|

Daawo: Garaad Jaamac Garad Ali & Salaadiintii Isaaq oo shir jaraa’id wada qabtay Qodobana soo saaray-Video.

 Kulankii ka soconayey degmada Saaxdheer ee G Sool ayaa waxa shir jaraa’id ku wada qabtay Madaxdhaqameedkii halkaas ku lahaa shirka, Sadex madaxdhaqameed oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa gaadhay Saaxdheer, waxaana halkaas ku qaabilay Garaadka guud ee beelaha DHulbahante Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jamaac, waxana ay la hadleen saxaafadda, Garaad Jaamac Garaad Ali oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay shirka jaraa’id u qabteen sidii ay u muujin lahaayeen inuusan jirin wax la qarinayo, wuxuuna sheegay inay laba qodob ku heshiiyeen.
1: Inay Taageeraan wada hadalada labada Maamul{Khaatumo State iyo Somaliland}.
2: In Nabadgelyo la dhexdhigo labada beelood ee Dhulbahante iyo H Jeclo.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID….

Waxana dhankooda ka hadlay Salaadiintii H jeclo ee martida ahaa, oo sheegay inay intaas uun ahayd waxii ay u yimaadeen, ayagoo ka mahadceliyey sida loo soo dhaweyey loona marti sooray, waxayna sheegeen inay taageerayaan wada hadalada labada maamul ee Khaatumo iyo Somaliland, ayagoo sheegay inay la garab taagan yihiin inay la dhirin dhiriyaan waxii ku adkaadaba. Waxayna labada dhinac isku raaceen in wada hadaladaas la taageero si xoogana la isku barbar taago in la isku afgarto. Waxayna Baaq adag u direen labada maamul iyo siyaasiyiintooda, waxayna si xoogan ugu baaqeen inay wada hadala dedejiyaan waxii dhaqanka looga baahdana ay fududeyn doonaan.
Salaadiinta Isaaq ayaa kala ahaa
Suldaan Maxamuud Guuleed
Suldaan Maxamuud X. Xuseen
Suldaan Siciid Yuusuf
Horufadhi.com@gmail.com
madaxdhaqameedka

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=23415

Posted by on Aug 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

31 Comments for “Daawo: Garaad Jaamac Garad Ali & Salaadiintii Isaaq oo shir jaraa’id wada qabtay Qodobana soo saaray-Video.”

  1. Asc. Shirkaasu wuxu daba socdaa, sida ay u muuqato, kii Adhi-caddays iyo Adhi-boogays. Shirkani waxa uu u dhaxeeyey Bah-ararsame iyo Hj, sida kuwii ka horreeyeyba beelo gaar ah siyaasiyiintood iyo Isaaq u dhex maray. Wax cusub maaha, Garaadku dantiisa iyo ta reerkooda uun buu ka dhex arkay. Waana tartan soo jireen ah oo u dhaxeeya laba ardaa oo sii laba lixaad saday.

    Gunaanadlkii, warkaasi reeka Garaadkuu ku kooban yahay iyo Isaaq. Wbt

  2. asc w wabarakaatu , bacda salaam garaad jaamac garaad cali waxaan ka hayaa ANIGU NINA GUNIMO KULA TARTAMI MAAYO . hadalku intaas buu ku dhan yahay

  3. Si fiican baa garaadka iyo salaadiintu u hadleen. Ilaahay haku gargaaro dadaalka ay wadaan.

  4. Waa sharaf in Garaad Jama asaga marti loo noqday waa Garaad kii koobaad ee dhulbahante ee aan meel kale u bariis doonan asagu bariis kariyey waxaana ujeeeda in odayaashani si fiican u hadleen labada maamula carabaabeen

  5. Deer hunguriyoos maantana ma cuqaashii habarjecladu u yeedhateen

  6. Horta maxaad qadhiidh raadiyayaalka idinku wacan taana daayo hadaad wax haysataa Cali Khaliif bay ka muuqan lahayd waa kaas buuhoodle kaneecada ugu ekaadaye. Bal hadaad rag tihiin aan wada hadal no oo dhulkiina qaata idinku samada la aada hadaad rabtaan balse anagu waxba idiinma haynee baahidiina nagala dul taga

