|

Waraaq furan: Ku Beesha reer Shiikh Isaxaaq.

KU: BEESHA REER SHIIKH ISXAAQ

                                    Qore: Moxamed Cali Daad

Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka : Asalaamu calaykum

Waxaan ahay saxafi iyo qoraa u dhashay beesha Khaatumo State of Somalia. Waxaan halkan idiinku soo jeedinayaa ama idiinku soo gudbinayaa aragtidayda iyo aragtida in badan oo ila mida ah oo reer Khaatumo ah taasoo ku saabsan xaaladda ka dhex jirta labadeena beelood waqtigan xaadirka ah.

Marka laga soo bilaabo waagii awowgayo Siciid Harti , Alle ha u naxariiste, idinla xididay oo gabadh idinka guursaday – hooyadayo Faadumo timo dahabley, Alle ha u naxariisto oo jannatul Firdowsa ha geliyee, ilaa waagaa waxaynu lahayn xidhiid iyo cilaaqaad iyo is-fahan iyo kala guursi.

Hooyadii na dhashay ayaa noo bixisay magaca dhulbahante. Markaas waxaad noo tihiin abtiyaal iyo bah ayeeyo. Sidaas darteed, waxaad naga mudan tihiin xushmayn, sharfid iyo qaddarin badan; idinkana waxaan idinka filaynaa ama idinka rajaynaynaa sidaas oo kale.

Labadeena beelood waxaynu nahay dhaqan wadaag iyo kaftan wadaag gaar ahaan annaga iyo Habar Jeclo iyo Habar Yoonis. Waxaa jira qabiil Habar Yonis ah oo la dhaho Bah Dhulbahante, xagayagana waxaa jira qabiil la dhaho Bah Iidoor. Waxaynu nahay laba qabiil oo waawayn oo isu dhigma oo deris ah oo is dhalay oo isku tallaalan. Allaa meel inagu wada abuuray oo iskeen baday, meelna kala tegi mayno, mana kala maarano intaynu dunida korkeeda ku noolnahay.

Haddaba aan u imaado nuxurka fariintan reer Khaatumo u dirayaan beelwaynta reer Shiikh Isxaaq iyo maamulkooda. Waxaanu idinka tirsanaynaa eed iyo dhibaato xaad-dhaaf ah oo aad noogeysateen.

Waxaad jebiseen oo ku tumateen sharcigii deris wanaaga ee inoo dhexeeyey. Waxaad nagu sooqaadeen dagaal gardarro oo aad ku qabsateen oo welina ku haysataan qaybo badan oo ka tirsan dhulkayaga (our tribal land.) Waxaad dhulkayaga ka samaysateen 13 saldhig milatari. Markaas run ahaan iyo xaqiiqo ahaan dhulka Khaatumo waa dhul xoog ciidan milatari lagu haysto (land under real military occupation.) Bal kawarama haddaanu boqo tikniko ku qbsanlahayn Hargaysa. Siduu ahaan lahaa dareenkiinu? Maka dhiidhiyi lahaydeen mise waad ka aamusi lahaydeen?

Maamulka Khaatumo uu horkacayo madaxweyne Professor Cali Khalif Glaydh wuxuu beesha Dhulbahante ka hor-taagan yahay inuu dhaco dagaal dhiig badani ku daato oo dhexmara Isaaq iyo Dhulbahante. Maamulka Khaatumo wuxuu rabaa inuu dhibaatada ina dhextaal ku xalliyo waan-waan iyo wada-hadal fool-ka-fool ah haddii xaggiina laga arko niyad sami iyo dagaal nacayb.

Haddaba waxaanu beesha reer Shiikh Isxaaq ka codsanaynaa oo ka sugaynaa inay dhawraan oo qaddariyaan shucuurta shacabka Khaatumo iyo codsigooda si joogto ah laydiin ku soo gudbiyey. Na maqla oo naga gar-qaata oo dhulkayaga nooga baxa sida ugu dhakhso badan. Iska dhaafa quudhsiga iyo xaqiraada iyo yasidda aad nagu haysaan. Iska dhaafa madax adayga iyo macangagnimada. Haddii kale war majiro inta nala walaaqaayo. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Gardiid waa Alle diid.”Waxay dani inoogu jirtaa xassilloni iyo nabad waarta, ha u qaadanina hadalkaygan cabasho, ee u qaato nasteexo, ha ilaawina Tuducdii ahayd,  ”Mar hadeey Tacshiiradu dhacdoo, taagyaruhu Liico ma nin loo tudhaan ahay aneey tayda noqotaa”’..

