|

Daraasaad: Maxay Tahay inay ka wada Hadlaan Khaatumo & Somaliland ama Dhulbahante iyo Isaaq?.

Daraasaad: Maxay Tahay inay ka wada Hadlaan Khaatumo & Somaliland ama Dhulbahante iyo Isaaq?:

Ka dib markii dhawaan ay bilaabatay Waan , waan iyo saan saan kulamo wada hadaleed oo ka soo uskumay magaalada Caynabo ee G Sool kaasoo dhexmaray labada maamul ee Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaan isku hawlay bal inaan isdul taago arimaha waa weyn ee ay tahay in labada dhinac ka wada xaajoon karaan, inkastoo ay jiraan dad badan oo shaki ka qaba sida wada hadaladani ku suuroobayaan ayadoo maleeshiyaadkii iyo ciidamadii maamulka Somaliland ay joogaan dhulka reer Khaatumo isla markaana walaacaasi yahay mid macquul ah hadana waxa ii muuqatay in walaaca dadka qaar ee aan qabo hadana aysan ka horjoogsan inaad wajahdo xaqaa’iqa oo ah in dadku madama Allaah meel ku wada beeray ay gooreey ahaataba wada hadli doonaan isla markaana is horfadhiisan doonaan.

Hadaba Daraasaadkan kooban waxaynu qalinka ugu qaadan doonaa waxa ay isku hayaan labada Dhinac, ugu yeedh Khaatumo iyo Somaliland ama ugu yeedh  Dhulbahante iyo Isaaq. Waxaynu u kala saaraynaa waxyaalaha waa weyn ee la isku hayo ayna tahay in laga wada xaajoodo xala laga gaadho shan qodob oo waa weyn, kuwaasoo mid walba aynu sheegi doono halka qolada kale ka taagan tahay iyo waxyaalaha ku kala maqan ama u kala arkaan. Wana mid wax weyn ka taraysa wada xaajoodkastoo la yeesho heerkuu doono ha ahaado, sida Mid Culimo awdiin, Mid maamul ama mid Dhaqanba.

Xogaha badankooda waxay igu qaateen mudo inaan aruursho sida ta Dhul durugsiga oo aan wakhti badan geliyey, shanta arimood waxay kala Noqon doonaan, Dhulka , Dhiiga,  Taariikhda , Siyaasada iyo Shuruudaha wax isku darsi hadiiba ay yimaadaan.

Arar: Arimaha dhulka waxan keliya oo diirada saaray waxii ay ku soo durkeen ama qabsadeen tan iyo intii Jabhadii SNM ay qabsatay xukunka gobolada Waqooyi, waxanan marnaba aanan dul istaagin dhulkii ay ku qabsadeen dhul riixii Saancadaha iyo qarnigiisii, anigoon aan dooneyn inaan marnaba sii huriyo khilaafka, isla markaana soo koobaya, Arimaha Dhiigana waxan is dultaagaya oo kaliya dhacdooyinkii ciidanka maamulku Geystay, waxaan barbar iska dhigay waxii beeluhu isku gaysteen ama kala dileen, anoo taas uga fogaanaya inay keento nacayb kale , balse aan hubo in hadiiba DHiig laga Garnaqayo ay imaan doonaan dad badan oo ciidan Hubaysan dileen/Xasuuqeen. Daraasadu waxay u kalay horaysaa sida ay u kala muhiimsan yihiin qodobadu. Waxii lagaga Garnaqsan lahaa , marnaba wakhti badan gelin mayno, balse waxaan aad ugu Nuux nuuxsan doonaa waxa inaga maqan, oo ay tahay sadexdaas qolo cidii Gar la naqsata Isaaq ama Somaliland inay la hortagaan, isla markaana lagaga jidbaxo.

Afeef: Qoraaladani waxay ku fadhiyaan xaqaa’iq, waxayna ku salaysna yihiin waxyaalaha qaar ee dhexyaala labada Beelood ama maamul, weyna ka maydhan yihiin caadifad, Laab la kac iyo Mala’awaal, inta badana waa wada wax dhawaanahan dhacay hadana taagan , sida muranka Dhulka, Dhiiga iyo mabaa’dii’da lagu kala tagsan yahay ee siyaasadeed.

Arimaha Dhulka.

Marka laga yimaado duulaankii Ingiriiska ee sanadkii 1885 ee ku soo qaaday Dhulka Xeebaha ah ee dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Waqooyi ee dalkeena ka hor inta uusan soo dirin Sahamiyayaal waraaqo ka saxiixday Qabaa’ilka qaar, taasoo sababtay in beesha Dhulbahante diido, dagaala Humaan, Dad , Dal iyo Duunyana ku waayeen, waxa ka sokeeyey in dalkii xoroobey, dawladnimona la qaatay Aayaan darrose sodon sano ka dib dawladnimo iyo xornimo markale dalkii burburay, ka dibna colaad, Dagaalo sokeeye, Dhac iyo Dil si aad moodayso in la isku Janno tagayo Waranka la isu gashay, gobolada waqooyi oo jabhadii SNM oo ka mid ahayd Jabhadii ku kacay xukunkii Kacaankii Militaryga ahaa, waxay qaybsadeen dalka qaybta Waqooyi ayagoo ka faa’ideystay ciiritaankii dawladdii Xamar oo ciidankii xoogu Burburay ka dibna Jabhadihii Koonfurtu si fudud Xamar u galeen. Inkastoo SNM markaas tabar darayd , heshiiskii Jabuuti ee Soomaaliya Ethiopia-na Adhaxda ka jabiyey , Isdhiibidna ay qarka u saarnaayeen, ayaa waxa Nasri u noqday waxii Xamar ka dhacay.Yagyeelidii Maamulkii Somaliland ee ay ku dhawaaaqdeen, waxay ku heleen taageero caalami ah oo dhisme hoosaad ku salaysan nimaadka maamulnimo ilaa xad iyo dhaqaale kobca oo ay amaanka kor ugu qaadeen, taasaana keentay inay helaan cudud maamul hab dawladeed u abaabulan oo ay ku badhitaaraan qabaa’ilkooda, waxayna dhalisay inay ku fidaan oo dawladnimadii u adeegsaadaan ugu horeyn inay Dhulka balaadhan ee beesha Dhulbahante ku durkaan, meelaha ugu badan ee lagu soo durkay sida weyna loo boobay waxa ugu horeeya Dhulka G/Sanaag oo dhul badan ay qaateen, boobeen, dhisteen qaarna si dawladdeysan waraaqo ugu sameysteen.

A: Gobolka Sanaag iyo Dhulka laga boobay Dhulbahante

  • Dhul beereedka dal sanka ah ee Dhaabeeda Taasoo dhacda Koonfur Galbeed Ceerigaabo una jirta Ceerigaabo 25km, Taasoo hada ay badankeedii haystaan, isla markaana ahaa mashruuc dawladii dhexe siisay beesha Dhulbahante ee G/Sanaag, ka dib markii ayaga la siiyey mashruucii kale Siida-leh, kaasoo uu siiyey Cadde Muse Boqor oo ahaa Badhasaabkii G/Sanaag. Waxayna ku timid dacwada balaadhan oo ay qaadeen dadka deegaanka G/Sanaag oo ka dhiidhiyey dhulweynaha Siidaleh ee waagaas dawladii dhexe siisay beesha ISAAQ ka dibna beesha Dhulbahante la siiyey dooxaddaas Dhaabeeda ee hada ay inteey maamulka noqdeen ay ku habsadeen, halka Siidalleh uu ahaa deegaanka ay beesha Dhulbahante ee G Sanaag ku xooganayd iskana lahayd, mashaariicdaas taariikhdeedu waxay ahayd ilaa sanadkii 1986 halka mashruuca horena la bixiyey 1978,

 

  • Deegaanka Madarre oo dhaca Koonfur bari Ceerigaabo, una jira magaalada Ceerigaabo 20km kaasoo ay ku habsadeen oo ay badankiisa qabasadeen, ayadoo waraaqo been ah uu sameeyey isla markaana maamulkiisu u fududeyey Ismaaciil Xaaji Nuur oo Isaaq{H-Yoonis ah}, kaaso maamulkiisu u fududeeyey,kuna qaatay awooda maleeshiyaadka iyo maamulka ay Sameysteen, {Ismaaciil X. Nuur oo waa Maayerka ugu wakhtiga dheer maamulka Somaliland, kaasoo ilaa soo gelidii SNM ilaa hada 2016 Maayer ka ah Ceerigaabo}.
Ismacil : Ninka boobay Dhulka badan ee G/Sanaag.

Ismacil : Ninka boobay Dhulka badan ee G/Sanaag.

  • Ximan Gareen kaasoo ah Dhul daaqsimeed aad u wanaagsan u dhexeeya degmada Ceerigaabo iyo magaalada Jiidali, kaasoo ah Dhul hodanku ah baadka xoolaha iyo falashada beeraha, waxaana Dhulkaa si toos ah ula wareegay, Ismaacil X nuur oo maleeshiyo beleed ka musharqataa maamulka Somaliland u samaystay, ayadoo laga barakiciyey beelo dhan oo deegaankaas leh, waxana jira qoysas laga haysto inka badan 30 beerood sida Qoyska reer Xaaji Gelleh oo Dhulbahante ah. Waxa sidoo kale dadka beeraha xoogan iyo Dhulka laga riixay ka mid ah kuwaasoo ah deegaamo caanka Qoyska Aadan Ugaadhyahan, oo ayaguna ah dadka Dhulka laga boobey badankiisiina la haysto, Waxa Dhulkan la dejiyey qoysas Gadhweyn ah, oo aan deegaanka Berigaba waxba ku lahayn.
Dhulka sanka Sanaag

Dhulka sanka Sanaag

  • kuwaasoo la dhaho Abdi Xaamud oo ay isku beel yihiin Maayarkan Dhulboobka u qaabilsan maamulka Somaliland, waxa kaloo jirta deegaamo cusub iyo boob horleh oo ay ka sameeyeen Dhul u dhexeeyey laba Tuulo oo ay lee yihiin hal reer{Bah-Riig-Haye}, labadaas oo kala ah Biyoguud iyo Jiidali, waxayna ka Yagyeeleen tuulo cusub oo ay ugu magac dareen Dhoob, taasoo hada lagu beeray  Juffo la yidhaahdo Urur Suge, ayadoo deegaankoodu horey u ahaa waxii Waqooyi ka xiga magaalada Jiidali ee Tariikhiga ah, hadana mamulkan iyo Maayerka Dhulboobku ay u rareen Koonfurta Jiidali oo ah halka ay ka Aasaaseen Dhoob. Waxa kaloo jira deegaan hada uu Ina Xaaji Nuur oo ah Habaryoonis Abdalla Xaamud ahna ninka awooda badan ay siiyeen Isaaqa Somaliland la baxay deegaankan cusub ayaa waxa la dejiyey qoyskiisa ee Abdalla Xaamud, deegaankaas oo ah deegaan Dhulbahante Nalleye Ahmed, ceelkan ayaa la dhahaa Goroflley, waxana hore u Aasaasay Xaaji Ali Afweyne oo ah Dhulbahante, Naalleye Ahmed{Bah-Abdalleh}. Sidoo kale Dhulka la boobay waxa ku jira Dhulka Xeebta ah, ee Laasa-Surad iyo waxii bari ka xiga, Laasa-surada waxay Waqooyi bari kaga began tahay  magaalada Jiidali oo dhanka Xeebta kulaalaysa, waxana halkaas wada deganaa Bah-Riig Haye Dhulbahante iyo Gahaylle oo la Xulufo iyo Dhalashaba ah Dhulbahante, waxana Dhulboob xoogan ku sameeyey Maleeshiyaad uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenkii hore ee caafimaadka ee maamulkaas wakhtigii Rayaalle, waxana ciidan uu la yimid ku soo daray ina Xaaji Nuur oo Maayar ka ah magaaladan Ceerigaabo oo uu Maayar ka ahaa tan iyo intii SNM soo nqootay, wuxuuna ku beeray reerka la dhaho H yoonis Abdi Xaamud oo wasiir  Talaabo qoyskiisa hoose ah, kaasoo ahaa Wasiirkii maleeshiyaadka ku soo Hujuumey, si uu Dhulkan u taabo.
From Google site lite Imag of dararweyne For Dhulbahante

From Google site lite Imag of dararweyne For Dhulbahante.

