|

Maqaal: Khaatumo ayadu ma is Aqoonsan tahay?!!.

Tan iyo markii maalinimadii Isniintii ay soo baxeen qodobadii wada hadalada Ethiopia uga soconayey maamulada Khaatumo iyo Somaliland, ayaa waxa soo baxayey dareemo kala duduwan oo ay dadku ka qabaan, inta badan shacabkii markii horeba Khaatumo ahaa wey soo dhaweeyeen waxayna u arkeen inay tahay bilow fiican oo ugu yaraan dareen warbaahineed, mid caalami iyo mid Soomaalida dhexdeeda ahba keenay.

Qodobadu markaad si diblumaasiyadeed u dhugato waa Warmurtiyeed ee maaha heshiis kama danbeys ah, maaha heshiis isku daran ah, mana aha heshiis awood qaybsi ah, sidoo kale ma aha heshiis ay ka muuqatay in dad wax wada leh galeen, waxaana kuu cadeenaya qodobada sida loo dhigay, tusaale ahaan,  qodobka 8aad maamul daadejinta waxa ka horeeya in maamulka Somaliland joojiyo mamul fidintiisa, ”joojinta ciidan beleedyo danbe oo la qoro”, fahamku waxa weeye in maamulka Khaatumo la daadejiyo, oo goobaha ay ka baxayaan ciidamada Somaliland maamulku gaadho , sida Koonfurta iyo Waqooyiga G Sool.

Hadaba aan u soo noqono Khaatumoa ayaan is aqoonsaneyne, dhib badan iguma aysan hayn dadkan awelba Khaatumo diidka ahaa ee huuhaada shubaya, kuwan caadifadeysan ee sida kale wax loogu ridey ee hormo salaaday dhawaana si daadraacin leh ugu Milmay kooxaha awleba ayagu gacan saarka iyo garabka u ahaa maamuladan hareeraha ee kan hada lala hadlayaa ku jiro.

Waxaanse aad ula fajacay Madaxweynihii hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Halac{Indhasheel}, runtiina waxan la yaabay sida uu dhaliishiisa ugu daliishay adilooyinka labada mas’uul ee Isaaq una dafirey raggi meesha inoo maraayey, waam ixtiraamayaan fekerka siyaasiga, xaq ayuu u lee yahay inuu ka hadlo qodobada, waxii ku saabsan ee uu dhaliilayana ma ahayn inuu warbaahinta la yimaado, ee asagu raggii talada wax ku lahaa ayuu ka mid yahaye inuu la xidhiidho raggi meesha tegay oo uusan warbaahinta soo fadhiisan ayaa asagana u fiicnayd, dadkiisana u waxtar badnayd, laakiin inat uu Kismaayo ka soojeesaday danihiisana u shaqa tegay, inuu warbaahinta ka soo hadlo waxay u tahay Liicid siyaasadeed.

 

Arinta isku Fuuqsatay dhaliishiisa wuxuu uga dhigay Adilo iyo cadeyn waraysiyadii labadii wiil ee beesha Isaaq wada hadalada u masalayey Sacad Ali Shire iyo Faysal Waraabe, wuxuuna hadaladoodii ka dhigtay makhraati, tusaale ahaan waraysiga Sacad Ali Shire waxaa siidaayey BBCDA, isla wariyihii Sacad Waraystay ayaa Gudoomiyaha Barlmaanka Khaatumo Maxamuud Sh Cumarna waraystay, nin walbana qadiyadiisa ayuu daafacday, halka Su aal ee jawaabteeda ina Ali Shire uu adeegsaday Indhasheel ayaana la wada weydiiyeey, aayaan xumaduse waxa weeye in Madaxweynaheenii hore makhraatid gashaday hadalkii ninkii aynu is hayney kii mas’uulkeenana bacda qashin qubta ku ridey{Trash Bag}.

kh2

Sacad waxa Su aasha ku cel celiyey weriyaha inuu dhaho Xayndaabka Somaliland ayeey ku wada jirnaa oo SOmalland baanu nahay, ma wuxuu odhan lahaa waxaanu nahay Somalia, Maxamuud SH Cumar wuxuu dhahay, waxaas lagama wada hadal midow iyo warkaas ee nabad iyo sidii deegaamadan Khaatumo maamulkooda u baahin lahaayeen nabadna labada dad ugu wada noolaan lahaayeen baa la iskala hadlay, Khaatumona marnaba ku biiri mayso maamulka Somaliland ee beesha Isaaq leedahay.