Idinku xeernaan maayaan wiilashan Dhulbahante ee aad Laaluushtaan iyo dhawrkan horgal ee Hargaysa tuban, mana noqon karaan dab xeer ku awdnaata dhiig bax iyo Umulo doox dhaca, ee ka fekera Mustaqbilkiina iyo ka mandaqadenaba. Kana noqdan caqli xumadan Abtiyaal, oo isula noqda tallo deg deg ah.

M Ali Daad

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=26134

Posted by on Oct 24 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

22 Comments for “Waraaq furan: Ku Beesha reer Shiikh Isaxaaq.”

  1. War ninkani yaa yiraahda iska aamus war nimankan iidoor xabada ayey afyaqaaniin.

  2. Dhulbahante Ma islaan isaaqa dhashay . Lolz majeerteena Oromo baa dhashay Baan maqlay.

  3. War idoor xabad Uun baa taqaan sidii kalshaale . Reer sool haysku tashadeen.

  4. Beesha Jaamac siyaad ugu horgalada badan baaba tashatay. Tolow Ma noqon sidii barigii Jaamac soo Baxay . Kkkkkkkkkkk

  5. ASC.

    Ninkan waxaan u arkay nin horgalnimo qalqaashanaya oo meel uu kasoo galo raadinaya. Malaa dhinaca Jaamac siyaad way ku adkaatay oo soon adag baa u xidhan, marka Isaaquu is barayaa si halkaa uu siigada uga soo kiciyo.

    Waar nin yahaw nacnacda meesha kala bax. Wbt

    • Ceegaag
      Inaadeer salaan sare(asc)

      iska ilaali tuhun waa xaaraan ninkaan anagaa ilmaadeera, aabihii waa sheikhii Malcaamadii (dugsi) ugu horeeyey laascaanood ka furay, waa nin Mutacalina oo weliba ka baxay jaamacado dhoowra oo aduunka caan ka ah. siyaasadna weligii shaqo kuma yeelan, inta badan noloshiisa wuxuu ku soo qaatay Sacuudiga ilaahayna wax ku filan wuu siiyey haday tahay mid aduun iyo mid aakhiroba. waa muwaadin xalaala qoraalkuna maaha mid istustusa ee waa mid uu ajar ku raadinayo, wuxuuna u arkaa in ay waajib tahay in uu idoorka runta u sheego inta aan dhibaatada iyo dagalku bilaaban.

  6. ASC
    Jawaabtii iidoor oo kooban (Naago Gus Jilicsan waa Diideed Iidoorna Hadal jilicsan waa diideen).
    Warqadaan waxaa Ra’yiga qoritaankeeda lahaa Oday cali khaliif oo u haysta weli in uu siyaasiyiinta iidoor iskuul la dhiganayo. waxaad moodaa in cali uu iska indho saabayo xasuuqii iidoor dhulbahante u geestay welina uu u oomanyahay. caliyoow dhibaatooyinka iidoor dhulbahante u gaystay waxaa dareemaya hooyadii iyo aabihii wiilashooda lagu gowracay inta u dhexeeysa buuhoodle iyo qori lugud.
    Qaar badan oo uu ka mid yahay cali khaliif iyo Qoraaguba weli ma fahansana Go’aanka iidoor dhulbahante ka qaatay 1980. Go’aankaas Nin Rag ahi waa ogyahay Nacas iyo doora weeynena Loo sheegi maayo.

  7. iidoor liqe
    waa sidaas xaalku, Js lugna dagaal bay ugu taagantahay lugna nabad
    dhulabahntoo dhamina waa in uu sidaas yeelaa
    ka waran ugaasyadii sow xaga garoowe weli ma hoos joogaan KKKKKKKKKKKKKKKK. oday biindhe weli kaluunkii buu isla dhacayaa, walaahay odayga reer magaal weeyn waaye, gacan aan u tagay

  8. iidoor liqe
    Saaxiib (you are late 1980 ), Jaamac siyaad waa ilbaxeen dantoodeyna garteen. waagii Jaamac soo baxay, waa waagay Daacada ahaayeen oo u maleeynayeen in dhulbahante wax isu yahay kkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. @keligigiiduul Salaan sare,

    Waa iga cafis waana salaamay garaadka!

