|

Baarlamaanka Soomaalia oo maanta shirkoodii ugu horeeyey isku imanaya iyo qodobo xasaasi ah oo hor yaalla,maxaa kamida qodobada?

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, waxayna noqonayaan baarlamaankii 10-aad oo shir ku yeesha xarunta golaha shacabka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ee xildhibaanada golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, waxaa kulanka maanta diirada lagu saari doonaa dhismaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Cismaan Cilmi, wuxuu sheegay in kulanka maanta uu yahay midkii labaad oo xildhibaanada ay iskugu yimaadaan, maadaama kulankii koowaad uu dhacay maalintii dhaarinta xildhibaanada.

Xubnaha gudiga doorashooyinka ee guddoonka baarlamaanka ayaa kasoo shaqeyn doona shaacinta waqtiga rasmiga ee ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Amaanka xarunta golaha shacabka iyo hareeraha xarunta ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay ciidamo xaqiijiya amaanka dhismaha baarlamaanka.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ajandahooda labaad wuxuu yahay miisaaniyad ay soo gudbisay xukuumadda Cumar C.rashiid, waana miisaaniyada baarlamaanka.

Wararka Horufadhi.com@gmail.com

baaralamanka-soi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=29651

Posted by on Dec 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Baarlamaanka Soomaalia oo maanta shirkoodii ugu horeeyey isku imanaya iyo qodobo xasaasi ah oo hor yaalla,maxaa kamida qodobada?”

  1. kuwani baarlamaan maha ee waa lugooyo markale umadda soomaaliyeed iyo dalka lagu lugaynayo.waayo waxay ku soo wada baxeen laaluush iyo musuqmaasuq qofka sidaas ku soo baxay muxuu umadda soomaaliyeed u qabanayaa

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...