|

Daawo:Dawladda Maraykanka oo ka hadashay Weerarkii Gaalkacyo iyo Kismaayo” Shabaab baanu Duqayney”.Video

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Gobolada Mudug iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen Ururka Al-Shabaab.

Hase ahaatee duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa muran weyn dhaliyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Mareykanka duqeeyay ciidamo ka tirsan Maamulla Galmudug.

HALKAN KA DAAWO DUQEYNTA….

Afhayeen u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu magacaabo Jeff Davis ayaa sheegay in labo duqeyn todobaadkan ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo oo uu tilmaamay in Al-Shabaab la beegsadeen.

“Waxaa Soomaaliya noo jooga koox tiro yar ah oo Ciidamo Mareykan ah, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka taageeraya dagaalka Al-Shabaab 26-kii bishan September ayaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa la taliyeyaasha Mareykanka waxaa soo weeraray Al-Shabaab, waxay sameeyeen weerar is difaacin ah, afar ruux ayayna ka dileen Al-Shabaab”ayuu yiri Jeff Davis.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in weerar ka dhacay 28-kii bishan magaalad aGaalkayco howl galkaas ay hor-boodayeen Ciidamada Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Soomaalida iyo La taliyeyaasha Mareykanka ay soo weerareen Al-Shabaab.

“Howl galka labaad wuxuu ahaa habeenkii 28-ka bisha September, waxay aheyd Gaalkacyo Puntland ee bartamaha Soomaaliya, wuxuu ahaa howl gal ay Soomaalida horboodayeen, oo ka dhan ah argagixisada, si looga hortago kooxda Al-Shabaab oo sameyneysay waxyaabaha qarxa, markii ay taasi sameynayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo weerareen Ciidamada Soomaalida iyo taliyeyaasha, Mareykanka, kwuaasoo halis geliyay nabadgelyadooda, Mareykanka wuxuu ku jawaabay duqeyn, waxaa ka dilnay 9 maleeshiyo”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka kama uusan hadlin weerarkii Gaalkacyo ka dhacay ay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo in kale, hase ahaatee waxaa uu ku nuux nuuxsaday in weerarkaas ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kuna dileen 9 ka tirsan Al-Shabaab sida uu yiri

Wasiirka Amniga Cusmaan Ciise Taar-Dhuleed ayaa sheegay in weerarka ka dhacay duleedka Gaalkacyo uu ahaa mid warbixin qaldan ay bixiyeen Maamulka Puntland, isla markaana lagu dilay 20 ka tirsan ciidankooda, waxaa uu sheegay in weerarka ciidankooda lagu soo qaaday ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Puntland sida uu yiri.

Banaan bax looga soo horjeedo duqeynta lagu laayay Ciidamada Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=24861

Posted by on Sep 29 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:Dawladda Maraykanka oo ka hadashay Weerarkii Gaalkacyo iyo Kismaayo” Shabaab baanu Duqayney”.Video”

  1. Galmudug waxaa loo samaynayey markii horeba in shabaabka lagu taageero. Galmudug Iyo shabaab waa isku mid cid kasta waa ogyahay.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...