    Ha ila yaabin, horgal baa na wareeriyaye

  10. M Cali Daad
    Horta abti waa hadal wanaagsan , taariikhda aad ka sheekaysay iyo isku marnaanta isaaq iyo dhulbahantena waa xaqiiq jirta oo ilaa qarniyaynu ahayn ood wadaag , xidid , gacal iyo inan iyo abtigii.
    Waana run oo reerka keliya ee soomaaliyeed ee aanu isku dhaqanka nahay waa dhulbahante beena maaha oo ta inaga dhaxaysaa ka wayn tolliimo oo waa walaaltinimo.

    Markaan taa ka gudbo…
    Meesha abti waxaynu isku haynaa waa siyaasad ee maaha dhaqan…. waa taariikh kasoo bilaabantay 1991kii oo ninba si u haysto….
    Arrinta ugu wayn ee aanu dhulbahante inta aanu is hayno isku haynaa waa Somaliland iyo lasoo noqoshada madax banaanida Somaliland , iyo ma dal baa la kala jarayaa mise laba dal oo isku darsaday 60kii yaa markay ka fursanwayday kala noqday ?
    Su’aasha WAYN ee dhulbahantaha mucaaridka ku ah Somaliland ay iska indha tiraan waxa weeye…

    Ku dhawaaqida madax bannaanida Somaliland ma qorshe SNM buu ahaa mise arrin ay ka fursanwayday oo meel laga dhaafo la waayey?

    Waa la hayaa oo way qorantahay ( ka daawo YouTube )
    M/wayne siilaanyo oo leh marka aanu woqooyi gacanta ku dhigno waxaanu u wareegaynaa koonfur oo dalka oo dhan waanu ka xoraynaynaa siyaad barre iyo dawladiisa..

    Hadaba maxaa isbedelay ?
    Markii dawladdii dhexe dhacday waa tii koonfur lagaga dhawaaqay dawlad aan lagala tashan oo lalaba sugin reer woqooyi oo markii horeba cadaalad darro iyo sadbursi tirsanayey ….. waana tii ay cali mahdi iyo caydiid markii danbe ay isku qabsadeen.

    Aan soo gaabiyee
    Abti Somaliland waynu ku wada soconaye idinkaa qaarkiin isbedeleen oo marna puntland hartinimo ku raacay marna siyaasad khaldan koonfur ku raacay….

    Iminka iyo dan
    Wada hadal baa inoo bilaabmaya dhowaan ee waxba yeynaan ka hor dhicin… ilaahayna aynu ka barino inuu laabteena burcad isu keen maryo….Inshallah
    Waxaynu leenahay ilaahayaw sidii roon.

  11. Qurun Qaatumo, maantay dhaheen habar iidooraa na dhashay, haddaa jeclaateen ordo u guura oo dhulka harti noo dhaafa, in nagu filan waa qabnaa.

  12. Waar kan hadalka naagaha Leh, warkiisa naga daaya.
    Abtinimo goormaa u danbaysay?
    Dhulbahantoow kaca oo dhulkiina Ku dhinta.

  13. Mire
    DhulbahAnte wa xariif aragti fog markuu geedka hoostiisa snm ku sasabayey wuu ogaa in koofi Canaan,butrus qaali,baan kii moon iyo xataa jinniga aw jaajumoow aysan soomaaliya qaranimadeeda wax ka badalayn maxaa ka micno ah in geed hoostii warqado laydiinku falaaday hadhoowna faraha layskaga tirtiray waad qalbi jilcsan Tihiin waayo ilaa hadda riwaayadii geedka hoostiisa kuma aydin dheganaateen
    Runtii soomaaliland iyo is ururiskii aad dhufayska gasheen wa dhaqan yuhuudeed in intaad dagaal sokeeye aad saani u gashaan laydin dabar tiro ayaad weligiin ka baqayseen kkkkkk weligii isaaq isagoo keligii ah dhulbahante ma la dagaalamin
    Mar ingriis baa idin watay marna itoobiya wa badan yahay wakhtiga dhulbahante iyo isaaq uun ay ahaanayso sheekadu waxaa isku haysaan markaa banaanka keena hee