  • Waxa kaloo ka mid ah labadii Dooxo ee caanka ahaa, aad ugu weynaa Taariikhada beesha Dhulbahante guud ahaan gaar ahaan Naalleeye Ma guurre, ee Awoowe kula magac baxay”Ma Guurre” kuwaasoo loo yaqaano Dabablehe iyo Bir-Xamar oo hodan ku ah Tigaada iyo Baadka ahna dhulsan Afarta Waryahaad ee xoolahaba u wanaagsan, kaasoo si boobleh ay ugu soo durkeen beesha Isaaq ee H Yoonis, oo kolkasta kaashanaya maleeshiyaadka ciidan ee ay 25kii sano ugu diyaar garoobayeen dhulboobka deegamada Dhulbahante. Deegaankan oo u dhexeeya Jiidali iyo Yubbe, waxana dhawaanihana hada ah wada deganaa Naalleye Ahmed iyo Nuux Cumar{Waresangeli}, Dhulkaas oo ka sokoow inuu ahaa Dhul xolaad barwaaqo ah, hadana lahaa ilo biyo iyo Durdur aan go’in , waxa hada badankiisa qabsaday lana wareegay H yoonis, gaar ahaan Muuse Yoonis, Abdi Xaamud iyo Urrur Suge, Sidoo kale deegaanka Dararweyne oo ahaa Dhul uu lahaa Dhulbahantuhu isla markaana la doonayey in Riiga Awrboogays laga dhigo taasoo uu watay qorshaheeda Badhasaabkii waagaas ee G/Sanaag Cusmaan Awad Daleel, balse ay ka diidey dawladdii kore, ayayey deegaan cusub oo ay waraaqo uga soo samaysteen Hargaysa ka dhigeen ayagoo hada ka dhigay heer dagmo si weyna u deegaameyey, waxana si hufan u degan H/Jeclo Muuse Abokor{Ahmed Faarax Biicide}, ayadoo Dhulkan waxna la isku horfadhiyo waxna badankiisa ay qaateen sida Kulaal oo hada uu dhawaan sameeyey Ahmed Sh Jaamac oo ka mid ah Halyeeyada reer Khaatumo ee G/Sanaag. Gobolka Sanaag waxa jira dhul badan oo aanan magaciisa helin iyo taariikhdiisa oo si xoogan ay ugu durkayaan una Boobayaan maamulku, ayadoo dhamaan arimahan Cadeymo buuxa loo hayo, waxana dhacdooyinkan aad u xoogoobeen tan iyo intii ay qabsadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ciidamada Somaliland, ayadoo si weyn shacabkooda ay u dhiirigelisay, marka dhulkan wada ahaantiis la isku darro ay gobolka Sanagaa kaga habsadeen ama ku durkeen, ama laga horjoogo, wuxuu gaadhayaa isku dar wada guud 200km Qiyaastii, ayadoo aysan ahayn cabirka saxda ah tani.

 

  • Gobolka Sool iyo Dhulka la boobay:

Dad badan ma ogsoona kamana dheregsana dhaca baahsan iyo Dhul durugsiga xoogan ee beelaha maamulka Somaliland wadeen sanadahan , waxaadna mooda inay keliya oo u muuqato ciidamada tuban deegamada Sool , Sanaag iyo Cayn  ee baabuurta saaran, kolbana ku duulaya deegaan hadana ka baxaya, taasi waa tan u muuqata dadka aan indheer garadka ahayn, waaqicu waa dhul weynaha la boobayo ee sida xoogan loo deegaameynayo, ama loo weegaaranayo. Aynu bal is dul taagno gobolka ugu weyn ee beesha Dhulbahante ku dhan tahay iyo sida loogu soo durkay, arimahan noocan ah dad kooban ayaa ku baraarugsan ama kaba war haya, waxaana lagaba yaabaa in qolyaha wada hadalada ku mashquulsan cidkastaba ha la haadeen Siyaasayiin, DHaqan iyo Culimo aysanba ogsooneyn ama kuba Baraarugsaneyn.

 

  • Deegaan weynaha Karaamaan oo ah Dhul baxaad weyn, hodana ku ah, Biyo aad hal nin joogi ku gaadhayso, kaasoo dhaca Galbeedka magaalada Laascanaood hilaadiina 150km kaga began Waqooyi Galbeed magaalada xarunta ah ee Laascaanood, waxa si weyn ugu soo durkayey sanadahii u danbeeyey beelaha Isaaq ee kolkasta badhi taarka ka helaya maamulkooda Gaamurey, waxana si weyn ugu soo durkay beesha Sacadyoonis, oo leh yool weyn oo ay doonayaan inay Saameyn ku iyo saami qaybsiba ku yeeshaan Gobolka Sool mustaqbalka dhaw, kaasoo hadana ay ka kulaalayaan dhanka Laamiga. Dogoblle waa Ceelkii caanka ahaa ee lagu laayey dadkii Xoolo dhaqatada ahaa, ee ayagoo Geel waraabsanaya 42 nin ay ku dishey Jabhadii SNM ee uu hogaaminayey Ahmed Mohamed Mirre Nuux ee ahaa gacan ku dhiiglihii horjoogaha u ahaa maleeshiyaadkii SNM, sanadku markuu ahaa 1992kii, ayagoo isla ceelkaasna ku dhaawacay in ka badan lixdan qof, Dogoblle oo taariikhdaa dhaw ahaa deegaan Dhulbahante waxaay ka dhigteen magaalo ay ayagu lee yihiin, waxayna si weyn u xalaalaysteen tan iyo intii ay soo galeen magaalada Laascaanood ayagoo binadana ku bilaabay markii ciidankooda ay keeneen magaalada Xudun sanadkii 2012kii dhamaadkiisii, Dogoblle waxay 40km Waqooyi Galbeed ka xigtaa magaalada  Xudun ee G Sool. Waxayna sidaas ku qaateen deegaan weynaha Karamaan, ayaagoo ku habsaday inta u dhaxaysa Dogoblle iyo Sin-carro, Marka la isku soo xooriyo Karamaan Dhulweynaha la yidhaahdo oo ka tirsan Gobolka Sool waxa si weyn isugu balaadhiyey beesha Isaaq oo hada Sanaag ka sokoow Dhulweynahan Bancade iyo Karamaan boobay, Waxana Deegaanka Bancadde oo dhaca Koonfurta Karamaan isla markaana Oog ka xiga kuna teedsan Buurdhaab , Jidbaale iyo Waqooyiga Laamiga isku xidha Laascaanood iyo Burco, ayey si weyn u deegaameysteen, si xoogana u degeen, beesha Sacad Yoonis iyo H Jeclo, waxayna ka dhisteen deegaano badan sida Qoridheere, Gawaysa weyne iyo God Heelli oo dhawaan diriri ka dhacday, oo ay Sacad Yoonis iyo H Jeclo dhisteen. Waxa sidoo kale deegaamada Karamaan iyo Bancadde laga dhisay ee la magaalayey ka mid ah, Bohol oo asaguna ka mid ah dhulka ay magaaleeyeen welibana magaalada Xuduna u jirta 30km, kagana beegan dhanka Waqooyi Galbeed.

 

Dooxada Karamaan

Dooxada Karamaan…

  • Inkastoo markaan dhulkan ka hadlayey aad u aragtaan Dhul yar hadana Karaamaan iyo dhulweynahan kale ee is haystaa ila Xudun iyo Buurdhaab laga soo gaadho xuduuda G/Sanaag waa dhul kegiis gobol noqon kara, waana Carro-san Nugaali ah, oo ku yaallo goobo baad iyo Biyo Eebe dhigay, waana Ubucdii Dhulbahante ee u dhaxaysay labada gobol gaar ahaan Sanaag oo badankiisa iyo dhamaan mashaariicdiisa waa weyn ee Dhul beereedka ah Dhulbahante lahaa.

 Dhulka Caymeed :

  • Cayn waxa loo yaqaanaa Dhulka ka soo rogan Buurdhaab ee Eegaya dhanka Koonfur Galbeed Carro-Edeg, waxii Caynabo, Ceel Dhaab ka bilowdo Buuhoodlena ku egyahay, Waagii hore Caynabo intii aan Saancaduhu dhul riixa ugu suuragelin beesha Isaaq waxay ahayd xudun Dhulbahante, weyna soo dhaawatay ilaa hadana waxaba ku yaala guryihii ayadoo ayba nool yihiin Hantiilayaashii, hadana sidaas oo ay tahay ma doonayo inaan wakhti badan ku Lumino Caynabo, Ceel dhaab, Badweyn iyo Dhulkii hore loo Meersaday, maxaa Wacay, kii hada ayey badankiisii waxna la qaatay, waxna Qiir , Qiir ku jiraa. Horena waanba uga Afeeftay. Si kastaba ha ahaatee waa Dhulweynaha ugu weyn ee Taariikhda Dhulbahante oo lagu qiyaaso 500 sano la Taabay, waxaynuse is dul taagayna Dhulka hada Qoyan, waxaynuna ka bilaabaynaa Dhagaxa waxii Caynabo ka soo rogan.
  • Buq-Dharkayn: Waa deegaan 5km Waqooyi kaga began magaalada Yaylle, waana deegaan biyo iyo Ceelal Laaso ah oo aan Go’in hodan ku ah, sidoo kale wuxuu lee yahay Togag dhirta nooyacdeeda ka baxaan, waana Dhul ay ku meegaaran yihiin Buuro waa weyn, Dooxooyin xoolahana aad ugu wanaagsan, waxana dhanka Galbeed ka soo Eegaya buuraha Caanka ah ee ay mid yihiin Gol-Dheero, inay deegaan Dhulbahante yihiina waxaaba kuu cadeynaysa, heestii Ahmed Liiqoo ee maansada Canbaro iyo Hurre is dhaafsadeen, asagoo sheegaya niman H Jeclo ah oo Goldheero ku Gaaday kuwa Dhulbahante ah waa tuu lahaa’’ Bilaa Waa gugumihii, maalintii Gol-Dheerood hogaaminayey Guutada ee Gashiga aynu ku lahayn’’!!. Buqdharkayn waxay weerarkii ugu horeeyey ku soo qaadeen 8 sano ka hor, waxayna si waafiyo ula wareegeen 2010kii, waxana degay beesha H Jeclo Muuse Abokor, waana dhulka hada Raqdiisu qoyan tahay, iska hor’imaadyo ayaana ka dhacay, waxana dhawr jeer yimid ciidanka Maamulka Somaliland ee Oog iyo Laascaanood waxayna u cagajugleeyeen beesha Dhulbahante, waana halka ay ka dhacday weedha Caanka ah’’ Dadku waxay Eeganayaan 100ka Dhuumood ee Laascaanood yaala’’ waxan Weedhaas yidhi baa la lee yahay ayaga iyo Allahood, Afdhilo nin la odhan jirey oo Laascaanood ku beexamay ama Dhancadde oo asaguna Xijaabtay dhawaan.
  • Adhiboob: Waa deegaan u dhexeeya degmada Horufadhi iyo Caynabo, waxana ku yaala Toggan caanka ah ee Adhiboob, waxa soo degay kuna soo duuley H jeclo gaar ahaan Muuse Abokor Cumar, waxayna ka yagyeeleen Barkado, waxa halkaas ku duuley reer Horufadhi dhawr jeer ayaa iska hor’imad ka dhacay, waxana uu sababay in la hakiyo deegaameyntii ay wadeen, shirkii ka dhacay bishii Jaanyo 7, 2015 tuulada Coodanlle ayaa Madaxdhaqameedkii Dhulbahante saxiixeen in la wada dego, inkastoo markaas bilo ka hor ay ku soo noqdeen H Jeclo ayna xoojiyeen, hadana shacabka Dhulbahante ee Gamaha ayaa isku dayey ayagoo fulinaya heshiiskii Coodanlle inay dhulweyna ka Deegaamaystaan, waxayan H jeclo u sheegtay inaysan ogeyn meel lagu heshiiyey, waxayna noqotay in fara cideed lagu kala Gurtay, ugu danbeyntiina H jeclo DHexdeeda ayaa isku laysay oo Cumar iyo Xasan Abdulle oo Solomaw ah ayaaba isku qabsaday ragna ku kala dhintay.
  • Deegaanada kale ee Caynabo iyo u dhexeeya Horufadhi ee Dhul daaqsimeedka ahaanta ay u qaateen una hantiyeen waxa ka mid ah Dul Gaal, oo ah Buuro isugu jira Geed m
    Waa deegaanka Gal gal

