90% dadka reer Laascanood markay Ka hadlayaan meeshay joogaan waxaa halhays u aheyd Nugaal godan . Taas baa ku tuseysa in magaca la aheyn .

    Magacyada goobaha ganacsi ee Laascanood ku yaala iyo magaca Nugaal

    1. Dstv Nugaal Godan
    2. Nugaal university
    3. Nugaal construction company
    4. Nugaal Hotel

    And so on …………………..

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Abdi waa dadka aan xalaasha iyo xaaranta kala aqoon oo ku qaraabta magaca soomaaliyeed 30 sano ayaad xaaraan...
  • Abdi: Waxa danta guud ku jirta in Madaxtooyaddu faraha kala baxdo ninka loo dooranayo “Ra’iisal...
  • ahmed: Ahmed danaha soomaaliyeed xmer maiyagaa gartay oo puntland ayaa garanwayday dib uGu noqo taarikhada soomalida...
  • Abdi: Cabdiweli waa xaaraan quud ka maarmay danaha Soomaaliyeed. Waxa ku filaaday dhaqaalaha uu ku urursaday magaca...
  • ahmed: Horfadhi ha nooga dhigin reer xamer in iyagu kaligood soomali yiheen adiga oo ah reer sool bal ii sheeg waxa...