Home » January 30th, 2017 Entries posted on “January, 2017”

Warbixin: Inta badan shucuubta Maraykanka oo is garab taagay soo galootiga dalalkii la Faquuqay & Wacyaalaha yaabka leh+Sawiro

Tan markii madaxweynaha dalka Maraykanku oo soo saaray go’aamada cul culus ee ka dhanka ah dadka ka soo jeeda 7 dal oo Musliimiin ah, kuwaasoo kala ah Somalia, Iran, Iraq, Sudan , Syira , Libya iyo Yemen ayaa waxa arintani ay gelisay jaha wareer guud ahaan dal weynaha Maraykanka. Waxayna noqotay tijaabo shacabka Maraykanku ay […]

January 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo- Qoys Soomaaliyeed oo Caruur watay oo Saacado badan ka dib gudaha u soo galay Maraykanka & SOo dhaweynta shacabka Maraykanku u sameenayaan-Video.

Qoyskan oo ka koobnaa Hooyo iyo laba caruur ah ayaa Aabaha qoyskaasi ku sugayey MN balse wuxuu u duulay garoonka Dullas ee Washington, si uu u soo furdaamiyo qoyskiisa balse, waxa mudo 15 saacadood ka dib ah loo ogolaaday qoyskan oo xanibnaa in badan, waxna soo dhaweeyey dad badan oo u dhashay dalkan oo qofkasta […]

January 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO-Masaajid ku yaala dalka Canada oo weerar hubaysan lagu qaaday & DHimasho ka dhacday-Video.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada. Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen. HALKAN KA DAAWO WEERARKA….. Facebook-ga xaruntaas yaa la soo dhigay booliis taagan bannaanka goobta ay wax ka dhaceen, waxaana muuqaalkaas lagu soo […]

January 30th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo: Xafladii Khaatumo ee London & Soo dhaweyntii wufuuda-Video+sawiro.

Waxaa magaalada London ee dalka UK Lagu qabtay Munaasibad Balaadhan oo loogu dabaal degayay Sanadguuradii 5-aad ee maamulka khaatumo, waxaana kasoo qayb galay Madax ka tirsan maamulka khaatumo oo dalkaasi howlo shaqo u Jooga, waxaana kamid ahaa Madaxwayne ku xigeenka Cabdale Haybe (Cagolule), Wasiirka Arimaha Debeda, Wasiirka Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale. Munaasibada ayaa waxaa siwayn […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

MO Farah oo Go’aanka Trump ku tilmaamay”Waalid iyo Khalad siyaasadeed”.

Orodyahanka afarta jeer billada dahabka u qaaday Britain, Sir Mo Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah. Mo Farah ayaa sheegay in aanu hubin in uu ku laaban karo Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay xaas iyo carruur u […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo- Shacabka Muqdisho iyo XIldhibaanada qaarkood oo ka dareen celiyey Go’aankii Trump-Video.

Shacabka Muqdisho ayaa canbaareeyey dhaqanka Donald Trump iyo faquuqiisa uu kula dhaqmayo shacabka dalal Muslimiin u badan, waxayna ku tilmaameen mid dunida kala qaybinaya. HALKAN KA DAAWO…. Pro- Dhalxa oo ah XIldhibaan ayaa ku tilmaamay Faquuq iyo midab kala sooc, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu la diriri jirey midab kala sooca hadana ay bilaabayaan ay […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo- Xukuno Ad adag oo lagu ridey Dhalinyaradii Gabdhaha ku Kufsaday Galdogob-Video.

Waxaa maanta degmada Gal-dogob kadhacay xukun lagu ridey dhalinyaro dhowaan kufsaday gabadh, iyadoona ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan, culimo iyo dad ehel ah. HALKAN KA DAAWO VIDEO Xukunka ayaa waxaa riday Guddiga Culumada iyo Madaxda Maamulka Puntland ee halkaa ku sugan ay si wada jir ah ugu dhawaqeen Xukunka 6 dhalinyaro ah oo […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Wufuudii Khaatumo oo ku soo wajahan Columbus & Xafaladii sanad guuradii 5Aad oo dhacaysa.

Waftigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo mudane Abdalla M Haybe ayaa ku soo wajahan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayagoo ka qaybgeli doona sanad guurada shanaad ee Aasaaska Khaatumo oo dhacaysa maalinimada sabtida ah ee ku beegan 2/4/2017. Waftiga M/Weyne ku xigeenka ayaa ka warbixin doona xaaladaha deegaamadii Khaatumo, wada hadalada […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Maxkamada Federaalka ee Maraykanka oo laashey qayb ka mid wareegtadii Trump ee Muslimka 7 Dal.

Maxkamada heer federaal ee dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Newyork ayaa laashei qayb ka mid ah xukunkii Trump ku qaaday dadka Muslimka ah ee dalka Maraykanka, ayadoo qaarkood xataa ay yihiin kuwa degenaasho rasmi ah ku leh dalka, kuwaasoo aan soo geli karin wadanka mudo 90 maalmood ah. Qaaliga maxkamada Ann Donnelly ayaa sheegtay in dadka […]

January 29th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Daawo- Jaaliyadda Ingiriiska oo ka hadashay Higlo ka dhacday-Video.

Baaqan ayeey ku tilmaameen fool xumada ka dhalan karta hadii shaqaqooyin noocaas ahi sii socdaan, waxayna isku raaceen in la xoojo waxii wanaag ah iyo wadajir ah. HALKAN KA DAAWO…. Horufadhi.com@gmail.com

January 28th, 2017 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...