|

Faallo: Khaatumo oo ka soo Muuqatay Fagaaraha Caalamka.

Shirkii lagu qabtay Addis Ababa ee ay ku kulmeen labadii wafdi ee kakala socdey Khaatumo State iyo Somaliland ayaa Khaatumo ka saaray mugdii ay ku jirtay ama (isolation). Waxay ahayd markii ugu horeysay ee Khaatumo kasoo muuqato meel fagaare ah oo ay beesha caalamku goob jooge ka tahay.

In kastoo ay jiraan dad dhalliil raadis ah oo naqdiyey oo faallo iyo fikrado kala duwan ka bixiyey go’aamadii shirkii Addis Ababa, haddana sida runta ah shirku wuxuu guul u ahaa Khaatumo waxayna ka heshay sumucad wacan kadib markii war baahintu wax ka qortay qaddiyadda shacabka  Khatumo u halgamayo.

Waxaa khaatumo ka dhex jira dad aan badnayn oo diidan maamulka Khaatumo  kaasoo ah waxa keliya ee aynu isku hubno oo gacanta inoogu jira. Qaarkood waxay iska neceb yihiin shakhsiyaad ka mid ah madaxda Khaatumo iyo weliba reerka ay kasoo jeedaan. Waxayna katahay xin iyo xaasidnimo iyo shakhsi nacayb. Waxay kala garan la’yihiin ama kala saari kari la’yihiin shakhsiyaadka ay iska neceb yihiin iyo qaddiyadda maamulka iyo shacabka Khaatumo u taaganyihiin oo u halgamayaan.

Dadkaasi waxay bilaabeen olole ay ku canbaaraynayaan go’aamadii kasoo baxay shirkii Addis Ababa. Waxay ku tilmaameen inay go’madiisi yihiin kuwo lagu waxyeeleyey danahii iyo xuquuqdii shacabka Khaatumo.

Haddaba si shcabka loogu ridin jaah-wareer oo loo sii kala qaybin, waxaa habboon in marka wafdigii Khaatumo soo noqdo ay dadka qodob-qodob ugu sharxaan waxa looga jeedo. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in dadka la dejiyo oo runto loo sheego oo shakiga looga saaro.

Qore: Moxamed Cali Daad

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=29246

Posted by on Dec 23 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Faallo: Khaatumo oo ka soo Muuqatay Fagaaraha Caalamka.”

  1. isaaq qabiil dawlad ku noqon kariwaa dhulbahaante ku noqon kari waa, haawiye sidoo kale dawlad qabiil ku noqon kari waa majeerteen iyo inta kale oo dhan warkooda daa markaa miyaan la soo gaadhin wakhtigii xaaladda wax laga badeli lahaa oo dalka iyo dadka dhibaatada laga saari lahaa mise waxaa wanaagsan in aynu nolosha ku dhamaysano dagaal muran iyo is qabqabsi

  2. Bismillahi Raxmaani Raxiim

    Bogaadin iyo ammaan yaan u diraya wafdigii Khaatumo metelaayay ee wada hadalka Soomaliland. Guul ayaad noo soo hoyseen.
    Nabadgelyadu waa nolosha, Nabadgelyo la’antuna waa burbur, hor-u-mar la’an.
    Fadlan!!! halkaas ka sii wada.

  3. Bismillahi Raxmaani Raxiim

    Bogaadin iyo ammaan yaan u diraya wafdigii Khaatumo metelaayay ee wada hadalka Soomaliland. Guul ayaad noo soo hoyseen.
    Nabadgelyadu waa nolosha, Nabadgelyo la’antuna waa burbur, hor-u-mar la’an.
    Fadlan!!! halkaas ka sii wada.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Afeefasho, mucaarad, ma ihi, laakiin, sida hadda maamulkeenu wax u wado, dareen bay leedahay,...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MAA HADDANA LAASKA SOO GALAY?! “waxaan marnaba marnaba la aqbalaynin, waar pL baa...
  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?