|

SAWIRO:Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ku kulansan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (Warbixin).

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa todobaadkan ku qulqulaya Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai, halkaasoo warar soo baxaya ay sheegayaan in kulamo qarsoodi ah ay ka socdaan oo Madax ka tirsan Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay la leedahayMadaxweynaha waqtigiisu idlaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada .

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee kala ah Juballand Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” , Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka ambabaxay Garowe.

Xeeldheerayaasha faaqida Siyaasadda ayaa sheegaya in Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka cabsi qabto in Soomaaliya uu ka soo baxo Madaxweyne ka horyimaada danaha ay leedahay oo ah maamulidda ilo dhaqaale oo dalku leeyahay iyo sameysasho Saldhig Milatari, taasi oo aan ku qabsoomi karin si fudud, xilli Soomaaliya iyo Imaaraat-ka aanu jirin heshiisyo arrimahaasi khuseeya.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in Imaaraat-ku ka walwalsan yahay in Madaxweynaha cusub iyo Xukuumadda la dhisi doono ay gebi ahaan laasho oo waxba kama jiraan ka soo qaado heshiiska DP World iyo Maamulka Somaliland ay gaareen ee lagu horumarinayo dekadda Berbera.

Sidoo kale Imaaraat-ka ayaa doonaya inuu galaan-gal ku yeesho doorashada Madaxweynaha, si Musharaxa uu wato u soo baxo, waxaana la sheegayaa inuu wato Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Musharax kale.

Waxaa la sheegay in todobaadyadii u dambeeyay ay tageen Imaaraat-ka Musharaxiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo doonaya inuu dhowaan isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha.

Shaxda Imaaraat-ka ayaa ah sidii Madaxda maamul goboleedyada ay uga dhaadhicin laheyd in musharaxa ay wadato uu ku guuleysto xilka, iyadoo ay bar bar socoto balan-qaadyo mashaariic oo ay ka fulineyso deegaanada maamul goboleedyada.safiirka

Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ayaa waxaa maamula Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo ah Dhaxalsugaha Abudhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi, weli si rasmi ah ulama wareegin xukunka.

xasan-imaaraad

Madaxweynaha dalkaasi Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo 68 sano-jir ah ayaa ah mid ku uruuray sariirta caafimaadka, kadib markii dhiig uu kaga shubmay maskaxda bishii January , 2014 , muddo laba sanadood ah wax sawir iyo muuqaal lagama haayo, waxaana la filayaa in sababo caafimaad darro awgood xilka looga qaado, xilkana uu la wareego walaalkiisa.

Dalka Isutagga Imaaraat-ka Carabta oo ka kooban todobo Imaaraadood , ayaa waxaa awoodda ugu sareysa wadaaga Imaaraadaha Abu dhabi iyo Dubai oo ay kala maamulaan qoysaska Al Nahyan oo hanta Madaxweynaha dalka iyo Abaanduulka Ciidamada, si la mid ah Reer Al Maktoum oo hanta Madaxweyne kuxigeen Ahna Ra’iisul wasaare.

Safiirka Dowladd Isutagga Imaaraat-ka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo wareegtada lagu magacaabay oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Imaaraat-ka, lana soo soo saaray bishii February, 2014 , ayaa inta aanu xilkaasi loo magacaabin waxa uu ka tirsanaa diblomaasiyiin cusub oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ay tababartay iyo sarkaal sirdoon oo la howlgala Qeybta Imaaradda Ajman, dadku waxa ay ku sheegaan inuu yahay nin dabeecad khalafsan oo bahdila shaqaallaha iyo howlwadeennada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Safaaradda iyo Isbitaalka oo ku yaala Waqooyiga Muqdisho.

safiirka1

Safaaradda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ilaalo ka haaya Ciidan boolis Soomaali ah iyo Calooshood u shaqeystayaal hubeysan oo u dhashay dalka South Africa, lamana yaqaan sharciyadda ciidan ajnabi oo hubeysan oo ka baxsan AMISOM ay ku joogi karaan dalka.

Xigasho:Jowhar.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=26410

Posted by on Oct 29 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “SAWIRO:Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ku kulansan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (Warbixin).”

  1. nin buka boqol u tali kkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. horta maxa isaga dan ah oo isaga shuqul ah, DP World iyo Saldhiga imaaraadku berbera ka rabo iyo madaxda maamulada somalia.

    horufadhi getting hallucination and self deluded. lol kkkkkkkkkkkkk

    xamar ninka laga soo magacaabi doono, meel aah xamar ahayn xukunkiisu masoo dhaafayo. waa iska magac u yaalka. dee berbera waxa bixin kara waa dowlada dhexe ee jamhuuriyada somaliland xarunteeda guudna tahay hargeysa oo ah caasimada qaran ka barakaysan ee jamhuuriyada somaliland, kana talisa laascaanood taleex badhan laasqoray fiqifuliye buurawadal qoriley road shaxda illaa ceelaayo illaa lowya cade.

    xukuumada xooga weyn weeye cida wax goysa, waana xukuumada ka talisa shiidaalka holhol ee axmed maxamed maxamuud siilaanyo ee loo igmaday.

    kolayba wadno xanuun ka qaada runtaas aan taabtay.

    dekeda berbera shiidaalka holhol, airport ka berbera, macdanta siimoodi. waxa ka talisa dowlada dhexe ee jamhuuriyada somaliland. cida lasoo marayo ee talo iyo go’aan ka qaadanaysa waa dowlada dhexe ee jamhuuriyada somaliland madaxweyne axmed siilaanyo hogaamiyo.

    hadaba qudhaanyo ku quuso oo qandhuuftaada dib u liq, berbera iyo holhol ba anaa dowlad u ah oo licence kooda bixinaya. lol kkkkkkkkkk

  3. sandule baan ku ahay dowlad oo waqooyi oo dhan dowlad ugu ahay. ama waasha ama cirka u kaca.

    sandule iyo cudud military baan dowlad kuugu ahaanaya, sandule waxaan ahayn dowlad nimadayda kugu qaadsiin maayo.

    sandule waxaan ahayn dowladnimadayda ugu aqbalimaysid. dee sanduladaa ku qaado. horgaladaasna waan ku dulayn oo hoostoodaad fadhini. waxayna ku nool yihiin cududayda. kiise iga taga waa cudud beela, kayse cabdi yusuf cudud buu lahaa waagu horgalka ahaa oo hargeysa xilka ka hayay, kolkuuse inaga tagay waxba ma uusan noqon. waaka baryootama oo sida foosha xun u calaacala ee baryootama.

    kiise somaliland ka noqda dee waa bilaa itaal. xaglo toosiye waagu mucaaradka ahaa bilaa itaal buu ahaa waxba ma hayn wuxuu iska ahaa baqti meesha iska yaala. kolkuuse somaliland kusoo biiray wuxuu yeeshay cudud xoogweyn. oo waata caleehama loo qaado oo baqdin laga qabo cududiisa ayaa caleemaha loogu qaada. waana geesi.

    lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk horgaladu intay aniga ii shaqaynayaan bay cudud iyo karaamo leeyihiin. kolka ay iga tagaan waxay noqdaan wax meelaha ku bahdalan oon baacsado oon ceebeeyo oon sharaf dil ku rido. kolka ayse iisoo galaan bay karaamo cudud iyo xoog yeeshan.

    shacabkuna anay ii hogaansan yihiin. xoogaaga waji ku macaashka tv yada ka muuqda iyo xoogaaga qurbaha kasoo hadla kolka laga yimaado shacabku intiisa kale somaliland inay kamid yihiin bay aaminsan yihiin. lol kkkk

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...