|

Faallo: Khaatumooy Toosoo isku tiirsada.

Maamulka iyo shacabka Khaatumo waxaa haysta mashaakil badan oo rasaysan. Waxaa jira kala qaybsanaan, is-khilaaf iyo muwaafaqo darro. Waxaa jira dib u dhac iyo kala daadsanaan. Waxaa jira dad badan oo wax saluugsan oo rajo beel u dhow.

Waxaa jira koox shaqaabad ah oo sumasysan oo sixran oo la shaqeeya labada maamul ee cadowga Khaatumo. Waxay dhibaatayn iyo carqaladayn ku hayaan shacabka Khaatumo. Waa koox looma aayaan ah aan caaqibo lahayn. Kuwaasi waa kuwa wax laga wadi waayey oo dadka jillaafo u dhigaya. Rajona lagama qabo in wax iska beddelaan.. Waano iyo wacdi dhegahay ka furaysteen. Waa koox damac iyo danaysi qaaday oo ka baxay safkii tolkood oo cadowga ku biiray. Magacyadooda halagu qoro liisto si loo maxkamadeeyo markay Khaatumo guulaysato haddii Alle idmo.

Kuwa madaxda Khaatumo Face Book ku caayayow isku xishooda oo isla yaaba oo wax la hadha haddaad wax isku flaysaan. Qof hadduu noqdo ma xishoode, maaha qof jira.

Maamulka iyo shacabka reer Khaatumo waxay aad ugu baahan yihiin wada shawr iyo wadatashi loo dhanyahay, wada shaqayn, wax wada qabsi, dib isu soo ururin iyo dib isu habayn. Haddaan shacabku dhammaan lawada shaqayn maamulkooda wuxuu noqonayaa sida biciid jaban oo ban yuurura. Allow u gargaar oo wax la qabo shacabka reer Khaatumo; waa reer gob ah oo labo cadow rifayaan.

Moxamed Ali Daad

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=26042

Posted by on Oct 22 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Faallo: Khaatumooy Toosoo isku tiirsada.”

  1. Abdi maratoon Darwiish

    Isku Tiirsibaa Tigaadiyooo Tiigsidheerleeee, Tabantaabiyooo Talooo Tooosan

    Ayaaa Toogashooo Dheerleeee, Isuuu TAnaasulbaaa Tuuubtaaa Toosan

    Toobiyahaaa Lagutagaaa, Taladaan laguturunturooon Tacabkeedaaad

    Tisqaaddiyooo Tabaabushooo Taaahla aan leeeee Tamaar iskutiirsibaaa

    Waxaadtebeysey Taamikuunoqotaaaa TaladiiTooosan Ayaad itaageer iiitoool

    Tumiii AAdan tabcan kagatabaabusheysataaaa Tamartaaa iyo Aduunka

    KuuTubaan Ikudarkoodaad Tiigsidheer iyooo leeeh Tabaabushooo Taamiga

    Laaaaaa, SAATirKooo Wuxuu ka Tagaaaa kU Taliyeeeey Lagatagaaaaaa

    AAkhiroooo TAbaabushadeedaaaa Talooo Taabagashaaa LAgu TuunTuun

    SAdaaaaaa, Adoooo Tiskuuu Kugutuntaay oo Toolmoon Taawar Taaag

    Kutiiriyey oo Sengeeee Turuqyo Ween Taxaabaayaaaa OO Ninbaaa

    Taaag IYooo ku Tamardhaamaaaa AAnbaaaa kuuuu Tashaaan TodhTodh

    Layaaal Awoood iskuuuu Tuuuuhmay oooo TIIIroooo TAAAngiyoooo

    TaxaabAAyAAA MURuQAAAA Kuuuu TUUuJIYaaan SAAnGeee IYooo

    TAAnGIiii ITAAAlKAAA ISuMaTIGMAAANEEEE TAMARLA AANBAAAA

    TAAAh IIRAANYOOO TABASHABADaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaN

    TOLAAAYEEEY TOLKEY MEEeYEEEy AYAAA TAAAH IYOOOoooooooo

    TAMARXUMOOO BADAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAN

  2. Aqoon guud

    Waxaan idin weydiiyey waliba dadka carabta joogi jiray siiba Nina

    Dadka kurdida kee badan suniga iyo shiicada ?