    Waa deegaanka Gal gal.

    idhood xoogan Dooxooyin hoos yaala iyo Carisyo Godbo kala Rog rogan ah oo aad moodo in loogu tallo galay Afarta Waryahaad ee xoolaha Soomaalida, kuwaasoo ay daaqaan Isaaq gaar ahaan Muse Abokor, ayadoo hadiiba iska hor imaad dhaco guutada ugu horaysa ee u timaadaa tahay tan Caynabo fadhida, ayna noqdeen kuwa maamulkooda ku helay Dhul iyo Dal Dhulbahante.

  • Dhulweynaha kale eek u abtirsada Gobolka Cayn ee sida xoogan loogu soo durkay waxa mid ah Labi Moqorre,oo u dhexeeya Horufadhi iyo Gal-gal 10 km degmada Horufadhi ka xiga Waqooyi Galbeed, Dhaal Maygaag oo ah Bali iyo Dooxooyin Dhul daaqsimeed ah, kaasoo Beesha H jeclo ay ku durkeen iyo Ceelka Galgal oo amar la’aan ay manafaacaadsadaan.

Dhanka Galbeedka Buuhoodle, Dhulka weli lagu muransan yahay waxa ka mid ah Gooblle Magan oo shirkii Coodanlle lagu saxiixay balse aan laga raali noqon, Faraslayaal oo ay ku durkeen iyo Weliba deegaamo Dhul daaqsimeed ah oo ay si joogta ah Galbeedka Buuhoodle uga soo shuqeenayaan.

Sidoo kale waxa jira Dhul badan oo H Yoonista Gaashaamo kaga soo durugtay Dhulka fog fog ee Hawdka sare ee Dhulbahante , sida Aagaarga Xirsi Macaf iyo Dhulweynahaas ka soo rogan Doollo.

Isku soo wada duubo Daraasaadka Dhulkani wuxuu muujinayaa qaybo waa weyn oo ka mid ah sida loogu soo xadgudubay Dhulkii beesha Dhulbahante, wada hadalkasta oo midho dhal laga doonayaana waa inuu ahaadaa mid xal balaadhan lagaga Gaadho sidii Dhulkan ay uga kici lahaayeen beesha Isaaq, si loo dhaeeyo colaada raagta oo labada dad dhex taalla.

Dhiiga :

Horey sidaan u sheegnay marnaba kama hadli doono waxii isku dhac beelaha dhexdooda ah, ayadoo taasi ay iska caadi tahay inay kolkastaba dhacaan waxyaalo beelaha iyo reer Beedaha dhex mara, balse waxaynu is dul taagi doonaa dhacdooyinka lama Ilaawaanka ah ee maamulka Somaliland iyo ciidankiisu geysteen tan iyo sanadkii 2007, ayadoo ay jiraan Liisas badan oo la hayo hadana dhacdooyinka waxaynu u dul marin doonaa si guud, waxii tafaasiil ah waxa lagu tixgelin doonaa qoraalada ay gudbin doonaan Ehlaadku, balse dhacdooyinka waa weyn Ayaan mudanka saari doonaa.

Goobahase waa weyn ee lama ilaawaanka ah iyo dadkii dhintay in Dhiigoodii meel la saaro, Saraakiishii ka danbeysayna wax la iskala ogaado, Magdhaw iyo Diyadoodiina la helo waa udub dhexaadka wada xaajoodkastoo la gaadho, ayadoo hanti Burburkii, Barakicii iyo dhibtii dhacday laba jibaari doonto Mag dhaw kasta, waxana goobaha aan la ilaawi Karin ka mid ah Dagaalkii Dabada dheeraaday ee Kalshaale, Widhwidh, Balihadhac, Laascaanood oo in badan shacab Mudaharaadaya lagu laayey, Xudun oo xataa caruurihii Adhiga la joogay la Majiijiyey , Saaxdheer iyo duulaamadii iyo dagaaladii Qudhac maskin iyo hareerihiisa, Balicad iyo kuwii kale. Waxaynu is dultaagaynaa Liiska waxii aynu hada hayno dadkii Beebaha la jiidhsiiyey iyo Gumaadkii dhacay ayadoo dad badan ka maqan yihiin magacyadooda.

FG: Liiskani waa dadkii waxii la hayo, ee ku dhintay dagaaladii iyo Duulaamadii Kalshaale, waxase maqan dhamaan liisaskii dadkii kale lagu layey deegamada kale oo aynu soo helayno ayagana. Waxana jirta in dadka kale ee lagu laayey Laascaanood, Widhwidh, Balihadhac ,Xudun, Saaxdheer iyo deegamada kale aysan hada ku jirin.

The innocent civilians massacred in their town and vilages of  Kalshaale, Hagoogane,

Maygagle, Sooljoogto, Shangalle, Bali-Docol, Buuhoodle by Somaliland President Siilaanyo

 

Magac oo saddexan Da’diisa Goobta lagu

diley

Taariikhda la diley Sida loo diley Jifadiisa Tirada carruurta

agoomoodey

Sahra Hared H Said 42 Hagoogane 13-1-2011 Dhaawac

tirid

Dhulbahante /Barkad 9
Harir

Mohamoud

Hosh

34 Buuhoodle 7-2-2011 Beebaa maray Dhulbahante

/Barkad

Single
Mohamed

Abdillahi Duale

50 Maygaagle 7-2-2011 La waayay Dhulbahante

/Barkad

13
Farax Ciise Mire 33 Kalshaale 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante /Barkad Single
Abdirahman Ali Dhuux H Said 38 Kalshaale 8-2-2012 Xadhig Dhulbahante /Barkad 6
Jamac

Mohamed Yusuf

40 Hagoogane 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante /Barkad 8
Muuse axmed

jibriil

37 Sooljoogt 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante /Khaalid 6
Abdillahi

Mohamoud

Saleman Gani

47 Hagoogane 7-2-2011 Dhaawac

tirid

Dhulbahante /Khaalid 2
Awil Saleman Hassan 33 Kashaale 15-1-2012 Toogasho Dhulbahante /Khaalid 9
Abdi Ahmed Jama 54 Kalshaale 15-1-2012 Beebaa maray Dhulbahante /Khaalid 14
Ahme  Hussein

Mire

30 Buuhoodle 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante

/Khaalid

11
Abdillahi Umal Hussein 44 Kalshaale 28-1-2012 La waayay Dhulbahante /Khaalid 9
Abdi saleban Gaani 45 Maygaagle 8-2-2012 Xadhig Dhulbahante /Khaalid 9
Ahmed a

Ayaanle Jamac

40 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante /Khaalid 6
Abdiweli

Mohamoud Sh

Adan

41 Maygaagle 13-1-2011 Toogasho Dhulbahante

/Mohamed Muse

9
Abduladif

Saleman Abdi

Haji Farah

44 Kashaale 7-2-2011 La waayay Dhulbahante

/Mohamed Muse

12
Mohamed

Abdillahi Farax

38 Buuhoodle 28-1-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante

/Mohamed Muse

8
Mubaarig

Ugaadh

Ismaaciil

40 Maygaagle 8-2-2012 Beebaa maray Dhulbahante /

Mohamed Muse

10
Jama Ahmed Ali 38 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante Khaalid 15
Abdi

Mohamoud

Ahmed

22 Hagoogane 7-2-2011 La waayitaan Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Aidid Muse Igare 53 Hagoogane 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 12
Abdiqani

Hassan Dirir

40 Hagoogane 7-2-2011 Toogash0 Dhulbahante/Ahmed Garad 10
Ali Saleman

Geele

49 Kalshaale 7-2-2011 Jirdil Dhulbahante/Ahmed

Garad

14
Abdi Ahmed

Haji Egeh

29 Kalshaale 7-2-2011 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad single
Bashir

Abdikarem Ali

50 Buhodle 15-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 14
Abdillahi Abdi Mihile 37 Buhodle 15-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 5
Yuusuf Mataan  X Yusuf 44 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Adan Abdi Muhumud 32 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Ali Ahmed Nur Shukuul 33 Shangalle 28-1-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Mohamed

Hussein Duale

21 Sooljoogto 8-2-2012 La waayitaan Dhulbahante/Ahmed

Garad

8
Abdikarem  Xine

Xirey

40 Dhuumoodle 8-2-2012 Toogash0 Dhulbahante/Ahmed Garad single
Mohamed Sulub

Diriye

41 Sooljoogto 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 10
C/fatax

Mohamed

Hassan

38 Balidoocl 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Axmed Abdi

Sheikh

Mohamed

45 Shangalle 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Ali Mohamed Mohamoud 40 Maygaagle 13-1-2011 Afduubitaan Dhulbahante/Ahmed Garad 12
Khadar Adan

Ismail

44 Kashaale 13-1-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Yusuf Abdi Mire 54 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Mohamed Abdi

Mire

60 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

9
Yusuf Abdi

Fidmo

29 Buuhoodle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

5
Mustafa Ahmed

Hassan

32 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 2
Hussein

Warsame Ali

53 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 14
Abdiweli Ahmed Colad 27 Buuhoodle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad Single
Mohamed Sufi Adan Seed 43 Kalshaale 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 12
Ali Abshir Osman 47 Hagoogane 7-2-2011 Xadhig Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Yasin Adan Dhible 40 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Abdi Abokor Muse 38 Sooljoogt 15-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Mohamed

Hoohad

41 Kalshaale 15-1-2012 La waayay Dhulbahante/Ahmed

Garad

4
Mukhtar Omer Guled 41 Maygaagle 15-1-2012 La waayay Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Faisal Mohamed Duale 42 Balidocol 15-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Dahir Hersi Abdiyare 42 Kashaale 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Awil Abdi Fidmo 33 Kalshaale 28-1-2012 Beebaa maray Dhulbahante/Ahmed Garad 2
Ahmed Sahal Ahmed 40 Maygaagle 28-1-2012 Xadhig Dhulbahante/Ahmed Garad 2
Ahmed Abdi Mohamed 36 Kalshaale 28-1-2012 Beebaa maray Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Abdillahi

