|

Maqaal:Waryaa Reerkan Habaaray . W/Q. M Sh Ali Daad.

WARYAA REERKA HABAARAY?

Waxaa jirta maah-maah Soomaaliyeed oo leh “Haddaad madax tahay, manjo la iskama dhigo.”

Sidoo kale, haddaad laan-dheere tahay, la iskama dhigo laan-gaab naa-naab ah.

Beesha Dhulbahante “The masters of the land” waayadii hore waxay ahayd beel caan ah oo leh magac iyo maamuus iyo sumucad wanaagsan. Waa laga haybaysan jiray oo cidina kuma soo dhiiran jirin inay dhulkeeda iska soogasho ama kusoo xad gudubto. Waxay beeshu ahayd fardooley diyaar ah oo digtoon oo heegan ah had iyo jeer iyo mar kasta.

Waa lawada ogyahay maanta xaaladda reerku siday tahay. Reerku maanta talo iyo dhul midna gacanta kuma hayo. Beeshu ma fayooba oo way silloon tahay. Waxaa dhulkeedii badankiisii qabsaday ciidamo uu leedahay maamulka la baxay Somaliland oo 13 saldhig ciidan ka samaystay. Waxaa soo horkacay oo soo hogaamiyey niman Dhulbahante ah oo welina ciidaan iyo cudud u ah. Sow wax lala yaabo maaha?

Beeshu waxay smaysatay maamul magaciisu yahay Khaatumo. Maamulka waxaa hareereeyey oo isugu tagay sadeex cadow oo kala ah maamulka Somaliland iyo maamulka Puntland iyo dawladda Fedaraalka uu madaxweyne u yahay Xasan Culusow khayr laawe, looma aayaan. Waxaa kalee jira koox beesha u dhalatay oo marin habowday oo dhalanteed roob mooday oo daba ordaysa. Kooxdu waxay war-wareegaysa Hargaysa iyo Garoowe oo qerkood tuugsanayaan. Yaa ku dhaha war isla yaaba.

Hadda maxaa talo ah?

Hadda ha la iska dhaafo toro-rogta iyo kalaam faaruqa (big empty talk) iyo hebel baa keligiis talis ah oo halagu daba faylo maamulka Khaatumo State. Hadeerba hala ogaadoo intay goori-goor tahay, haddii maamulka Khaatumo bur-buro (Alle kama dhigee) in aan mardanbe cidi isu imanayn. Hala iska jiro niyad-jabka iyo rajo beelka. Halagu dadaalo midnimada iyo muwaafaqada iyo wadajirka. Halaga hortago dadka qaska iyo labka wada oo cido kale u shaqaynaya.

Moxamed Sh. Cali

Columbus, Ohio, USA

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=25364

Posted by on Oct 11 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Maqaal:Waryaa Reerkan Habaaray . W/Q. M Sh Ali Daad.”

  1. adigu doqon maraykanka joogaa tahay maamulka khaatumo haku dhaqmo heshiiskii taleex. Hadii kale adiga Iyo maamulkuba bada gala. Dhulbahante iidoor kaba qaad u noqon maayo. 10 kii sano ee dhulbahante labarakiciyey iskuul loo diidey caruurtoodii in ay dhigtaan 500 qof Iyo inkabadan cagta lamariyey . Iidoor waa laga jarayaa. Ama adiyo cali khaliif ayaa laydinka jarayaa dhiigii dhulbahante saas ku xisaabtan.

  2. Waxay ila tahay reerka iidoor baa habaaray ee aynu ku cabaadno kkkkk

  3. Qurun Qaatumo, awel ba qayr ma lahayn reerku. Reer baadiye cawaana oo duurka ku jira buu ahaa. Tiina waa laga baxay oo dhulkii dawladdaa ka samaysmay, markaa waxa ay ahaayeen baa muuqatay!!!.

  4. reerku ma habaarnee ee sheekadaadu ma ha la raaco iidoor miyaa Ileen Cali khalif iyo garaadkiisu waxay u socdaan Burco ma sidaa ayuu dhlbahante ku habaaran yahay ladin ka yeeli maayo idinka ayaa habaarane ordaha aada Burco iyo hargaysa inta soo hartay maalin uun bay heeryada iska qaadayaan oo xoraysanayaan dhulkooda taga oo ha nagu soo noqonina idinkaa habaar oo dhulka ayaa idin habaaray.