    Waxaan daawayey aljazeera tvga dagaalka Ka socda magaalada Labaad ugu weyn ciraaq ee mosul . Mosul waxaa gacanta ku haya kooxda daacish lkn dadka degan badankiisu waa Sunni Marka waxaa loo ogolyahay Kaliya in ay galaan magaalada ciidamada ciraaq iyadoo kooxda kurdiyiinta loo diiday waliba ay qayb Ka yihiin dagaalka lagaga soo horjeedo kooxda daacish.

    Wali ciraaq waxay ku JIRTA kala qaybin , xataa waxaan arkeyey taaniyada shiicada oo sawiradoodii ku dhegsan yihiin .

  3. Kurdidu waa stateless. Turkey way degaan, ciraaq iyo Syria way degaan. Waa sida dadka khaatumo . Awoodoodii baa leysku adeegsanaya.

    Koox turkey baa hubeysa , koox Syria , koox kale gooni bay rabaan go’aan. !

  4. Asc. Daadoow wax aan kaa fahannay oo aan ahayn taageerada shirkii Bali-cad ee Burco u gogol xaadhayey majidho.

    Shirka isimadu ku baaqeen, mid mooyaane, ee Buuhoodle lagu qabanayo ayaa ninkii talo haya looga baahan yahay handii Alle idmo.

    Shirkaa ajandayaashiisa waxaa ka mid ah, haddii aan ka sii hordhaco, in isbeddel lagu sameeyo magaca KHAATUMO! Waxaana lagu beddelayaa DARWIISH STATE OF SOMALIA. Wixii kalana meesheedaa loogu tagi doonaa i.a. Wbt

  5. Idor like
    Kurdish ku waa suniyiin dhamaan lkn waxay ku xisaabtamaan isir ahaan

  6. Waa kugu raacsanahay bad baadada khaatumo laakiin wacdi faaruq ah looma baahnee waxaa loo baahan yahay talaabo wax ku ool ah in la qaato. Maxay ku kala duwan yihiin kuwan aad canbaaraynayso ee labada maamul la shaqeeya iyo kuwaynu khaatumo ku ogayn ee qolka iyo bersedda Buuhoodle ka degan tar tankana ugu Jira sidii kaligood ay ummada uga faasixi lahaayeen SNM.
    Cadaalad maaha in horgalayaasha lasoo kala dhaweysto. Change the channel waa hal hayskii dagaalkii Ciraaq iyo maraykanka, waxaan leenahay halla bedelo hogaanka Khaatumo ee iminka, dadka ha lagu hogaamiyo sidii ay dalka u xorayn lahaayeen kheyrkoodna wax ula wadaagi lahaayeen, markaas bal in hor gale jiro iyo koofiyad bacle halla ogaado: Majiri doonaan, hadday jiraana meelay ku shaqaystaan ma heli doonaan laakiin iminka the boss of the mob (horgalayaasha) is at the backyard, bal adigu dadka ku qanci Cali Khaliif mooyee inta kale waa horgalayaal dhamaana Burcoy u socdaan!!!

  7. Iiddor liqe
    oo Nina ma waxay ku noolaan jirtay carabaha? oo iskuma aanan arage sidee wax u jiraan ? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kaftan

  8. iidoor liqdo
    maskaxda ka shaqaysii kkkkkkkkkkkkk

    kurdigu waa dad kula fidhidhsan Iraq, suuriya, iran, turkish etc waana suni
    hadda waxaa ugu mustaqbal fiican kuwa k nool Iraq oo xukun daatiya haysta, sameeystayna caasimad aad u qurux badan oo la yidhaahdo ARBil. waxaana taageero weeyn siiyey mareekan iyo dowladaha yurub gaar ahaan dhisida ciidamada lagu magcaabo (beshnarGa) ee hada ka qayb qaadanaya xoreeynta magaalada Mosul ee dalka ciraaq ama kurdistaan. waana sumi siday u badanyihiin Laakiin waxaa jira kuwo dhanka iiraan kunool oo shiico ah, Hadase bilaabay dagaal ay kaga soo horjeedaan iran
    waan degdegsanahay ee intaasi ha kugu filaato

  9. Kurdishka ku nool Iran iyo ciraaq way leeyihiin shiico laakiin waa minority marka loo eego inta badan ee suniyiita ah…… weliba waa shaaficiyiin sida soomaalida..