  7. AWR-BOGAYS
    SXB KA DAA BEENTA MAGACAAGA IYO QOLODAADA KU SOO GAL MEESHA KA DIBNA AFLAGAADE CIDAAD RABTO..

  8. Waar ninkii qariidahaye yaa haya ?

    Qariidahaye
    Waa shirkii jaraayid ee aan kuu sheegay shalay kkkkkkkkkkk

    Dhalfo liqe isagu wuu khakhalay kkkkkkkkk

    Imanka iyo dan

    Welcome to the reality. … welcome to Somaliland
    Madaxdiina iyo odayaashiina maqla oo talada u daba fadhiista…

    Mission accomplished

  9. Asc
    Marka hore waa in dhulbahante ogaadaa in aan wax khaatumo layidhaahdaa jirin
    Khaatumona cali khaliif iyo garaadkiisaa sameeystay waadna aragtaan siday keligood ugu daneeysanayaan
    Qofkii dhulbahante ah oo khaatumo u haystay in ay Haykal ama magac dhulbahante xambaarsan tahayow candhuuftaada dib u liq, Shilimadii lagaa qaadi jirayna dib jeebkaaga ugu cesho.

    Heshiiska shirkan saaxdheer ee Baharsame iyo Isaaq haddan dulmaro waa sidan
    Isimada isaaq waxaa soo diray siilaanyo, Garaad jaamacna waxaa lagala hadlay dhoowr arimood oo sidan ah
    1-Garaad jaamac waxaa loo sheegay in maanta aan dhulbahante weeyne iyo weliba qabiilkiisa bahararsame gacan ugu jirin, weliba cali khaliifna isaaq isu dhiibey, garaadka oo keliyihina uusan weli isa soo dhiibin, sidaas daraadeed waxaa toos loogu sheegay in uu isa soo dhiibo, laakiin is dhiibida garaadka waa la yara sharfay oo saaxdheer baa loogu yimi.

    2- in isaaq garaad jaamac sharfaan oo gurigiisa ku soo booqdaan, dhoow kun oo doolarna la hor dhigo waxaa si wada jira u soo abaabulay cali khaliif,siilaanyo iyo weliba garaad jaamac garaad ismaaciil iyo Baashe cade.

    3-Shirkan saaxdheer ka dhacay waxaa isaaq loogu saxeexay oo gacanta loo geliyey dhamaan dhulkii iyo shacabkii dhulbahante, mana jiro wax dambe oo lagu magcaabo khaatumoland iyo weliba magac dhulbahante.

    4-Isdhiibida Garaadka waxaa ka horeeyey dhamaan isimadii iyo siyaasiyiintii iyo weliba qabiiladii dhulbahante ee kale oo dhamantood isaaq isu dhiibey.Ka dib markay arkeen cadoownimada, daneeysiga iyo khaa’in nimada Madax weeyne Cali khaliif ee uu siyaasiyiintii iyo isimadii xalaasha ahaa geeska ku wada feedhey.

    5-Maanta dhulbahante wuxuu saaranyahay Shilalka isaaq,arintuna waxay taagantahay meesha yuhuudu dhigtay falastiiniyiinta. dhulbahantena isaaq maanta waa ka guuleeystay. bal ku darsoo dhulbahante meel uu ka soo noqdo xitaa ma joogo
    6- waxaan shaki ku jirin in cali khaliif iyo Garaadkiisu maaanta aad iyo aad ay ugu faraxsanyihiin xoogaaga doolarka ah ee guntiga loo geliyey.Balse maalin kalay ka shalaayn doonaan marka lagu horqaawiyo gabdhahooda, wiilashoodana hortooda dhegta dhiiga loo daro sida falastiiniyiinta

    7- waxaa wax laga xumaado ah shacabkii dhulbahante ee ee naftooda iyo maalkoodaba u huray Magaca dhulbahante in maanta loogu abaal gudo in dhulkoodii isaaq laga iibiyo iyadoo weliba la isku magcaabayo Garaadka guud ee dhulbahante iyo Madaxweeynaha dhulbahante.