Mohamed

Hassan Xagar

48 Shangalle 28-1-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed

Garad

13
Qule Abdi Warsame 50 Hagoogane 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

16
Mohamoud

Warsame

Cabsiiye

37 Maygaagle 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Ibraahim ismaaciil xuseen 44 Hagoogane 8-2-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed Garad 1
Abdirashiid

Mohamed Adan

45 Maygaagle 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Osman Garaad

Abdillahi Garad

Sofe

26 Sooljoogt 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad Single
Ahmed

Mohamoud Nur

55 Kalshaale 7-2-2011 Jirdil Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Osman

Mohamoud

Abdi

39 Sooljoogto 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Mohamoud

Ismail Muse

43 Kalshaale 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Dhux Xiis Ismail 55 Maygaagle 1-4-2012 Xadhig Dhulbahante/Ahmed Garad 14
Mohamed Adan Urmah 37 Shangalle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Adan Ismail

Nadiif

33 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

single
Mohamed Abdi

Ismail

40 Kalshaale 7-2-2011 Gubid Dhulbahante/Ahmed Garad 12
Mohamed

Saleman Dirie

44 Hagoogane 15-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 10
Farhan

Mohamed

Dhantac

38 Hagoogane 15-1-2012 La waayitaan Dhulbahante/Ahmed Garad 3
Yusuf  Abdillahi

Muhumud

41 Hagoogane 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Ibrahim

Mohamed

Dhantac

44 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Mahad

Mohamed

Mohamoud

33 Kalshaale 28-1-2012 La waayitaan Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Omar Abdi Aw Mohamoud 39 Buuhoodle 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Adan Abdi

Mohamed Hersi

42 Sooljoogt 7-2-2011 Xadhig Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Mohamed

Farah Yare

46 Balidocol 28-1-2012 Jirdil Dhulbahante/Ahmed

Garad

9
Saleman

Mohamed Yusuf

45 Kalshaale 7-2-2011 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Qule Ibrahim

Ismail

34 Widhwidh 7-2-2011 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad Single
Ibrahim Hassan

Mohame

37 Buuhoodle 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Ali Abdi Adood 40 Widhwidh 4-4-2010 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Mohamoud

Hassan Mahad

Mohamed

52 Maygaagle 13-1-2011 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad single
Hersi

Dhegaweyne

58 Hagoogane 7-2-2011 Toogash0 Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Abdiweli Ahmed

Samatar

43 Hagoogane 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

13
Gure Hassan Keli

Mohamed

40 Hagoogane 7-2-2011 Xadhig Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Hassan Jamac Mohamed 25 Maygaagle 7-2-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad  
Mahye Haji Hassan 64 Balidocol 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 22
Yusuf Jirde Hersi 38 Balidocol 28-1-2012 Toogash0 Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Maxamuud

Qayoof Osman

45 Balidocol 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Abdinasir

Mohamed

Qumane

47 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Abdiweli Ahmed Jama 30 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Hersi Adan

Shurie

40 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

12
Ahmed Ali Hersi 32 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed 8
Garad
Aadan xandule

colijoog

28 Balidocol 28-1-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed

Garad

4
Abdi Ali

Dhafaruur

33 Balidocol 28-1-2012 Kaare ayaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 5
Abdifatah Jilba Dhige 31 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 4
Omer Abdi Haji Harun 37 Balidocol 28-1-2012 Sirqin Dhulbahante/Ahmed Garad 5
Ismail Omer Abdi 18 Balidocol 28-1-2012 Jirdil Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Abdirisaq Abdi

Dirir

20 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Keyse Samatar Baxnaan 34 Balidocole 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Quule Abdillahi

Ahmed Nur

43 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed

Garad

11
Kuleec Mixlie

Aadan Culujoog

28 Shangalle 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Abdillahi Muse Aw Ali 34 Shangalle 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad 6
Farhan Abdi Ali Karshe 30 Balidocol 28-1-2012 Beebaa la mariyay Dhulbahante/Ahmed Garad single
Abdirahman

Mohamed

Rashid

44 Sooljoogto 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Caynab

Mohamed

Rashid

33 Shangalle 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 2
Abdulqadir AididYusuf 43 Sooljoogto 1-4-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 7
Caawiye Torke

Ahmed

36 Balidocol 28-4-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 5
Said Mohamed

Kabayare

39 Balidocol 28-1-2012 Afduubitaan Dhulbahante/Ahmed

Garad

10
Khadar Aadan

Hire

25 Balidocol 28-1-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
C/laahi mallow maxmed 40 Hagoogane 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 13
Ali Ismail Adan 45 Buuhoodle 15-1-2012 Sirqin Dhulbahante/Ahmed Garad 10
Awil Ali

Jama(baadoon)

58 Kalshaale 7-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 8
Khaliif Haji

Mohamed

55 Kalshaale 7-2-2012 Dhaawac

tirid

Dhulbahante/Ahmed Garad 11
Abdirahman

Abdillahi H

Dayib

40 Buuhoodle 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 5
Mohamed Sh Mohamoud 37 Sooljoogto 8-2-2012 Kaaraa maray Dhulbahante/Ahmed Garad 3
Abdinasir

Hussein Ismail

38 Sooljoogto 8-2-2012 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Hassan

Abdirahman

Odowaa

42 Hagoogane 13-1-2011 Toogasho Dhulbahante/Ahmed Garad 9
Keyse Ismail

Hersi

43 Maygaagle 28-1-2012 Toogasho Madhibaan 7
Awil Ismil

Shabelle

61 Sooljoogto 28-4-2012 Toogasho Tumaal 15

 

 

Dhiigan daatay iyo dadkan la laayey waa in daw loo helaa, Nabad waarta iyo deresnimo waxay ku xidhmi karaysaa in lagu kala jidbaxo waxan oo I tus oo I taabsii ah.

Siyaasadda:

Anigu waxii lagu heshiin doono, waxii laga tanaasuli doono iyo waxii la isku Marxabaysanayo Mas’uul kama ihi waxaanse soo taxayaa waxyalaha siyaasad ahaan Isaaq iyo Dhulbahante ku kala tagsan yihiin Khaatumo iyo Somaliland-na isku diidan yihiin, waxiise lagu daweenayo ama lagu baal marayo{By pass}, taasi waxay u Oolaysaa Kolba cida wada hadalada ka qayb noqonaysa ee labada dhinac gaar ahaaan Khaatumo.

Siyaasadda heerkasta ee Khaatumo iyo Somalland shacab ahaan , Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed iyo waxgaradba waa kala gedisan tahay, waxyaalaha ugu waa weyn ee la isku maandhaafsan yahay Kaaf iyo kala dheerida ahna waxaa Ubadd dhexaad u ah mab’da kala go’a dalka oo sida muuqata shacabka Isaaq iyo Madaxdoodu Caadifad iyo Caadifad la’aanba ay go’aansadeen inay ka baxaan, inkastoo hadaba wax badan iska bedeleen , dadka inta waxgaradka ahina ogaatay in Soomali aysan kala tegayn, hadana waxa jira oo aan la inkiri karayn in sanadkii 1991 marka laga yimaado dhawaqii Burco ee Gooni isku taaga beesha Isaaq hadana, waxa jirey in dastuurkii beesha Isaaq laga qaaday aftideeda ee aan deegaan DHulbahante shaqo ku yeelan sanadkii 2001dii ay dastuurkooda ugu codeysteen qodobo uu ka mid yahay kaas madaxdii SNM ku dhawaaqday sanadkii 1991dii. Oo ay ugu magic dareen lama Taabtaanka Xornimo la soo noqoshada ‘’Somaliland’’.

Mabaa’diida isku xukunka, ee qaadasha qaynuunka, dal, dad iyo umadda lagu hago oo ah dastuurkan haba yaraatee waxba kuma laha reer Khaatumo, kumana aysan heshiisn inay dalka ka go’aan Calan , Lacag iyo Maxkamad ka dhaxaysaa ma jirto, hadii maanta Siilaanyo ahaan lahaa Dhulbahante ,Saleebaan Maxamuud Aadan Gudoomiyaha Guurtiduna u dhalan lahaa isla Dhulbahante , wasiirada tirada badan ee maamulka Somaliland kala Badh ahaan lahaayeen DHulbahante shacabka Khaatumo ma aha Somaliland, maxaa yeelay dawladnimadu maaha ninka xafiiska jooga ee waa ninka Mabaa’dii’da iska leh, Dastuurka leh, Calanka leh, Maxkamada sare iyo hay’adaha dawliga ah shuruucdooda dejistay ee danbaaba. Sidaas daraadeed waxa jira farqi weyn oo siyaasi ah oo u dhexeeya labadan umaddood , kaasina wuxuu ahaan doonaa mid ka mid ah kuwa ugu adage ee xalintoodu dheeraanayso.

Daraasaadku waxay ku talinaysaa in wada hadalkastoo siyaasadeed uusan ku bilaaban rabitaanka dadka wada hadala ku jira, iyo danno shakhsiyadeed ama mid Kursi, ee uu ku salaysnaado xaqaa’iqa, Qooleeyna Qoor qabad biyo kuma Cabto, ee Laabta ka ogaada, waa in si bisil looga heshiiyaa arimaha siyaasada qaabkeey doonaana ha noqdeen waa in Gunta laga rujjiyaa oo midnimada Soomaaliyeed iyo muqadasnimadeedu ay ahaadaan Maduuca u sareeya{The top Priority }.Meesha kama saarayno rajjo ah in la heshiin karo, waxyaalaha Waalida ah ee marnaba aan u cuntami doonin dadkan iyo deegaamada DHulbahante maaha Aayaad Quraan ah oo reer Sh Bin Isixaaq Eebe kor kaga soo dejiyey ee waa mabaa’diid caadifad iyo Deg deg lagu Unkay, 26 sano-na aysan jirin wax ka hergalay iyo wax ka qabsoomay, taasina waa inay ahaataa midey salka u dhigaan, Hadii ay noqonayaan laba maamul oo Deris, walaalo, isku dan Waqooyi ilaasha markeey ku heshiiyaan qodobada sare ee Dhulka iyo Dhiigu ugu daran yahay, waa suuragal in la raadsado xuquuqda Koonfur ee labada dadba ku dulman yihiin, loona wada hadli karaayo kolkaas Waqooyi & Koonfur dalweynihii Somalia{Great Somalia}.

Taariikhda:

Sida muuqata maamula Somaliland oo hada Mulkiyadiisa aynu cadeynay in beelaha Isaaq leeyihiin, guud ahaan waxay xidada u siibeen waxkastoo ku saabsanaa Taariikhda facaweyn ee umadda Soomaaliyeed, Dugsiyadana waa laga dhawray in Soyaalkii taariikhda ee Soomaaliyeed caruurta wax loogu sheego, waana kala duwanaashaha weyn ee labada Shicbi u dhaxaynaysa goorkastaba, Tusaale ahaan taariikhda ugu weyn ee Soomaali iyo Afrikaanba ku fanaan waxa ka mid ah tii Daraawisheed, inkastoo beelaha Isaaq ay qaateen Maxmiyadii Ingiriiska, hadana waxa run ah inay jireen dad badan iyo beelo Isaaq ah oo Daraawiish ahaa dalkan iyo dadkana u soo halgamay, balse waxaad moodaa in maamulkan iyo Dhidibo u Aasidiisa Saldhig looga dhigay fogeynta waxkastoo Gobonimo Soomaaliyeed muujinaayey, halka lagu Ladhay Manhajka waxbarashada caruurta taariikho been abuur iyo ka badbadin ah oo u badan jabhadii SNM iyo sheekooyin kale oo mala awaal ah oo aan Macaan iyo Aqoon maskax caruureed dhisi karta lahayn.

Sheeko Ayaan ku maqlay Kumanaan Buug oo Hargaysa lagu qoray ayaa jira oo mid kaliya oo kuu Dhadhamayaa ma jiro, maxaa yeelay qoraayaasha oo u badan Caruur kacaamay intii Burburka waxay ka Aradan yihiin taariikhdii umadda , Halgankii iyo gobonimo doonkii dadkan iyo dalkan loo soo maray,  qoraaladooduna waxay noqdeen Tororog iyo wax la iska shubay. Waxana in badan ka macquulsan kana wanaagsanaadey buugaagta yar yare e qalin jabinta heerka koobaad ee Jaamacada dhalinta Muqdisho , Garowe iyo Laascaanood ee {These-ka} kuwaasoo sita ama xanbaarsan aqoon ka timid maskax Soomaaliyeed oo ka madhan ama neceb Gumaystihii.

Hadii Hargaysa laga Lacnado Ismaaciil Mirre, Sayid Mohamed, Macalim Maxamuud, Xaaji Maxamuud Dhoon , Xaaji Suudi iyo Halyeeyadii umaddan ka badbaadiyey Krishtaameyntii Berber aka socotay iyo boobkii dalka, Indhahana umadda u furay jidkoodiina ay qaaden SYL oo ugu yaraan wax shiidey, maxaad ku qancinaysaa ama ay kaaga ahaanayaan kuugu Iilinayaan wiilasha reer Sool, Cayn iyo Sanaag ee 11kii Awoowe ee Aabahood kii dhalay la dhashay ee Dhintay halgankaas?, Wiilka lagu qafiley Faqash baa ku xasuuqday SNM baana gobonimada keentay, Gumaysi aan Siyaad Barre iyo Soomaali ahayna maqal, Ingiriis iyo Dhibkiisiina laga Indho xidhay, soow noqon mayso Laba labaatan jir oo Dhulbahante iyo Isaaq ah ha isku keenin hadaan la xalin!!

Arimahan Daraasaadku wuxuu muujinayaa inay yihiin kuwa mudan in laga xaajo qaato, hadii la doonayo wada hadal Sal , Mug iyo miisaan leh umaddan wada degana Nabad waarta iyo istixgelin isku dheeli tiran oo Cilmiyeysan siin karaysa.

Shuruudaha :

 

Heshiiskasta oo la gaadhaa waa inuu lee yahay shuruudo waa weyn, oo la fuliyo waxana ku filan in afarta qodob ee sare ay noqdaan kuwa shuruudaha saldhiga u noqda ayna tahay in xalkooda la helo, waana wax badankoodu qoyan oo hadii Garwaaqisi jiro laga jid bixi karo, waa laga yabaa tan siyaasadu inay adkaato, oo isjiid, jiid dhaco balse tan maanta shacabka Dhulbahante muhiimka u ah waa inay DHulkooda helaan, deegaamada xukunka ciidanku dul saaran yahayna la baneeyo, kuwa xooga maamulnimo lagu haysto iyo kuwa Gardaro , Garbo og lagu meersadeyna laga kaco,  inta ay shuruudaha noocaasi ihi wada fulayaan midha dhala noqonayaa way adkaanaysaa in Nabad adag oo waarta la helo, Markastaba daraasaadani kama soo horjeedo in labada maamul wada hadlaan balse waxaynu uun sheegnay waxyaalaha ay tahay in la daweeyo, hadii milil Korkiis la dhayana lagama Gun gaadho dawaa’idkiisa. Waxan marnaba cuntami doonin in wada xaajood heshiisyo ah dhacaan,ayadoon si deg deg ah Ciidamada Somaliland iyo hubkooda waa weyn looga daad gureen dhulka Khaatumo, isla markaana wiilashan lagu celin Dhulkooda, wada hadalo kasta oo Shuruud la’aan qabsooma, waxay u noqon doontaa Laciifnimo{Weak point} hogaanka siyaasada iyo dhaqanka ee ku Lugyeesha wada xaajoodkaas. Duudsi kasta oo ka yimaada dhanka Beelaha Isaaq, wax aan ahayn soo kordhin maayo Jug , Jug meeshaadii jog.

Waxana xaqiiq ah hadii maamulka Khaatumo, madaxdhaqameed ama Culimo’awdiin ay ku muduciyaan waxii xaqooda ah inaysan marnaba khasaareyn, hadii ay helaana shacabkoodii ayey adkeeyeen hogaamintiisii, hadeey waayan oo ka go’aan qaatana waa waxa lagu qiimeyn doono Hankooda iyo hanaanka ay wax u wajahayaan.

 

Allaw laba talaba tii roon Waafaji umadda.

W/Q:Suleiman Hashi Dheere{Salmaan}.

Xaashi2008@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=23427

Posted by on Sep 1 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

48 Comments for “Daraasaad: Maxay Tahay inay ka wada Hadlaan Khaatumo & Somaliland ama Dhulbahante iyo Isaaq?.”

  1. Dadkan aad tirinayso waa waxaan gaadhin 50qof oo dagaalku jirey miyaanay dad iyaba layn oo dagaalamayn sxb misee ninkaa isku haybta tihiin uunbaa magdhow iyo diyo xaq uleh wixii kale waa lama ooyaan dadkii ragayaga reermiyiga iyo geel jirahaa in tay qabteen cawracay ayaa jooga oo LA garanayaa aanan soo hadalqaadin oo aan Ku xeerinaa dawladnimada iyo nidaamkayaga Ku salaysan saamixidi iyo wax wada lahaanshaha umada somaliland

  2. Adeer saleebaan waad ku mahadsantahay qoraalka wanaagsan eed ka qortay sidii Dhulbahante loo xasuuqey. Waxaan kugu boorinayaa inaad baadhitaan dheer ah samaysid ood noo soo bandhigto dadweynihii kale ee dhulbahante ee iiddoor laayey iyo magacyadoodi sida 42 Dogoble lagu dilay, iyo gabadhii lagu kufsadey lana dilay duleedka xuddun.
    Ta labaadna markaad soo hesho taariikhda dhacdooyinkan foolxun waxaa habboon inaad ka soo rikoodhgareysid wixii marag ka ahaa ee hadda nool si aan u gudbino hayadaha caalamiga dacwad dacwad ka dhan ah shakhsiyaadka xasuuqa iyo barakicinta geystey ee weli nool sida siilmaanyo, Axmed mire, Ismaaciil nuur, iyo dhamaan madaxda iiddoor.

    Arrimahan maaha wadahadal waxay u baahanyihiin dacwo Iyadoo la tiigsanayo xeerarka caalamka ee ka soo horjeeda xasuuq amba barakicin reer.

    Halkan ku soo bandhig , lana xidhiidh hayadaha caalamku si loo da weeyo iiddorka dembiyada ka galay Dhulbahante.

    Heegga hala geeyo siilmaanyo iyo Ismaaciil xaaji nuur intayan bakhtiin kkkkk

  3. Saleebaanow waad mahadsan tahay laakiin nimanka hadda Khaatumo horboodaya ma aha niman lagu hallayn karo waxyaabaha aad daraasadda ku sheegtay waayo muddo 4 sano ah iyo weliba laba sano oo kasii horeeyey wax ay dadka kusoo kordhiyeen oo aan ahayn in khilaafkii beeluhu sii xoogaysto dhul cusubna la qabsado lama arko, dadka may dagaal gelin oo waa la hubaa haddii shacabka dhulbahante la dagaal geliyo inaan maanta xaaladdu sidan ahaateen inay dadku xoog wax iskaga celin karaan dhulkoodana xoraysan karaan waxaa markhaati u ah sooyaalkooda taariikheed ee aan mugdiga ku jira haddiiba laga yimaado taasna waxaa markhaati cad u ah iska caabintii iyo han jabintii jabahadda SNM kaga dhacday Kalshaale iyo deegaanada ku xeeran iyo weliba saaxdheer iyo Bali Cad. Dhulkii Khaatumo lagu haleeyey sida Xuddun oo kale waa la ogyahay sida fudud ee uu ku gacan galay. Dadka taariikhdaas leh, sidaasna wax isaga celin kara hurayna dhiiga ragga aad daraasadaada kusoo taxday iminkana diyaarka u ah inay dhulkooda xoraystaan waxaa han jebiyey oo indhaha ka riday maamulka Khaatumo oo Dr. Galaydh hor boodayo, ujeedad dadka loo candadawlay ee loo gumeeyeyna wax kale ma ahayn ee waxaa loo gogol xaadhanayey wadahadal kusheegan iminka lagu walaahoobayo oo iyaga laftoodu ah han jebin kale iyo indho sarcaadin cusub. Sida saxda ahi waxay ahayd in dhulbahante xoog kula soo noqdo (Soomaali oo dhamina arintaas waa ku qanacsan tahay wayna aaminsan yihiin in Dhulbahante samayn karo waana ka filayeene) dhamaan dhulkan aad hadda ka sheekaysay ee raadkiisu sii qoyan yahay, kaddibna laga wada hadlo dhulka caynaba bud dhigaha u tahay ee la qaatay xiligii Ingiriiska, kaddibna laga wada hadlo dan reer waqooyi iyo wixii la wadaagi karo laakiin may ahayn in Dhulbahante Laascaanood ka gor gortamo iyadoo la haystana uu gogol wada xaajood soo fadhiisto, taasina dhici mayso Khaatumona cid ka yeelaysaa ma jirto. Markaas Soomaalidu waxay tidhaahdaa wax aan la huri doonin horay baa loo sii qabtaaye ma idinla tahay inaad dadka walaahowga ka deysaan oo xaajo aan bislaan oo wakhtigeedii la gaadhin ay daan ka dhigin arin biyo kama dhibcaan ah.
    Daraasaddani waa mid fiican laakiin meesha ay wax ka bilowday baa khaldan, dhulka Dhulbahante waa isku mid ama Ingiriiskii wakhtigiisii ha lagu soo durko ama Laascaanood ha ahaado, dhulka ciddii degi jirtay ayaa iska leh, ciddii daaqsin ku imanaysaa yeelkeed soomaaliduna iyadaa sidaas xeeratay oo dhulkii kala soohdimaysatay.
    Markaa xaajada yaan laga soo soka dhicin, dhulkii la qabsaday intii SNM jirtay waa xorayn iyo qori caaraddiis, intii ka horaysayna waa xaajo iyo geed hoostii, danaha labada beelood ka dhaxayn karaana markaas kaddib ayey imaanayaan oo xal waara laga gaadhayaa.

  4. Masha Allah toban sano ayaan webebka dhulbahante akhridana yey waa warbixin tii ugu qiimaha badnayd cay iyo dhaliil nacnac ah waxa ka fiican in sidan dalkii loogu war hayo oo daraasaad loogu sameeyo si loo ogaado dalkan maqan anigu aqoon badan baan ka helay qoraalka sidaas u dheer saaka sadex jeer baan akhri stay markasta anoo macaansanaya ayuu iga dhamaaday qoraagaasi bilad sharaf ayuu mudan yahay xaqiiqatan

  5. Waar yaadhaheen

    Nebiga ku saliya ordoo danihiina qabsada

  6. Suaal baa soo baxaysa isweydiin leh. Haddii Axmed Mire xasuuq geystay oo 42 qof oo xoolo dhaqato ah dilay sidee buu Ingiriiska ku joogaa maxaa maxmad loo geyn waayey. Bal eega nacas nimadan, Yuusuf Tuke oo sarkaal dawladeed ahaa oo SNM la dagaalami jiray shuftaa dacwad la daba gashay oo kasoo baacisay Canada, ninkaasi inuu ciidan soomaaliyeed ahaa uunbaa lagu haystaa, ina Mire oo dadkii uu ceelasha ku xasuuqay ay cad yihiina Ingiriis buu iska joogaa oo wuxuuba ka sheekaynayaa taariikhdii SNM iyo wax la mid ah. Ma dadkiinaas baa xaajaysan kara oo qadiyadda intan le eg ka xaajaysan kara ninkii dadka xasuuqay baydinaan max kamad geyn karina, mise sheekada xasuuqaan waxba ka jirin. Arinkaas Axmed Mire dib ha loogu noqdo wax weyn baa ka si ah.

  7. Dhoodi

    Waxa la yidhi ilaahayaw haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin…

    Horufadhi shay oo ugu danbaysay yaa lagu soo qoray hawlgalo ciidamada khaatumo ay fuliyeen oo ay ku laayeen aska ka mida maamulka snm ( waa sida ay hadalka u dhigeene)

    Berigii dagaaladii kalshaale iyo hagoogane cida wax laysay waxa markhaati ugu filan warbaahinta khaatumo ( horufadhi hawgu horaysee )…

    Maxkamada aad sheegaysid waxa ku filan warbixin qudha oo ay horufadhi qortay kuna qiratay inay dagaal ku qaaday ciidamada qaranka Somaliland askar badana ka laysay gaadiidna ka furatay….

    Haddii cid maxkamad lala tiigsanyo waa ninkii qirtay inuu dad masaakina xasuuqay kuna faanay , qoraaladiisiina la hayo.

  8. Saleebaan – Waad mahadsan tahay 100%, waa daraasad qiimo leh oo xambaarsan taariikh iyo dhacdooyin badan, waana loo baahan yahay in dhamaan la diiwaan galiyo dhacdooyinkii ay dadkeena u gaysteen Isaaqu, iyo dhulalka inaga maqan dhamaantood, si da’a yartu u ogaato, waxaan kaa codsanayaa inadan ka daalin oo aad wadadid darasadan, waan kula soo xidhiidhanayaa insha allah

  9. saleeebaan aad iyo aad buuu u mahadsan yahay 100% hawsha aad u madaada iyo deeganada ssc u hayso taariikhdaa ku qoreey dhulbahantaha hunguri raaca aan ahayna waa kuu og yihiin TIMIRTA AAD BEERANEYSID MAALIN BAAD GURAN halkaa ka sii wad waana in aad kala dii dhawaataa

  10. Yuusuf Tuke haddi iiddoor ku maxkamad geeyey isagoo waajibaad qaran gudanayo maxaa u diidey Dhulbahante inay dacweeyaan Axmed Mirahan landhan ku qayilayaa. Dhulbahantaha ingiriiska waa inay maxkamadda hor geeyaan dilaaga shacabka masaakiinta, haka seexanina , iiddoor kuba haldoorkiini bay dacweeyeen.
    Ninkii adress miisaan hayaan halkan inoo soo bandhig, anagaa dacweeyneeynaa haddaad xiniinyah u waydeen.

  11. Malaa labada reer way ku Kala xariifsan yihiin sida wax dacweeyo

  12. qoraalkan saleeban xashi waad ku mahadsantahay waxaanse ku odhan lahaa arinka dhulka yaynaan ku mashquulin waxaan jirin hadaynu boqolsano caynabaa dhulbahante lahaa macno inoo samayn mayso lakiin dhulka dhulbahante ka hadli karaa waxa weeye 1990kii wixii ka danbeeyay dhulka dhulbahante lagaga soo durkay ama xooga looga qaaday in kastoo aanan ogayn dhul xoog lagu qaatay hadaynuse tuulooyin isaaq leeyahay oo dhul dawladii dhexe dad sharci u siisay aynu nidhahno dhulbahante baa laga qaaday wax gole lala tegayo maaha mida ahmed mire dad buu layaye ha la dacweeyo waxaan filayaa jabhadii uu xooga badnayd abid ee deegaanka sanaag ilaa sool laga sameeyay waxa la sameeyay xasuuqaa ka dib waxayna gashay dagaalo aan tiro lahayn ayna uGu waawaynaayeen dagaalkii dararwayne iyo kulaal dhexdooda iyo dagaalkii damala xagare ee maxaabiista lagaga qabtay isaaqa dadka deegaankaas waxay yaqanan arso ama faraha ka qaad lakiin halays dacweeyo dhaqan dhulbahante maaha 1993 ayaa lagu heshiiyay sanaag dad aan ka yarayn 50 qof labada dhinacba way ku kala dhinteen waana laga heshiiyay

  13. walaahay inta aynu is leenahay odaygan aynu moodayno mid dan inoo wada bohol ayuu doonayaa inuu dadka ku rido waxaan aad sheegaysana maba diirinayaan laakiin dadka laxasuuqay waa kumaankun ee maaha inaadeer intan aad soo bandhigtay wax kabedel tan kale oday cali iyo inta lasocotaba waxay adaa dareemaya ee maba diirinayaan , horta iyagaaba mustacajal ah sabab magaranayo snm ay ugu ordayaan, tan kale dadku waa dhintaa waana dhimanayaan laakiin dhulkeenii waa kaas laascaanood beri iyadana dhawra isaaqu waxay igula kaftamaan laascaanood waynu wada degnaa ama rumaysta ama haumaysanina war qoraalada soo badi inaadeeroow oo nooga dhig ducomenti korna noo saar sida allsanaag.com wax walba meel buu dhigtaa war qoraaladan hala badiyo oo maalin kasta hala diyaariyo waayo bulsho aan wax loo shegin waxay moodayaan inaan waxba ka maqnayn…….

  14. Maqaal taariikhi ah baad soo bandhigtay Mr xaashi
    Si dhulbahante iyo isaaq ay nabad u Wada noolaadaan waa in isaaq ku noqdaa xuduudii uu joogay 1960 waayo tan iyo maalintuu bilaabay jabhadaynta isaaq dawlada soomaaliya waxba uma geysan dadku wax u geysatay iyo dhulka uu isku fidiyey wa dhulbahante iyo dhulkiisa waana sababta ay madax dhaqameedka snm
    Maanta la kabash kabash leeyihiin khaatumo waa in ay Matasho dhamaan qadiyadaha dhulka uu isaaq boobay waa in Gudiyo loo sameeyo ka kooban shacabka globalada ssc qadiyada dhulbahante ma aha mid siyaasadeed oo dadka iyo dhulka ssc runtii aan micno wayn u soo kordhinayn waayo
    Isaaq iyo dhulbahante waa laba qabiil oo soomaaliyeed oo jiiraan ah ingriis wuxuu u yimi iyagoo dhulkoodu kala calaamadaysan yahay ilaa dhulka uu isaaq boobay uu soo celiyo wax siyaasad ah oo micne wayn lihi ma jiraan in isaaq barnaamij siyaasad uu ugu yeedhay uu dhulbahante la ciyaaro wa maskhara iyo siyaasadii yuhuudu ku mashquulin jirtay carabta
    Isaaq maanta isagoo beesha dhexe ah oo colaado la galay dhamaan jiiraanadiisa oo soft spot ah
    Ayuu saaxadda joogaa waa fursad uu dhulbahante uu isaaq kula xisaabtamo oo dhulka Maqan lagu soo celiyo
    Si hadafkaa loo gaadho looma baahna baha baha iyo dhulbahante ha midoobo iyo horgal baa sidaan yidhi oo ah laba arimood oo dhulbahante buste lagu saaro oo jaahwareer iyo wakhti lumin loo sameeyo
    Arintu waa in ay ABC ka soo bilaabanto
    Waa in dhulbahante samaysto counsel loo bixiya counsel ka badbaadada dhulka khaatumo oo shaaqadiisu tahay ilaalinta iyo soo Celinta dhulka dhulbahante ka Maqan ingriisku markuu ceelasha siinayey habar jeclo ma jirin technology ceelsha dhaadheer ay isaaq ku samaystaan maanta wa jirtaa farsamadaasi
    qadiyada isaaq iyo dhulbahante dhexdooda ihi wa dhul dhulbahante laga boobay dhulka rag baa soo Cesha dhiigna u hura dhulbahante ragiisa taasaa looga fadhiyaa looma baahna siyaasad iyo isaaq baanu wax la qaybsanynaa iyo reer waqooyi syndrome iyo maalinba kalaam faadi dhulbahAnte isku maaweeliyo
    Meeshu waa Africa dadku waa soomaali xeer weligii jiray baa shucuubtu ku dhaqntaa oo ah dhulkaaga joog dhulkaygaan joogaa isaaq maanta intuu dhulbahante dhulka uu ka Boobo in uu dhulbahante u meeriyo saqaafada ah reer waqooyi baynu isla nahay iyo aynu dhulka wadaagno waa darb minal junuun iyo wax aan dad xor ihi aqbali Karin
    Bulshada dhulbahante uma baahna midnimo uma baahna horgal news looga dhigayo uma haahna mashaariic magacooda lagu soo qaato
    Shacabka dhulbahante wuxuu u baahan yahay rag xeeldheerayaal ku ah baraarujinta
    Iyo wacyi gelinta bulshada ilaalinta dhulka jeclaysiiya bulshada dhulkooda soo celinta qaxootiga dhulbahante ee buux dhaafiyey dhadhaab iyo ufo dhulbahante wuxuu u baahan yahay social leaders bara shacabka saqaafada dhul ilaalinta iyo qiimaha dhulka iyo jacaylkiisa hadii dhulbahante social reform isu sameeyo isaaq iyo cid kale toona ma hor istaagi karto 1988 ka dib isaaq waxaa u kacay rag social reformation u sameeyey shacbkii isaaq oo qaxootigoodii ka soo raray kililka oo magaalooyinkoodii camirtay oo jeclaysiiyey dalkoodii rag noocaas ah baa dhulbahante maanta u baahan yahay (gala dil gartiisna sii)cadawgaaga Mar Mar baa wax laga bartaa
    Please naga yareeya siyaasada oo noo badiya arimaha bulshada magaalaynt degaanada samaynta degmooyin xuduudeed oo dhulka xuduudihiisa dhulbahante ku ilaashado hadii intaa la helo looma baahna in isaaq siyaasad lagala hadlo waxaynu noqonaynaa laba shacab oo jiiraan ah oo soomaaliya ka dhaxayso

    Siyaasiyiinta khaatumo iyo dhulbahante wakhti kala guur ah oo taariikhi idin qorayso ayaad joogtaan dhulbahante badbaado ayuu idinka sugayaa taariikhduna waa idin qori doontaa

  15. Dhulbahante mushkilada uu dhex fadhiyo waa mid cali khaliif iyo siyaasi kale oo keligii ah ka wayn waa mushkilad xalkeedu yahay ragga beesha oo vision la yimaada ay dadkooda iyo dhulkooda ay ku badbaadiyaan mandiqu sidaasuu odhanayaa

    • Nina
      Salaan heer sare
      Inaadeer qoraalkaaga sare waa mid waafiya oo aad dhaxal gal u ah waxaadna ku soo bandhigtay talooyin iyo wax sheeg aad u qiimo badan.waadna ku mahadsantahay
      adigoo iga raaliya waxaan rabaa in aan farta kuugu fiiqo laba arimood oo mid m aan qoraaladaada ka akhriyey waqtiyo hore, midna aan u malaynayo in uu yahay feker cusub oo aanan hore uga akhrin qoraaladaada
      1-Meesha aad leedahay waa fursad uu dhulbahante maanta isaaq kula xisaabtamo, inaadeer waxaan ku weeydiiyey Yaa isaaq la xisaabtamaya, Ma horgalayaasha isaaq sameeystay. Ma waxaa isaaq la xisaabtamaya Isimada maalinba mid isdhiibayo ee aan midna mid ka salaamin.Mise dhulbahante wuxuu isaaq kula xisaabtamaya cudud meleteri.
      Ma waxaa iidoor la xisaabtamaya Cali khaliif iyo xulufadiisa ilaa maalintay xukunka qabteen awoodi waayey in ay dhalinyarada dhulbahante xarumo lagu tababaro oo lagu ururiyo u sameeyaan. Bal ii sheegoo ma waxaa isaaq la xisaabtamay Jaamac siyaad oo isagu La magacbaxay beeli eeday ee garaadkoodii maalin walba siilaanyo dhabanada ka dhunkanayo laascaanood dhexdeeda. Mise baharsamada cali khaliifkeedii iyo Garaadkeediiba noqdeen kuwaa sii suxulduubaya ee weeysada u biyeystay in ay sharaftoodii iyo tii shacabkkodaba iibsadeen.
      Ma waxaa isaaq la xisaabtami kara ugaadhyaha laba eefaya puntland iyo somaliland ee labada canba wax ku calaalinaya kkk

      Maxaadse u arki weeyday reer buuhoodlaha isimadoodii cidii buuhoodle timaadaba u niikinaysa.

      Waxaan qabaa in aaynu gaadhnay meel aynaan ka soo noqon karin. Isaaqna wuxuu sugayaa inta shirka Burco La isaga imaanayo si uu dhulbahantaha shirkaas taga uga saxeexdo ujeedooyinkiisa qarsoon. Kadibna waxaan shaki igaga jirin in isaaq dhulbahante beelbeel u xasuuqi doono, dhulbahantena waxaa la gaadhsiinayaa heer uu isu hiilin waayo oo uu weliba isu gurman kari waayo. hadaba aniga aragtidayda maanta faro inooguma jiraan wax aynu iidoor kula xisaabtano, waxaa keliya oo idoor lagula xisaabtami kara, sharaftii dhulbahantena lagu soo celin karaa waa dhulbahante oo yar iyo weeyn mar qudha hubka garabka saara xabadana meel u wada rida, naf iyo maalna hura.

      2-Tan kale waxaad tidhi siyaasada inaga daaya oo xuduudaha inoo magaaleeya!! inaadeer waa maxay xuduudka aad ka hadlaysaa, caasimadii dhulbahantaa iidoor haystaaye, Xuduudaha waxaa la difaacaa oo la magaaleeyaa markay caasimadu kuu caafimaad qabto. Degmooyinka aad leedahay ha la dhiso soow iidoor xoog ku qabsan maayo ileeyn ciidan ama qabiil difaacaa ma lihide.
      Miyaadanse indhaha ku hayn in isaaq qabsaday xuduudihii oo dhan.

      Inaadeer maanta ma jiro dhuldhulbahante xora, iidoorna magaalo kasta oo dhulbahante markuu doonuu qabsan karaa, buuhoodle kuma darin.

      Waxaan qabaa in aad fekerkaa dib u eegi doontid, waayo waa in aynu wax ku qaybsanaa wacyiga dhabta ah ee maanta xaalada dhulbahante ku suganyahay

      waad mahadsantahay

  16. Ali

    Sxb Waan arkayey qoraalkaaga shalay . Dee bahalka marmar Baan masaxa qoraalka . Anaa qoraalka masaxa Hadaan Rabo . Webka Waan iibsaday Sxb .

    Xaashi Dheere waa inuu sameysto widhiwdh times . Kkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Ha sameysto meel uu ku amaano Oday Galeydh . Lolz

  17. Waris

    Inaabti maxaad tidhi soo daaya idoor liqe kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Adigiibaan seefta ku dul haya Markaas baad ……. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. Ali

    Sxb idoorka meesha soo gala Adaa ugu macquulsan marakaad dhahdid xaashi Iyo idoor liqe waa isku hal qof . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Lkn waxaad garanweyday inaan iibsaday Horufadhi kkkkkkkkkkkkk.

    Xata Waan garankara qofkasta comments dhiibta Meeshu joogo kkkkkkkkkkk

    Siilaanyo haduu soo booqda Waan la socda guriga Jeneral Morgan . maalintii midhaa 5,700 views baa hargiesa Somaliya Naga soo booqday . Kkkkkkkkk

    Xataa Yiroowe baa nala Ka soo Booqday . Kkk

  19. Cabdiwaligaas isagu addicted buuba ku noqday Horufadhi . Kkkkkkkkkkkkkkkkkk wuxuu soo gala seconds . Waliba intii snm Iyo spoiler Galeydh hadal u furmay. Lolz

  20. Anigu ra’yi ahaan Ma fahmin sababta Morgan Iyo maslax siyaad aan maxkamad loola tiigsanayn Oo loogu meeraysanayo rag Iska yaryar Oo Waliba qabiiladoodu Somaliland degan yihiin.

    Tuke haduu dhulbahante ba yahay hala Iska daayo, fidmo yaan la kicin.
    Anigu ra’yi ahaan Waxaan qaba ruuxi Reer waqooyi ahaa Oo xukunkii afweyne ku jiray in la Iska daayo. Se la bartilmaameedsado uun kuwaa Reer koonfurka ah siiba maslax Iyo Morgan Iyo c/qaasim salaad Xasan.

    Anaga Reer koonfur baa dambi inaga galay kuwa hala eegto. Cadaalada yaan laga baydhin. Yaad fidmo la horseedin Oo midnimada qaran Ka laga hor imaanin

  21. Ali

    Mujaahdiintii Dowlada u soo shaqeyey ee xaduudka Ethiopia Ka gudbiyey kooxdii daroogada iibin jirtay Snm cid wax u qabsankarta Ma jirto yaan been lagu sheegin dhamaan Somaliya bay wada joogaan Laascanood , Garoowe , Kismaayo , Baardheere Iyo hargiesa .

    Amar dowlad ninkii diida isaga cirka Roob ku og .

  22. Iidoor liqe

    Kkkkkkkk oday galaydh waad nacday Oo Horgal buu durba noqday kkkk

    Eesh qiyaasak waabad inoo qurxisay Oo cudud baad inagu biirisay

    Garaad jaamac garaad calina garaad nimadii Ma Ka qaaday isna ileen waakii salaadiintii snm saaxdheer kula shirayee kkkk

    Adaaba ugu caqli roon kol hadaad garatay in dhulbahante kuwiisa jooga gudaha 99% yihiin Horgale Dee bes maxaaba xiiqa keenay lol kkkkkk

    Goormaad horgalada kusoo biiraysa ileen hora loo yidhi wadar Iyo kali ayama waalan Dee Kali baa la yidhi lol kkkkkk

    Kolba hadii reerkii wada Horgal noqdeen welcome to Horgal nimo lol kkkkkkk

  23. Ali

    Sxb runtan ku sheegaya adeerkay wuxuu ka mid ahaa sarakiishii Ruushka ku soo barbartay militariga wuxuuna ku jiray 10 Ka sarkaal ee Somaliya lagu Jecla xaga milateriga . Xataa burburkii dalka mar buu is dhahay America aad Lkn Kuwa Hawiye baa dhahay Ninkan waa higher level raking military personal of Somalia and he terrorised our people in Somalia . Kkkkkkkkkkkkkkkkkk visihii waa lagala laabtay kkkkkkkkkkkkk hawiyihii baa sidaas leh waa nala xasuuqay bal Adiga Ka waran kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Waliba Sxb odayga waxaa dhalay Haberjcelo aden madoobe kkkkkkkkkkkkkkkkk

  24. Ali

    Ka waran bal ictraafkii maalmahan waa. Lixdii bilood uu Hawada Ka bixi jiray sheekadiisu kkkkkkkkkkkkkkkkkk Kolay Mar dhow baad soo istaadheysane mise Waad Ka yara caajisteen kkkkkkkkkkkkkk.

    Waxaan ogaa iyadoo idin ictraaftay city councilka (Minishiibayada )magaalada Cardiff. City council is a local government which is responsible for collecting rubish bins in the city and running libraries. Kkkkkkkk Eesh calaa ictraaf .

    Waliba sanadkii hore waxaa idin amaanay Barlamaanka Bangladesh. Lolz

  25. Waaryaa dhalfo liqe ooddii ma lagaa qaaday kkkkkkkkkkkkkkk
    Thanks Mr S Hashi aad baad ugu mahad santahay codsigaad iga yeeshay….

  26. Aa balaabatey dagaaalkii Habar habarta
    inkastoo aan filayo wax HABAR/J iyoHABAR/y in aysan halkaan soo galin hadana waar warka na siiya Arab iyo muuso dhariyo waxaad doontaan ahaadee kolba isaaq waa difaacdaane laan gaaba iska ahaadeee

  27. Asc walaal website Ka Horufadhionline waxa uu noqday mid xaqiiqda Ka warama marka waxa aan soo jeedinayaa in laga wada faa iidaysto maqaaladana sifiican loo aqriyo maqaalkana waa mid ku salaysanxaqiiqda

  28. Axmed Mire adreskiisa landhan ninka haya halkan haku soo qoro, maxkamad baynu saaraynaa dembiilahan iiddoor.

  29. Iyo dembiilayaasha kale ee iiddor adreskooda qurbaha halakan ku soo qora aan dacweyne.

  30. Dhulalka kale ee laga barakiciyey Dhulbahante noo soo qora , dhulku ma guuree iiddor baa guuri.

  31. Guddiga baadhista xasuuqa iyo barakicinta Dhulbahante, soocelinta dhulka maqan iyo dacweynta dembiilayaasha iiddor waxgaradka Dhulbahante baan ka sugaynaa , Saleebaan Xaashiyow , Eebbaa geesi kaa dhigey, haka seexanin hawshan muqaddaska ah.

    Ninka haya tafaasiisha dembiilayaasha iiddor fadlan halkan ku soo bandhiga, looyarana dacweyn karaa waa la hayaa.

  32. Dhulbahantaha landhan jooga bela idin aragtaye miyeydaan dhiig lahayn. Iiddorku Tuke bay ka hadhi waayeene Axmed Mirana Landhan buu ku qayilayaa. Waa in si degdeg ah la dacweeya oo xabsiga loo taxaabo. Siilmaanyana hadduu landhan yimaaddo sidoo kale.

    War hurdada ka kaca meesha aad dacayda laalaadin.

    Gadh Gadh baa la tusaa bay Soomaalidu tidhaahdaa.

    Sannadkan dembiilayaasha iiddor waa in lala xisaabtamaa.

  33. Webeb badan oo Somali leedahay ayaan u direy daraasadaan waxan eegayaa bal in wax midnimada raba oo soo geliya

  34. Warsame

    Waad is daalisay kkkkkkkkkkkkk

    Dedaasho is daalisay Ma u dirtay kuwaa koonfur laga leeyahay lol kkkkkkkkkkk

    Reer koonfurku Dan Ka gali maayaan, ama dhabayaco inaga sii xun bay afka idiinku ridi, AMA waad iskala kay joogi. Lol kkkkk

  35. wixi dhintay alle how naxariisto dhinac kasta inta hadhay ayaa laga wada hadlaya siday wax uwada qabsan lahayen dalkoodana u hormarin lahaayen

  36. Asc
    Waa Sidaas oo aan Weliba Rajo laga qabin in dhulka maqani soo noqdo,Dadka la xasuuqay iyo magna adigaaba hadal haya!!!.
    Dhulbahante xaalkiisu waa (Ceela uma Qodna Cidina uma Maqna)

    Waa warbixin aad u qiimo badan Mr S Xaashina waa ku mahadsanyahay dedaalka dheeraadka ah ee uu muujiyey, Waxaana Leeyaha (Waajib ku saaran baad gudatay in Lagaaga Mahadnoqona uma baahnid).