kh

Bal idinkaan idin dheebaye, xagee indhasheel warkaasi ka maray, sidoo kale Dr Ali Cise Abdi ayaa hadlay wuxuuna tafaasiishiisa ku cadeeyey inaan wax Somaliland ah loo wada hadlin, hadii tan Indhasheel ku waafaqay kuwan Garoowe gantaalaha laga soo saarayo ee dadka dhexiisa Viruska ku qarxinaya u raacno, maxay Khaatumo ka doontay Adis ababa may sidii Awrboogays iyo Adhicadeeye geed hoostiis Siilaanyo ku balansadaan, ama sidii Saleebaan Xaglatoosiye inteey gacanta ka dhunkadaan ugu tagaan jibouti ka dibna Hargaysa ka Qaweeyaan, waxa la yidhi Geel duqdisii Durdursey Aarankiisa maxaad u malayneyn.

 

Mar hadii Siyaasiyiintii xog ogaalka ahayd ay fekerkoodii warbaahinta inteey la yimaadeen inooba xayeysiinayaan isdifaacida siyaasiyiintii Isaaq ee dhinaca aynu is hayno masalayey, yaa wax saxaya, maxaase u diidey inay shirka tagaan oo arimahan marka horeba ka qaybgalaam?.

Wuxuu kaloo yidhi beesha caalamku ma joogin shirka , beesha caalamku door dhex dhexaadin ma lahayn waa run, loogumana tallo gelin, saxna ma aha in ajaaniib Soomaali dhexfadhido, oo Xamar ayeey wax ka keeni lahaayeen, balse haduu lee yahay furitaanka ma aysan joogin sax mahaa, dawladda Ethiopia ayaa shirka furtay, xidhitaankana safiirada dalalka Britain, Emaaraadka, China, EU, IGAD xubno ah iyo Midwoga Afrikaba waa joogeen, waan la qabaa qodobka odhanaya in arintan Makhraatiyo loo yeelo waa ahayd, waana arin mudan in la saxo marka danbe, balse hadaad lee dahay waxiiba Somaliland ayaa Bursatay maxaad Makhraati inoogu raadinaysaa waaba inoo daran tahaye.

b

Waxan dhihi lahaa Khaatumo ha is aqoonsato, intaysan meel kale Aqoonsi ka raadin yasida Indhasheel ee madaxdii shirka inoo joogay hadalkoodii waxay u tahay ma hadho siyaasadeed oo gaadhay, waxayna ahayd inuu mar walba Xigtoo Cuskado waxa madaxdiisu dheheen.

FG: Qoraalkani wuxuu gaar u yahay qoraha ku saxiixan kamana Tarjamayo fekerka siyaasadeed ee shabakada Horufadhi media

Hamse M Abdi

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=29265

Posted by on Dec 23 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Maqaal: Khaatumo ayadu ma is Aqoonsan tahay?!!.”

  1. KKKKK Horufadhi aad ayaan ula yaabay dadka akhrisanaya waxay u haystan dad jahila oo aan fikirin . Meqam somaliland hadi aan laga wada hadlayn maxad marka hore so doonten ilayn dhulka boqolkiba shan iyo sagashan (95) somaliland aya ka talisa oo labadi casimadood ee sool iyo sanaag somaliland aya ka talisa marka adigo aan tulada yar ee buhoodle ku hadhay oo waliba lagula joogo wa sida u hadalka u udhigay afayen ku sheega mucaridka khaatumo marka dhulba ma joogtide maxad ku bayactami. horufadhi xaqiiqda iyado oog ayey masakinta si walaysa war dadku way gaajonayan ee ha walina hadi kale argagaxiso aya la qoraya

  2. Inaalilaahu wa inaa ilayhI raajucuu dadka qaarbaad moodaa in caqligu xaga danbe kaga jiro waxaan layaabanahay kan leh maamulka khaatumaa ladaadejinayaa oo lafidinayaa oo snm maxay kaqabanaysaa sool iyo sanaag haday ogoshahay in khatumo lafidiyo inaguse ma isaaq baynu uga fadhinay oo idan waydiisanaynay inaan khaatumo fidino waxaan idinleeyahay war dadka beenta kadaaya oo ilaahay kadaaya snm baad sheegaysaane is rail aada oo

  3. Horta kan iidoor somaliland ayaada khasban oo laangaab ka noqtay xamar khaatumo ayadaa ku khasbanaadey kan galbeedi ee asagina bro maheedheenka ah indhasheel wa wareeray wuxuu hadlay sida habraha fadhi ku dirirka

  4. Hamse M Abdi

    Maqaa-kanl intii kartidaada ah waad ku dadaashay .