    Shacabka dhulbahante waa rajo, waa agoon. Laakiin ilaahay bay tala saarteen

    Cali khaliif waa khaa’in dumiyey Maamulkii dhulbahante u dhiibtay, wuxuu ka shaqeeyey Qabsashada dhaaman magaalooyinkii dhulbahante, wuxuu khiyaameeye shacabkii xalaasha ahaa ee taleex ku doortay. wuxuu ka shaqeeyey in shacabka dhulbahante ee jecel midnimada soomaaliya uu la coleeysiiyo dowlada soomaaliya.
    wuxuu kaloo ka shaqeeyey in uu colaad dhexdhigo shacabka dhulbahante iyo walaalahooda puntland ee ay Rasaasta ka soo eebsan lahaayeen.Reer buuhoodle waa in ay iska soo saaran khaa’inul wadanka

    Cali khaliif waa in uu ku seexdaa oo ku soo toosaa in aan shacabka xalaasha ah ee dhulbahante cafin doonin, Taariikhda dhulbahante ee uu safxada madoow ku qorayna walee waa laga xisaabtamayaa.

    Dhamaan wixii dhulbahante xalaala oo jecel dalkooda, diintooda, sharaftooda iyo weliba dadnimadooda waa in ay fadhiga ka kacaan oo u guntadaan siday u soo ceshan lahayeen dhulkooda cali khaliif godka madoow afka kaga xidhay.

    Alaahu akbar, alaahu akbar, alaahu akbar

  10. Dhulbahantow bal u fiirsada sida cali khaliif idiin khiyaamay
    ilaa maalintii taleex lagu doortay marba tuuluu isaaq ku soo hogaaminayey.
    markuu balicad gacan geliyey wuxuu bustaha dhigtay oo isaaq ugu baaqay in Buuhoodle lagu soo weeraro. Laakiin shacabka xalaasha ah ee buuhoodle iyo ciidamada saraakiisha buuhoodle ayaa mowqif adag qaatay ee mar horaa buuhoodle lagu kala tegi lahaa.
    Shacabka reer buuhoodle waa in ay iska saaraan Khaa’inul wadanka, dhul dumiyaha, beenlowga cadeestay cadoownimada uu buuhoodle iyo dhulbahanteba u qabo.

  11. Wiig baynu eegaynaa inay buuhoodle sii jirto guura naagaha marka la waso way iska miyirsan

  12. war kaligiiduuuloow ku bada dhulka dhig reerkaa baharsame garaadkoodana haka af lagaadeen sabtoo ah garaadka kaliya ee aan xaafada reerood tagin baa lee dahay guntigaa wax loo gashay sharafta garaadka bal ilaali sxb

    garaadku siyaasi maahan markaa mawqifkiisii waa sidii waana laysku aamini karaaa khaatumadii magaceedee wakaas isaaq ku tasbiixsanayaan isagaana halkaa geeyey khaatumo iyo shacabkeed go aan kiisii ahaa GUNIMO CID KULA TAR TAMI MAAYO waa halkiisii

    garaadadeenii kale sharaftii iyagaa iska qaaday oo maalinba meel iyo guri reerood iska xaadiriyey maanta miisaanka garaad jaamac baa kuligood ka batay oo isaaq waa ku waas gurigiisii hoganaya

    waxaan ku sii darayaa maalmsha soosocda garaado aan oran karo waxay ka xumaadeen kulan saax dheer baa GAROWEu socda garaad soofaa hogaaminaya gaas baaana u yeeray si uu shirar ka maamulka khaatumo iyo maamulka isaaq ugu carqaladeeyo

    marka indr xaalku guul reer khaatumo u soo hooyata buu ku danbeeeyn dhulbahanta waligiis isaaq isku dhiibi maayo khayr baa alle laga rajeeyaa

  13. dhulbahante iyo isaaq waxay isugu imaan maamul reee waqooyi ah markaas baa reer koonfur oo mj ku jiro sidaaa lagu kufsanayaa lkn ninoow ha u fadhin in maamulka SNM dhulbahante ku biiro oo mabda ooda qaato waa qoraxdoo meeshay u dhacdo ka soo baxda iyo calaacashaas oo timo yeelata kii nixi lahaayow iyo kii farxi lahaayooow

  14. Qariidahaye

    Sxb horta siyaasad iyo qudhunkeed halkaa inaga dhig….. okay

    Waxa kaa muuqata inaad nin niyad wanaagsan tahay oo at least waxaad aaminsantahay run ka sheegaya laakiin waxaad ogaataa oo keliya ninkan la baxay keligiiduul waa nin reer puntland ah ama mj ah…… ama siyaasad ku raac ama abtirsiine ninku waa sidaa aan kuu sheegay ee la soco.