  5. Qoraagu waa mahadsan yahay, wuxuu is bar bar dhigayaa laba xilli oo aan isku mid ahayn isuna dhaweyn, waagii reerku calan wallaynayey ee fardaha maxaa ka danbeeyey, fardaha laftoodii xaggee ku danbeeyeen, haddaan soo gaabiyo waxaan odhan karaa wixii fardaha laftooda ka suuliyey kaalintii ayku jireen ayaa reerka laftiisana hoos uga dhigtay maqaamkiisii waxaana taas ku tilmaami karaa reerka oo aan la jaan qaadin isbeddelkii Soomaalidu kaga soo guuraysay nadaamkii reer guuraa nimada oo ugu soo guuraysay nadaamka cusub ee dawliga ah. Waa run beeshu kaalinteeda waa ku cad cadayd waagaaas laakiin lamay jaan qaadin is beddelkii weynaa ee geyiga soomaaliyeed ka dhaxay, beeshi waxay fahmi la’dahay laba arimood:
    1. Soomaalida maanta talada la weydiiyo oo SSDF iyo SNM ka mid yihiin ma jiro qolo aan halgan qadhaadh iyo dagaal soo gelin laakiin reerka iyo siyaasiyiinta hor boodaysaa waxay rabaan si bilaash ah in cadkooda meel loo saaro iyagoo aan hal maalin si fiican ugu dagaalamin oo aan iska baacin reeraha kale ee dhulkooda ku amarku taaglaynaya, taas bal horta reerku si fiican ha u fahmo.
    2. Tan labaad reerku wuxuusan kala faham sanayn danta guud iyo wax yaabaha lama taabtaanka ah iyo danta siyaasadda ee is bed bedelka badan, waxaad arkaysaa kuwo shakhsi iska taageeray hadduu saxan yahay iyo haddii kaleba oo u baabi’inaya danta guud sida kuwa imina Cali Khaliif iska caleemo saartay ee iska daba ordaya, waxaad arkaysaa kuwo shilimo jeebka loo geliyey ku qanacsan oo reerkiisa iyo caruurtiisaba faasaxaya gor gortan la’aan, waxaad arkaysaa kuwo haddii ay reer kale oo xigtada ah isku dhacaan Hargeysa kazoo jeesanaya oo bilaabaya sidii wax kasta loo minjo xaabin lahaa. Isku soo duuboo reerka waxaan u calaamad sanayn waxayaabaha lama taabtaanka ah sida dhulka, dawladnimada iyo gobanimada.
    Labadaas arimood waxaa lagaga bixi karaa hogaamiye wanaagsan oo isagu labadaas qodob si fiican u fahamsan kaddibna raadiya midnimada dadka kuna hogaamiya inay SNM ta iska baaciyaan kaddibna soo fadhiistaa golayaasha Soomaalida iyagoo xor ah oo jooga maqaamkii lagu aqoon jiray, haddaba maamulkii waa la hayaa oo waa KHAATUMEE isaga hogaamiyihii ma la hayaa, jawaabtu waa maya. Xalku haddaba muxuu yahay? Qoraagu wuxuu yidhi Khaatumo halla badbaadiyo oo ha lagu daba faylo, ee soow ma aragtid! qoraaga laftiisa cudurkii aan qodobka 2aad kusoo sheegay baa wax ka hayaan, sow ma aragtaan!!!. Adeer Khaatumo hogaan ma haysato side markaa lagu bad baadinayaa, sow in hogaan loo sameeyo maaha, maxaad afka uga dhawraysaa in Cali Khaliif iyo dhibka uu u geystay khaatumo. Anigu waxaan qabaa ninkii doonaya inuu khaatumo bad baadiyo in uu ka shaqeeyo sidii adeer Cali meesha looga kaxayn lahaa (waana arin dastuuri ah oo reer Khaatumo xaq u leeyihiin, maaha gardaro iyo gef odayga loo geysanayo”. U fiirso,aan kuu fasiro qodobka 2aad waxaan uga jeedo: KHAATUMO waa danta guud ee lama taabtaanka ah, ADEER CALI IYO XUKUUMADIISUNA waa wax siyaasad ku yimid oo markii la doono la beddeli karo, haddii aan taas la samayn Karin dee reerka cudurka aan qodobka 2aad ku tilmaamay baa hayee haloo kitaab furo oo bal sidii loo furdaamin lahaa wax ha la iska weydiiyo.

  6. Dhoodi

    Adaaba qoraaga Ka qoraal badan Ma is tidhi kkkkkkkkkk. Dee adba maqal kaaga comments baadba Ku qortay lolz

  7. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    reerku hadi aad dawadida rabtan oo ruwayada iyo benta aad iska dhaaftan somaliland la heeshiya ilayn iyada dhulki ka talise lakiin marnaba ha ku fikirina inaad dhulka xoreysan kartan sababto ah dawlada somaliya maca hadi ay idiin so racdo ma xoreyn kartan dhulka 50000 oo cidana aya fadhiya marka jifo yar oo dhulbahante ah aya xoreynaya dhulka wa qurarad casimada talyaniga lagu dhex riday oo waxti unba idinka dhici

  8. Waxan la yaabay dadka qurbaha jooga ee malin walba wax so qoraya sidi ay khaatumo u hagaagi lahayd . Ader meesha adigo ka maqan oo qurbaha casirka ku cabaya oo caloshi ku naxday masakintan ha waalin ee hadi aad dagal rabto kaalay adigu oo dagaalan . nin walba masakintan ayu wax u so qoraya isago dagaalamayn

  9. ali yusuf

    xaarweyne xagee ku aragtay qabiiilsomaliya qabiil kale ka xooog badan 25 sano baa la dagaalamayeeee

    isaaq haduu dhulbahante ka xoog badnaan lahaa waa horuu xasuuqi lahaaa oo aakhiro kuli u diri lahaa lkn awoodiisa buu og yahay

Leave a Reply to ali yusuf

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM