|

DAAWO:Maamulka KHAATUMO oo 40-Kun oo Dollar ku Wareejiyey Gudiga Abaaraha ee Gobolada Khaatumo iyo Madaxwayne Galaydh oo Goob-joog ahaa-VIDEO

Gudiga abaaraha ee maamulka Khaatumo u xilsaaray gurmadka abaaraha ayaa maanta la hawlgeliyey, waxaana maamulku maanta ku wareejiyeen lacag dhan 40 kun oo dollar taasoo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha, lacagtan oo ay maamulka Khaatumo kasoo qaadeen ganacsato degan dalka Jabuuti ayaa waxaa ka warbixiyey madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulaha shirkadda Xawaaladda ee Tawakal oo ay taalo lacagtani Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay inuu gudiga ku wareejin doono lacagtaasi oo dhan 40 kun oo dollar.

Gudoomiyaha gudiga abaaraha ee maamulka Khaatumo u xilsaaray gudmadka abaaraha Sheekh Mukhtaar Axmed X Faarax ayaa halkaasi ku gudoomey lacagta gurmadka abaaraha ah waxaana hadalka uga danbeeyey xubin kamid ah gudiga abaaraha oo ku baaqay in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen.

Wararka Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=28039

Posted by on Nov 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “DAAWO:Maamulka KHAATUMO oo 40-Kun oo Dollar ku Wareejiyey Gudiga Abaaraha ee Gobolada Khaatumo iyo Madaxwayne Galaydh oo Goob-joog ahaa-VIDEO”

  1. Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh dad la’aan baa kugu dhacay dadaalkaaguse ma yara. Maye kuwii iiddoor iyo dhabayaco hoosjiifa, miyaaney ka damqanayn dadkooda abaaraha ku baaba’ay, caawimaad miyey soo diri waayeen, Eebbe ha toogtee duulkan aan damiir lahayn.

  2. MAANSHA ALAAH . HA LAYSKU NAXARIISTO MARKAAS BAA ILAAHAY INOO NAXARIISAN. AMIIIN AMIIIN

  3. Ibraahim

    Already inaga iidoor waanu usoo gurmanay shacabkaasi abaartu ku habsatay.
    Dhulbahante Iyo h/j inama Kala xigaan.

    Adna inabtigey baad tahay h/j Iyo h/y na waa ilma adeeraday. Gabiley Iyo borama xitaa waad u wada daaq imaan kartaan.

    Waana in la isku naxariisto ayay diintu ina fartay. Xitaa waanu idin kusoo dhawaynaynaa inaad ceelasha biyaha EE borama gabiley Iyo hargeysa nagala cabtaan. Wixii aynu hayno Cuna biyo iyo kharash ba waanu usoo dirnay gobolada bariga EE jamhuuriyada Somaliland.

    Waanan soo dhawaynayaa intuu prof Cali khaliif isna tacabka ka gaystay.
    Waana islaamnimo ina wada saaran in bulshada loo wada gargaaro oo siyaasadaha dhinac la Iska dhigo.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...