    Haddaan kusoo noqdo siyaasada iyo hawlaheeda…
    Waxa la marayaa marxalad kala guura….
    Waxa bilaabmaya wejigii ugu danbeeyey ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia, waxaana dabada ka riixaya dawlado waawayn , waxaa lòo wada hadlayaa reer woqooyi ( including all dhulbahante ) iyo reer koonfureed…
    Xasan sheekh iyo gaas siyaasada laba diblaha loogu xidhayo mucaaridka dhulbahante waa ka mid waana lagu heshiiyey in lagu khasbo inay Somaliland ka mid noqdaan…

    Wixii kasoo baxa wada hadalkana waynu isaga iman insha Allah. ..

  15. Idoor yare Maanta horufadhi cartara baqashkiisii mafiiqbay marisay.kkk

    Isagii odhan jiray waxbaan masaxaa baa qoraaladiisii aboor cunay!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  16. ninka kelligii duul xaguu wax ku wadaa waar bal qunyar oo is qabooji cid cid kale hoos tegaysaa ma jirto keliya waxa manta bilaabmay midnimo reer waqooyi iyadoo lagu midaysan yahay Somaliland sidaa raga kale sheegay dhowaan waxaa furmaya shirkii Somaliland iyo somaliya waxaana lagu heshiin doonaa laba mid uun in sidii lixdankii la isugu yimi loo kala noqdo laba jamhuuriyadood oo walaalo ah la noqdo ama in la is raaco oo laba jamhuuriyadood oo isu tegey la noqdo oo federal koonfur iyo waqooyi ah la qaato waxna loo qaybsado waa intaas nuxurka meesha ku jiraa.

  17. mirow
    tan kaligiidul2 inkastoo nin idoor ad tahayoo aanan aamin kugu qabin hadana saxid haday tahay thanks

    dhanka kale ninkii waxuu yiri IS ma diidine XAAQ da dambaan diiday hadalkaaga waxaan uga jeedaa hadalkaaga intiiis hore iyo reer waqooyinimo waa ila saxnaa lkn gadaaal baa weysadii kaa jabtay markaa tiri isaaq baa nala noqoneysaa oo soomaliland baad qaadaneysaan mabda eeda kkkkkkk
    marka wali waad riyooneysaa keep dreaming sxb
    lkn tan runtay tagay saa ama dhulbahante iyo isaaq reer waqooyi iyo magacooda runtaa bay wada qaadan calankooda weysameeysan ama darisnimo beynu kula joogin hadeerba waan kala joognaye ninkii baahana oo dhulbahantaa ee cuno idiin soo doontana sida kuwa idin la jooga hada dee siiya waa nin baahanoo bakhtigaa xaal u ehe

  18. shan sanaa tan la rog rogayey dhankasta research kasta analysis kasta miqyaaskasta waa lagu fiiriyey
    dhulbahate in uu san SNM.fikirkeeda qaadan baa ka soobaxay markasta iyo in waxa kaliya ee isaaq iyo dhulbante midaynkara aybyihiin reerwaqooyinimo iyo soomaali ka siimid ahaansho

    si cilmiyeeysan iyo si caqliyeeysan waa loo baaray wax kale oo results ah ninkii hayoow adaa cirka roob ku og hala arko

  19. Waayo arag
    Bal isaaq iyo dhulbahantoow intaad is raacdaan waxa ii sharaxdaan
    Qaybsiga Ku salaysan koonfur iyo waqooyi?
    Qof iyo codkii la arag, rigional Ama states la garay, 4.5 la garay
    Mise shekada Ina Cali waraaba la soo shaqo tegeysan oo ah 1960 inagu cesha?
    Wa wax Aan dhici karin maskax fiyowna qaadan karin 60 sano dib haloo noqdo
    Somalia wa 18 gobol waana 13 million,
    Koonfur iyo waqooyi dad iyo dhul toona isma le eka
    Bal sidaad wax u qaybinaysan oo cilmiyeysan iga gada
    Ilayn hadal qalalan iyo laba dowladood ban ahayn ee 50% wax inoogu qaybiya
    Socon maysee tusaale, hadi jbouti iyo somaliland isku dansadaan ilayn isma le ekee Ma 50% ba wax loo qaysan??

  20. Waayo arag
    Hortà waa su’aale ma adiga wax isu qoray oo isla hadlaya kkkkkkkkkkk

    Su’aashaada hadaan usoo dego….
    Wada hadalada labada dal waxa kasòo bixi karaa laba mid …
    1… laba jumhuuriyadood oo union sharciyeysan wada gala…… taa kaala mid baan ahay oo runtii garan maayo si wax loo qaybsanayo.

    2… laba dawladood oo is aqoonsada isuna duceeya…. taasi waa easy , wixii dayna ee dawladdii kacaanka lagu lahaa Somaliland inteeday bixinaysaa , wixii hantiya ee ay lahaydna ( dawladdii kacaanku ) waa 50-50

  21. Waar yaadhaheen nuurkaa isku baxay
    Ciirtaa jugle
    Waa nicmatal fushuuq

    Shii buktaay ku bikaacso

    Leydh qaboow baa i mareysa

    Alxamdu lillaah

    Aad baan idiin salaamey
    Farxaddii baan salaantii iloobaye hhhhhhhh

  22. qariidahaye

    somaliland sow mahan tii 26 june 1960 dhalatay, estate of somaliland.

    waa maxay isaaq nimada aad meesha soo dhex galisay,

    taariikhda malaha si qaldan baa laguugu sheegaye, hadaad google garayso,

    26 june 1960 kii magacii aynu xoriyada ku qaadanay wuxuu ahaa estate of somaliland. not waqooyi somalia.

    1956 kii ayaa magacii italian somaliland lagu bedelay somalia, waa hada xoriyadii ka hor,

    26 june 1960 gii na estate of somaliland ayaa xoriyad ka qaadatay ingiriiska.

    kolka ma waxaad i leedahay 26 june 1960 isaaq baa iska leh, taasi waa sheeko waalan,

    let is be realistic xitaa dhagayso bbc somali barnaamijka taariikhda somalida iyo qarnigii tahay xitaa youtube ka waad ku arkaysaa,

    somaliland baa naloo yaqaanay 26 june 1960. estate of somaliland. taas baanu ka hadlayna, ereyga waqooyina waa eray israaci ka dib soo dhaac baxay oo labadii is raacay jihooyin isku kala sifeeyeen,

    yacnii somalia magacii ay lahayd 1956 kii oo ahaa somalia ayay tuurtay, inakuna magacii aanu lahayn ee estate of somaliland baanu tuurnay, wixii la isugu yimid waxay ahayd somali republic, jamhuuriyadii somaliyeed.

    kolka ma garan sababta aad somalia oo ah magac hore loola tuuray somaliland inoogu celceliso. kii la isku raacay ee ahayd somali republic, jamhuuriyadii somaliyeed na dafirto.

    waxaad ileedahay magac gumayste ayaan ka dhiidhinaya, hadana magac nin kale gumayste u bixiyayna waan huwanaya. waa hadalo iska hor imanaya oo is burinaya. somalia waa magac uu talyaanigu bixiyay qoloda koonfur gadaal bay kala timid. somaliland na waa taanu xoriyadii 26 june 1960 ku helnay. israaciina waxa la isku oga somali republic jamhuuriyadii somaliyeed. heshiisyadii koonfur waaga la isla gartay wuxuu ahaa in magac dhex ah la wadaago, gadaal bayse inooga soo gudbeen waana sababtii loo diiday dastuurkii midnimada ee 1961 kii.

    waayo labo wajiile nimo ayay la yimaadeen qoloda koonfur.

  23. aniga nimankiinan kale ee somaliland waxaan idin leeyahay waad degdegteene u kaadiya,

    wadahadalka somalia iyo somaliland u socda, ma ahan wax lagu gaadhayo in koonfur iyo waqooyi wax loo wada qaybsanayo, ma ahan wax sida la isaga gaadhi karo kala socosho.

    sida ay u muuqaal eegtahay waa in shacabka kuwada nool waqooyi afti laga qaado. siyaasiyiinta reer waqooyi ama the estate of somaliland born 26 june 1960, haday yihiin midnimo doon iyo madaxbanaani doon ba.

    in ololeyaashooda loo ogolaado, kii midnima dhex martaa estate of somaliland 26 june 1960, iyo somalia 1956 raba ololihiisa waa loo ogolaanayaa,

    kiise raba, in labada dal waa estate of somaliland 26 june 1960 iyo somalia 1956 inay noqdaan labo dal oo jaar ahna waa loo ogolaanaya.

    xaqiiqatan somaliland ( estate of somaliland 26 june 1960) midnima sharciyan kuma jirto, mana madaxbanaana, waa taa kala laalaada. kolka siyaasiyiinta ayaa la siinaya mid kastaaba chance kiisa iyo ololihiisa, wuxuu la yimaado iyo fikirkiisa ayuu inaga iibinaya,

    hadaba dhinacii loo bato oo codku u bato waa in la tixgashaa, hadii madaxbanaanidu badiso, madaxbanaani waa in la isku waafaqa, haday midnimo badiso waa in midnimo la isku waafaqa waana wax shicibka u degsan talana ka gaadhi karaan,

    current status of Somaliland is not clear, we are not in union and we are not a sovereign estate either, haatana in xukunka iyo dalka lawada qaybsado oo la wadaago ayaa laasim ah. no matter hadii lakala fikir duwan yahay, laakiin waa inaan wadaagno xukuumada somaliland ( estate of somaliland 26 june 1960).

    kolka dhinacuu miisaanku u bato la isku raaco laakiin, waa laasim in isku tanaasul la isku sameeyo, hadii rayiga midnima doonka laga badiyo, kolka dadka rayiga qaba waa inay aqbalaan natiijada oo dalka iyo dadka la mideeyo.

    hadii dhinaca madaxbanaanida laga badiyo isna sidaa si leeg, waxaana lagu xisaab tamaya waa population overall.

  24. Cali
    Waa runtaa indr , waan kugu raacsanahay fikirkaaga. ….well done

    Waar ninkii dhalfo liqe yaa war u haya ?

    Horufadhi adeer ninka 5 sanaanu meesha isku rifaynaye u fura comments please. ..
    Meeshuba la’aanti waa bilaa xiise…. mise anaguna waanu ka dareeraa.

  25. mire

    kkk

    Dhalfo Liqe anaa Horufadhi ka codsaday inay mudo kooban u diraan xero dhaqan celisa!

    Markii uu aflagaadeeyay Ugaasyada iyo madaxda Khaatumo. Waxa la soo barayaa Samo ku waar Somaliland, waxaa lasoo barayaa xushmaynta Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jamaac, waxaa lasoo barayaa ka danbaynta mudanen Cali Khaliif Galaydh.

    Intaa markuu soo xafido waanu soo celinaynaa dee adna nala joog!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  26. Iidoor liqe

    Caawa horufadhi baynu Kaa baafinaynaaye

    Bal xageed Ka dhacday lol kkkkkkkkkkkkkklk

    Mire

    Yarka sidee loo xidhi karaa ileen Waa Isla isagii oo xaashi ah ba webka soo gala lol kkkkkkk

    Lama xidhinee xooga Waa neef tuuraya lol kkkkkkkkkk

    Bahashii baaba Ka dagi la. Bal xooga hayara neef tuuro.

    Bahashiiba fajaciso ku noqotay lol kkkkkk

    Ka war kaba soo gashay Waa Isla isagiiye

    Xooga neef tuur buu inagaga maqan yahay lol kkkkklk

  27. Qariidahaye adeer siyaasada waxba ka garanmaysid marka aad leedahay isaaq baa gurigiisa hoganaya in aad jaahil ka tahay siyaasada ayaan kuu sheegaya Maah maah Ninkaad dagin Ninkaad dabin u qowlaysid waa laysu kala daadiyaa yuusan kaa didine iidoor waxa uu la dhaqmayaa shuqul Yuhuudnimo falastiiniyeenta ayaa soo dhawaysay yuhuuda markii hore oo yidhi waa masaakiine ina ka daaya waxay maraysaa manta dhulkooda in laga barakicyey oo ay dowladaha jaarka ah la nool yiheen qariidahayo waxaan filayaa in aad tahay iidoor waayo nin meel fog wax ka eegaaya sidaas uma hadlo hadii aad tahay reerka waxaa kuu dambayn doonta qax iyo cabudhin iidoor saadambe ayaad garan adiga garaad Binti , Cali Khiyaano.