  14. Waayahay abti lkn dee ma adigaa dhulbahante ka wakiil ah mise midkale ileen dhamaan tiin dhulbahantaatihiine.garaadka besha jamacsiyaad wuxuu yidhi anigoo ku hadlaya magaca odayaasha gobolada bari ee somaliland oo u ulajeedo garaadada beesha aad u hadlayso ee dhulbahantee.markaa dee abti aad ayaan idinku wareeray ee bal aan isla sugno adiga iyo garaadka kiinna wax metelikara .waanad mahadsantahay.abtinimada iyo wadadhalashaduna waa dhab ee mala awaal maaha.kudarso oo anigaygaa kula hadlaya waxa idhalay cali gery axmed reer warfaa hooyaday waa cawrala qaaje ku dhashay ballidhiig qabiilkayguna waa reer daahir ka ah reer yuusuf.cid aan ahayn abtiyaashayna ma aqaano.sida xaalyahayna waa lasocdaa kumana faraxsani ee aan dhowrno dharaara soosocda.insha allash

  15. Hadii dir iyo daarood baa is le’eg ay tahay
    Isaaq = kablalax
    Dhulbahante= habarjeclo

  16. Isaaq wuxuu dhulbahante ku noqday yaqaan dhibe war isaaqoow xamar dhulbahantaa turjumaan idiin ka ahaa marxaladii Indho sarcaadkuna wa idinka dhamaatay aakhirkiina odaygii professor ka ahaa ee Swiss ka ahaana wuxuu idinku yidhi nimanyahow soft spot baa tihiin e is uruuriya Hadee xaajadu waa idinku Jiq mustaqbalka kkk

  17. Snm waa jabhada tidhi waxaanu ridnay dawladii soomaaliya
    Si aanu u samayno dawlad yar oo manicure ah oo dadkeedu Wada ina abti iyo ilma eedo isu yihiin kkkkkkkkkkkkkk khiyaal.com

  18. Qoraagu si fiican buu hadlay waanan u mahadnaqayaa

    Sida geesinimada leh ee u hadlay.

    Shakhsiyan waxaan qabaa canaan ay salkeeda dhulbahante leeyahay ayaa dib ugu noqotay

    Taasoo ah Somaliland iyagaa ku dhawaaqey oo dhisay waxaana kow ka ahaa garaad cabdi qani iyo cali khaliif.

    Hadaba taxliishii aad noo tufteen hadana soo tufa nagu adkaatey abtiyaal ee waayeel waa inkoon is yeel yeelahayne inta karaankeena ah aynu dadka iyo mandaqada u tudhno

  19. Maxaad waraaq saa soo kale ah, oo aad ku amaaneyso oo ku beerlaxaysaneyso Reer Hagar, Naalaye Axmed, Reer Warsame (Jamac Siyad) ma qori kartaa, mise Shisheeyahaa la baryaa kaliya!!!.

  20. m Cali daad

    hadalka intiisa ah walaalnimo iyo taariikh wadaag sidiisa ayuu sax u yahay, balse ma ogtahay in daarood oo dhan oo aan reer maqani jirin xilligii siyaad barre shir ku gaadheen in isaaq la xasuuqo kuwii kow ka ahaa ee daaroodka kale ku yidhi anagaa naqaan la ogyahay maantana lagu daawado magaalooyin badan, somaliyina iyadoo indhaheedu shan yihiin ay sheekadaa markhaati ka yihiin halkay ku danbeysay, haddaba daadow caqli xumada aad cid ku sheegtay waa mid reerkiina la derisa. somaliland waxa yaala walaltinimo iyo in la ilaaway qandaraasyadii aad tidhi anaa qaadanaya caqligaad sheeganeysaa horuu wax kuugu tari lahaa, suurtogal kama aha somaliland tacadi iyo aargoosi midna,balse wada hadal walaalnimo is qancin kor iyo hoosba .

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...