    Su, aal baad maqaalkaaga ku bilawday, su, aashiina waad ku khatintay.

    Jawaabta keliya aan ku siin karaa waa maya!

    “Taageerayaasha” khaatumo waxay u badanyihiin dad aan lahayn mabda, siyaasadeed oo dhabar adayg ku salaysan.

    Waa riyo ku nool u badan qurba joog aan xaqiiqda ogayn, caadifadna tahay caqliga hogaamiya.

    Madaxweyne kasta oo ay samaystaan ( hadaanan khaldanayn lix) oo soo mara isagoo fara madhan buu masraxa siyaasada khaatumo ka jalaafiyaa!

    “Taageerayaasha” khaatumu isma weydiiyaan muxuu maxweynihiinii idiinka tegay! Maalinta uu runta u sheego ayay ku sheeg taageerayaashaa cay kala daba tagaan;

    Horgale, daba gale, dal iibiye waa reer hebel iyo hantaatac!kkk

    Abtiyaal siyaasadu maaha caadifad, qof nacayb iyo xaflado inta habeenkii qoobka laga ciyaaro, gabay iyo buraanbur laysku maaweeliyo, lagu dhaarto waxaan subaxii aan la fulin karin!

    Xaqiiqda dhulka taal ee dhabta waxa weeye in ay Somaliland tahay dadka qudha ee cisi iyo sharaf u haya walaalahood khaatumo. Idin soo dhawaynaya.

    Halka Xamar iyo calankeeda, aad moodo in jin idin yidhi ilaaliya, aad ku habsaanteen luludiisa laydunku abaal guday dhuuso dameer!

    Ma waxaad ka dhiidhiyi weydeen idinkoo nool in Muuq-dishadan aad wehelka ka dhiganaysaan inay idiinku abaal gudo ;

    “Khaatumow idinma naqaane Groowe iska soo xaadiriya” ???

    Gunaanad Khaatumo taageerayaasheedu laba mid, miduun la imaada;

    1. Inaad keentaan caqli degan oo ay ka maqan tahay, caadifad iyo guur guur dhalanteed siyaasadeed ah, oo aad taageertaan cidaa doorateen.

    2. Iyo inaad halkaa ka sii wadaan mabda , la, aanta, dawakhaada idinku riday.

    Ku soo dhawaada dalkiinii Somaliland. Caws jiilaal waa lama huraan.

    Welcom Khaatumo!

    • Khatumo ha noolaato…Khaalumo ha jirto oo ha guulaysato.

      Amaan iyo bogaadin yaan u diraya wafdigii Khatumo ee ka qaybgalay wada- hadalka SL iyo Khatumo. Guul yaad noo soo hooyseen.
      Waad ku mahadsantahiin.

  5. Waar qoraalkaan qoray dheeraa Hamse M Abdi ayaan ba u ekaaday. loooooooooooooooooooooooool!

    Laalays baa yaabay
    kkkkkkkkkkkkkkk

  6. Laalays boowe isaaq soil Waa degaa degmada buhodle ee wax Lee ka degaa macanaha tolkay xaay hadaan war hedge majidho dhulos ee caqli ee ay qabaan hadeer sidayada silig iskaga xira oo iska cayriya

  7. warsame

    horta laangaab iyo waxan aad ka sheekaynaysaa waa maxay, adeer ummadda somaliland waxa sheekada xamar ugu dambaysay 1988kii. wax kasta oo mudadaa ka danbeeyey somaliland ama qowmiyadaha isaaq qayb kama ahayn kamana ahaan doono ama 4.5 dheh ama waxaad doonto ku sheeg, waxa sameysantay jamhuuriyadda barakaysan ee somaliland taas ayaa lagu shubmayaa, haddey siyaasadu is bedeshana wax qaybsi cad ayaa laysula imanayaa inta ka horraysa adeer dhegtaanu ka maqlaynaa (MADAXWEYNAHA UNAKA WAAYE).

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Afeefasho, mucaarad, ma ihi, laakiin, sida hadda maamulkeenu wax u wado, dareen bay leedahay,...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MAA HADDANA LAASKA SOO GALAY?! “waxaan marnaba marnaba la aqbalaynin, waar pL baa...
  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?