  28. Ahmed

    adigu ama dhulbahante ahoow ama mj isqarinaya waxaan kuu sheegayaaa anigu in aan ahay dadka ku leh dhulbahante WAXAAN KAA HORJOOGAA HAADÀANE SOO JOOG
    oo ah caburinta iyo gumaynta isaaq larabo in aan uga digo kuwa hor boodaye ee maan gaabka oo aan beri ka fakine ee maxaan cunaa u nool

    ilaa iminkana trainka khaatumo rag badan baa ka dhacay oo mawqifkii laga badaley anigu waxaan noqon kuwa dhinta waxay aamin sanyihiin kuwa ka danbeeyana aan dhaxal xun iyo in isaaq gumeeysto uga tagin

    marka ninkii doonaba ha iska hadlee qadiyaadaas gunimo ka cararka maanta ninka kaliya ee ku taagan waa ninka gurigisa maanta isaaq martida ku yihiin ee ah isimka kalaya ee aan xaafadaha wareegin cunana u raadsan war ku daba fayla yeydaan caruurtiinu falastiiniyiin qaxoti ah ku noqon magaalooyinka soomaliya

  29. Ahmedoow sxb
    Waxba ha u dardaar walin dhulbahante
    Adigoo dhabayac ah
    Isaaq waxba haka dhigin yuhuud oo kale
    Dhulbahantena falastiin oo kale
    Isaaq Iyo dhulbahante oo labo reer
    Oo Somali ah waliba wax badani ka
    DhaxeeYaan
    Waa adiga arka Isaaqu iyagoo socda in ay
    Garaadka Guud minankiisii ugu yimideen
    Ee waliba sida sharafta leh loogu shaaha
    Kariyay.
    Waa adigaa arka in ay ku hadaaqayaan
    Wada hadalka labada maamul ha la xoojiyo
    Odayaasha IsaaQ
    Ahmadoow ma anaga ka yeedhsiinay suldaanada
    Habar jeclo sxb.
    In badan Ayaa odayaal dhulbahante ah loogu
    Bariis kariyay hargaysa Iyo garoowe Dee sharaf
    Mudan yahay Garaadka Guud in uu shacabkiisa
    Tuso isagoo marti aan cidna uu San u noqon
    In isaga loo marti noqdo oo gogoshiisii uu ku
    Seexanayay uga kaco marti arin ula timid.
    Qolyihii dhabayaco shuban biyood baa ku dhacay
    Markay maqlayn wada hadal baa u fumay Khaatumo
    State Iyo Somaliland state.
    Hadana in ay is Qarxiyaan baa u dhiman markay arkayn
    Garaadkii Guud oo fadhigiisa loogu yimid oo martina loogu
    Yahay dhulkiisa isagoo xoriyad ku jooga ayuu qalbigu jabay
    Reer maseerland.kkkkkkk
    Dhabayacooy halkaas uun ka soo yuusa sidii digaagad
    Foolanaysa.

  30. Anigu waxaan ku faraxsanahay in
    Garaadka Guud isagoo dhulkiisii jooga
    Loogu yimid marti Edeb lehna loogu
    Noqday.
    Odayaasha Iyo suldaanada isaaQ Na
    Waxaan uga Mahad celinayaa in ay
    Ogaadeen meesha talada dhulbahante
    Ka go’do ay abaareen
    Garaad jaamac waa Garaadk Guud ee
    Beelwaynta dhulbahante waa nin aqoon
    Diin Iyo mid maadiba leh waana nin dhalin
    Yaro ah oo caqli badan wax dadkiisa u xun
    In uu San qaadan doonin baan ogahay.
    Ee bal dhabayacooy idinku xagaad kala
    Maraysaan nimankii hawiye Iyo qaraxyadii
    Waqooyiga galkacayo

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...