|

DHAGEYSO:Wasiirka Amniga Somalia oo banaanka soo dhigay wax kasta oo Xasan Culusow iyo maamulkiisa u qarsoona iyo Xasan oo wadnaha Farta ku haya…

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay tahriibka, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay shabakado doonaayay inay si sharcidaro ah uga dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DHAGEYSO

C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in arintaan ay fududeysay nidaamka Garoonka Aadan Cadde oo la adkeeyay, markii la baaray Documentiyada ay ku dhoofayeen dadkaasina ay cadaatay inay been abuurt yihiin.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa qeexay dadkaasi inay gaarayeen ilaa labaatameeyo ruux oo rabay inay si aanan sharci aheyn dalka uga dhoofaan

Wasiirka amniga Gudaha waxa uu sheegay in shabakada Qaarkood lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in  shabakadaha  Qaarkood lasoo qabtay  Garoomada diyaaradaha maamul goboleedyada dalka.

Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shabakadaha la qabtay ay ahaayeen kuwa isku xiran , oo doonaayay in ay ku dhoofaan Baasabooro iyo sidoo kale Viisooyin been abuur ah

Wararka horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=26489

Posted by on Oct 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...