|

Hal Malyan oo ruux oo Saxiixay inaan Trump soo gelin Dalka Britain.

In ka badan hal Malyuun oo ruux oo shacabka reer Ingiriis ah ayaa saxixay Qaraar ku baaqaya inaan dalka loo ogolaan inuu soo galo Madaxweynaha Maraykanku maadama uu faquuqay dalal badan oo Muslim ah dadkooda oo qaarkood xaq u lahaa inay galaan Maraykanka ka dib kolkii ay heleen Viisayaal.

Dadkan ayaa saxiixooda ay tahay in la hordhigo barlamaanka Britain si ay uga doodaan, waxase afhayeen u hadashay R/Wasaaraha dalkaasi MS May, ay sheegtay in go’aanka imaanshaha Trump ee dabayaqaada sanadkan horey loo gaadhay aana laga laaban karin.

Balse sharciga Britain ayaa qaba hadii dad ka badan 100,00o oo ruux ay codsi saxiixaan barlamaanku dood gasho, waxaanse la aqoon in Barlamaanka ingriisku u codeyn doono rabitaanka shacabkooda.

Theresa May ayaa noqotay hogaamiyihii ugu horeeyey ee calaamka ee booqda aqalka cad tan iyo intii Trump la wareegay talada dalkaasi.

Amarkii Trump ee uu ku weel duwey shacabka 7 Dal ayaa noqday mid dunida iyo dalka Maraykankaba ruxay, waxaana loo arkay talaabo guracan.

Horufadhi.com@gmail.com

thresa may

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=31606

Posted by on Jan 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...