    Anigu waxaan qabaa in Dhulbahante saqiir iyo kabiirba xog ogaal u yahay in dhulkii dhulbahante uu ku dhamaaday Gacan cadoow, cadowgaas oo isticmaalaya siyaasado kala duwan, Kuwa ugu wax yeelada badanina ay tahay Qaybi oo xukun, Af wax cunay xishoo iyo Waa baahanyahay ee Qadeeysii Qalinka ha ku duugee.

    Markasta oo aan xaalada dhulbahante ku suganyahay yara Jaleecoba waxaan xusuustaa oo maskaxdeeyda ku soo dhaca sadex arimood oo kala ah:
    1-Sida Yuhuudu dhulkii Falastiiniyiinta u Boobtay shacabkoodiina ukala qaybisay, una xasuuqday
    2-Wadanka Iiraan sida uu Caqiidada shiicada uu ugu faafinayo Wadamada carabta Isagoo isticmaalaya cudud meleterey oo carabtii ka caajistay in ay ishortaagto, sida dhulbahantuhu uga caajisay in uu dhulkiisa soo ceshado, dhiigna u dadsho.

    3-Wadamada reer galbeedku sida ay Muslimiinta iyo diinta islaamka Madaxa cagta uga saareen ama ugu xad gudbaan, umada Muslimiintana u kala qaybiyeen, meelo(wadamo) badana ugu xasuuqeen.

    4-ugu dambeeyn waxaa aad ii murugo geliya dayaca iyo Midnimo la’aanta joogtada ah ee Wadamada carabta iyo kuwa Islaamka ah oo aad Moodo in dhibaatada lagu hayo aaneyba dareensanayn sida Qabiilkeena dhulbahante.

    Haddaba anoo soo koobaya, waxaan qabaa in afartaan arimood ay tusaale ugu filan tahay beelweeynta dhulbahante.
    Miyaaney Wax laga Murugoodo ama taariikhda ku cusub ahayn Shacab dhulkiisii Maalin duhurkeed Laga fara maroojiyey wax halgan ahna aan iskuba deyin.
    Miyaanay ahayn wax lala yaabo oo dhaqanka iyo taariikhda soomaalida ku cusub Qabiilkii Midnimada iyo xuriyada soomaaliya isagu sababteeda lahaa in Dhulkiisii uu xoog ku qabsado Qabiil aan Isagu taariikh iyo Halgan ku dhex lahayn Taariikhda Soomaali weyn.
    Miyaanay ahayn wax laga Yiqyiqsoodo Qabiil siyaasiyiintiisii, Isimadiisii, Aqoonyahankoodii, indheergaradkoodii, dhalinyaradiisii iyo weliba kuway Madaxda ka dhigteen Goojo dhabarka u wada saareen Qabiil Cadoow u ah sidii Hal Rimay ah oo uu ku doobiyey Baarqabkii Geela lagu sii daayey.

    ugu dambeeyn dhulbahantow yar iyo weeynba ama aan sidaas Goojada dhabarka u saarno oo Idoor ha inoo dacarsado ama aan Sida qabiilada kale ee soomaaliyeed dhulkeena difaacano oo dhimashada ogolaano.

    Waxaynu nahay qabiilka keliya ee dhulkiisii qabiil kale ku amar kutaagleeyo sidaasna ku raaliya.
    Dhamaan qabiilada soomaaliyeedna waa inala yaabanyihiin, waayo Weli Taariikhda soomaaliya laguma Qorin qabiil aan dhulbahante ahayn oo dhulkiisa qabiilkale ka taliyo

    wabilaahi towfiiq

  37. War bixin maahan waxaniye Waa caadifadii horufadhi lagu yaqiinay lol
    Wax xasuuq la yidhaah Ma jirto Waa been abuur, arrinta dhulka Dee dhulka Waa lawada leeyahay nin na dhul gaar uma leh. Waa ardullaahi waasac, meeshaanu rabno waynu Ka degaynaa lol

    Arrinta siyaasada hadaan Ka hadlo dhulkan aad waqooyi ula baxdeen waxa la odhan jiray British Somaliland protectorate xoriyadii 26 June 1960 waxa loo bixiyay Somaliland Intii British protectorate Ka uun baa la Iska tuuray Intii kale ee Somaliland baynu la hadhnay jeclaaday ama ha jeclaanina xaqiiqo waata

    Hadaba wax somaliweyn ah la iskuma soo hadal qaadi Karo why israaci 1960 kii xalaal Ma ahayn sharciyan. Ka Reer waqooyi ahaan kamaynaan midaysneen israacaasi. Ta u dambaysa taariikhiyan wax dal dhulbahante la yidhaah Ma jirin maamul goboleed jira Ma tihiin. Claim Kan deegaanada wax kale idinkama yeedhsiine tii xamar dhigatay dastuur keeda kolkad Ka badin waydeen baad haatan rabta inaad dhul igula gorgortanto no way.

    Dhul Iyo deegaan aad igula gorgortami kartaan maleh deegaamada Waxay ahaayeen lama degaan la deegaameeyay lol kkkkk.

    Kolka xamar wax aad kula laabataan waad waydeen. Saaxiibayaal

    Labo yeela AMA puntland raaca AMA Cali khaliif baydin Ka dambayn Oo Hargeysaad Iska soo dhiibaysaan lol kkkkkkk

    Xal kale Ma jirto deegaan aanu gacmaha yaga ku yagleelanay Oo duur joogi joogi jirtay ina odhan maysaan dhulbahanta leh. Adeer waxna idinka isaga guuray, waxna duur joog baa degenayd. Kuwaad iskiin Uga guurteena idinka Ka tagay. Kii aan duur joogta Ka saartayna anaa yagleeshay. Intaad degto uun bismilayso lol kkkkk meesha idin cuncunaysa Waan garanaya wax la waayay baad baadi goobaysa too late maamula dii koonfur Waa ful.

    Somaliland baydin hoos imaan doontaan waxna la qaybsanaysaan Taas ku qanca, maahmaah baa tidhaahda wax la waayay nin waalan ba u Duda lol kkkkk

    Maamul noqon maysaane bal tayda Somaliland ila wadaago gacanta inala soo galiya Oo aynu kuwada faata xaysano wada qaybsano.

    Wax aad gaar u helaysaan Ma jirto Reer walba Waa rabi lahaa wax gaar ah in la siiyo. Laakiin taa dhicimayso niyada Ka saara sifiican Uga quusta

    Hargeysa la isugu wada imanaya Oo wixii ay taakulo hesha lala qaybsanaya.

    Hargeysa Ka masuul ah Oo ay wada hoos imanayaan goboladii xoriyadii 26 June 1960 gii helay. Kiise diidan Inuu Hargeysa hoos yimaado

    Bada ha xaabxaabsado AMA samada ha baadho lol kkkkkkkk

    Dhulbahante kama fadli badna samaroon Iyo ciise Iyo warsengeli

    Teeda kale warsengeli idin raaci maayo hadaad diido Hargeysa dii centre Ka u wada ahayd waqooyi Oo dhan lol kkkkkk. Reer na Reer uma talin Karo.

    Ii sheega hal shay ood samaroon kaga fadilan tihiin? Ma jirto sheekada la idinka yeeli maaye ta Hargeysa uunbaad gacanta nalasoo galinaysaan, nagala qadaynaysaan nagala cashaybaysaan nagala quraacanaysaan nala wadaagaysaan lol kkkk intiina aan Rabin Dee iyadu ha guurto Intii kale way ila qaadanaysaa Oo taa Hargeysa lagu hayo mooye tu kale Ma jirto. Basically doorashada Ka qayb gala Oo isdiiwaan gasha

  38. Waar horta nimayaw daraawiishtu calaacal badanaa !!!
    Tana kuu cadaynaysa taariikhda gacan ku rimiska ah ee dawladdii kacaanku u samaysay reerkan maanta yuusku ka dhamaaday ….

    Reerkan daraawiish daaye inaan habari dagaal ka dhiman baan u malaynayaa kkkkkkkkkkkkk
    Dumarki way barooranayaan , raggii waad aragtaa waxa ka baxaya
    Waar duulku maxay ahaayeen….

    Kuwan afartooda tuulo ee habaaska badan ha looga baxo ilayn sidan ku jiri maynee…..

  39. waxaa ka fiinaan lahayd adoo waxa ilaahay hortiisa aad ku tegayso aad wakhtigaa ku lumiso waxaad sheegaysoo dhamina waa been hadaan mid mid isu dultaagay

  40. fiinaan =ficnaan

  41. Mire

    Inadeer waxba dhulna Uga bixi maynee aanu ula dhaqano siduu ingiriisku ba ula dhaqmi jiray.

    Kolayba Waa dad Iska tira yaree aanu isaga fidsano. Dhulkaba xoog aynu kula degno. Khushigoode ha calaacaleene yaynaan dhag jalaq loo siinin

    Waxay rabaan ha shubaan Oo ha calaacaleen waxba yaan dhulna looga bixin intaasi Waa intay rabeen. Xoriyadaasba baan diidanahay inay helaan ba.

    Ileen ingiriisku ba xoriyad iyaka muu siinin ee sida xooga ayuu ku haystay xoogaa uun halagu wado. Ha quusteene lol kkkkk

  42. calow waa talo wngsn sidaas hala sameeyo caano macaan baa laga nuugayaa waan soo dhaweeyey hadalkaas maanta

    dhanka kale bal dagaalkii habra habraha iiga waran waa soo laba kacleeyeene

  43. Ali

    Mind your comments please! !!!

  44. Keligiiduul2
    Dagaalkii 2 aad ee aduunka France ,England ,iyo dhamaan yurub waxaa dhulka soo dhigay dalkii Germany dawladaha yurub horgalo ayay u noqdeen Germany xataa Prince George oo ahaa sugaha boqornimada ingriiska wuxuu noqday horgal Germany taageere sidaas oy tahay hadana yurub waa edbisay Germany
    Dhaqan soomaaliga iyo fidrada shacabka ayaa diidaya waxa isaaq ka wado carro dhulbahante isaaq waa soft spot meel dhexda ah ku jira maanta isagii ayaa beel beel iskaga laalaada arintu na siday u itaal yartahay uma alla la’aa waana soo dhawdahay maalintuu dhulbahante reform Isugu samayn lahaa ha niyad jabin kkkkkkk arintu na kalifi mayso dhulbahntoo kuligii qoriga qaata Hal beel oo qoriga qaata baa tusaale u noqonaya snm ta liic liicaysa kkk

  45. Hirad

    Way iga qaloocatay dib ayaan isaga toosin

    Qariidahaye

    Ma macaane, way iga qaloocatay. Ha u qaadan qalooca yara dhaca inay macaan tahay. Mire ayaan Ka diiday Inuu is dhiibe Ma ahan tii macaanayd taasi. Ta macaan Waa ta usual Ka ah. Lol kkkk

  46. “Hubsadaaaay tashiga qaybta waa lagu hagaajaayee”
    wax wada hadal la yidhaahda ma jirto oo lala galayo dadkii falakan iyo
    wax lamidaba ugaystay dadka aan waxba ka haysan
    Maxkamadii Ilaahne waysugaysaa, ta aduunka International ka ahne(Hague)
    way tigidoonaan dhawaan, aduunkane ilaah hakusoo dedejiyo dambiyada ay galeen.
    waxaa wax lalayaabo ah dad xilka loodhiibtay ee umadii wax dhiibatay lahoryimi wada hadalo ayaa noofurmaya daadkii dadkayaga xasuuqay, waa cajiib. Tolow goormay dhulbahante wax udhiiban kuwo dad kooda iyo dad koodaba udaacada, oo kitaabka ay ku dhaarteen ka run sheega

  47. Nothing in this world is permanent so, we don’t have to
    stress ourselves too much because no matter
    how bad your current situation is, it will chang for the better.
    Allah said “with every difficult comes ease”

Leave a Reply to akabe

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...