  10. maxamed Ali Daad iyo dhamman dhslinta qora warbaahinta reer khaatumo oo ay hormuudka u tahay horfadhi way mahadsan yihiin

    qoraalku waa hiil aan layska ino tiri karan waa war warna meel dheer warafna meel dhaw buu ku dhacaaa

    qormooyinka noocaan ah hadaan fursad yar u helo insha allah dhankaygaan ka soo qorin cadawga khaatumana haku suuxee shacabka khaatuma ha ku raaxaystee

  11. Keligiiduul

    Haa Nina wadan Ka mid ah carabta ku Nolan jirtay lkn laguuu sheegimaayo kkkkkkkkkkkkk

  12. Nina

    Nin Kurdi ah Baan Daris nahay . Ayaan dhaweyd roob dabeyl wata baa da’y trampoline ciyaalku ku ciyaaraan buu dabeyshii gaadhigiisa meel u dhow ku dhacday, wuxuu dhahay gaadhiga ha laysameeyo. Hada kumama dhicin wuxuu I tusay wax hore. Kulaha police Ka Baan u sheegaya . Mamada indhaha Ka raacday . Saldhiga police Ka xaafada baan u sheegay waxay dhaheen waxba idin kuma leh waa (natural disaster) Ma wuxusan yaabin baa kkkkkkkkkkkkkkkk .

    Kolay waa dad cuqdadeysan moodid in la soo gumeystay.

  13. Mr Daad qoraa aftahan ah ayaad tahay oo midabeeya qoristiisa. Caadifad iyo cadho yanay maskax fered kugu ridine is qaboji. Horta labada qolo ee aad “cadow” ku sheegaty waa kuu liidnimo. Waa labada keliya ee lagaa yaqaan ee aad qiimo iyo qadderin iyo dhiig iyo dhaqan ku leedahay. Haddii aad kuwii cid kuugu dhowaa indhaha u caseyso oo cay, habaar, dagaal iyo nacayb isugu darto waxba kaa khaldan.

    Bal eeg sidaanad marna dawlada muqdisho cadow ugu sheegin adoo ogaa siday ula dhaqmeen Dhulbhante laga soo bilaabo 199kii ilaa tii shalay ee madasha.

    Waar hooy wax iskula hadha. Qofkii tolkii iyo deriskii ilaahay ku salidaa waa qof wax ka maqan yihiin.

  14. soow lama gumaysan welina lama guumaysto soow saaluxudiin ayuubi oo kurdi ahaa lagama raacin inagana sayid maxamed cabdulle iyo axmed gurey lainagama raacin

  15. Idor liqe
    Anagoo afar dumar ah baa car pooling shaqada ku tagi jirnay Saa bishii ugu horaysay Baan ku bilaabnay gaadhigii mid kurdiyad ah oo kooxda ka mid ah saa
    Subixii koowaad anagoon weli bismilla odhan ayay nagu tidhi haye soo uruuriya lacagtayda (ain’t gonna work with water gaadhigu ye) kkkkkk waa sugi kari wayday inaan bal horta gaadhayno office ka waa dad gacan adag kurdidu kolay oo shilinka
    Aan ku safaadin soo saaridiisa kk

  16. Alla! Oo Sayidku ma idinkuu ahaa? War hayaay xataa Axmed Gureyna ma Dhurruq dhayluu ahaa? Kuwani maalin dhow Mao testongna way sheegan

  17. Idoor Liqe

    Kurdiga anaa kuu aqaan. Riyahay, ma aragtay, iswareystaan. Hablahoodana way qariyaan oo hadday mid yar oo duufle u qoslaan inant reerkeeda – aabaheed, adeerkeed, walalaheed ayaa kufsada oo dabadeena dila. Bal rag inantoodii kufasanya ka warran.

    Laakiin ciir wacan bay sameeyaan.

  18. kurdish ku waa isugu jira suni iyo shiico.

    kuwa ciraaq waa suni

    kuwa suuriya waa calawi

    kuwa turkey gu waa cilmaaniyiin

    kuwa iiraan waa shiico.

    laakiin isir bay wadaagaan, teeda kale dhulbahante iyo kurdish la isma barbar dhigi karo waa waalni cas taasi.

    dhulbahante iyo warsengeli somaliland ayay ka tirsan yihiin, taariikh ahaan xuduud ahaan iyo qaranimo ahaan.

    dhulbahante iyo warsengeli ma maalin aan 26 june ka ahayn bay lahaayeen. taas na waa ta inaga wada dhaxaysa. oo somaliland idinka dhigaysa.

Leave a Reply to mohamuud

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...