|

Daawo Magacyada:Dhimashadii Hotel SYL oo kor u DHaaftay 26 ruux iyo Mas’uuliyiinta Le’atay-Video

Warar laga helay dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa sheegaya in illaa 26 ruux ay ku dhinteen qaraxii weynaa ee maanta gil gilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ah ayaa xoog ku soo jiiray bar koontaroolo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, waxaana ciidamada ay sidii u rasaaseynayeen uu gaarigii ku qarxay darbiga Hotelka SYL.

HALKAN KA DAAWO MAAREEYE OO GOOBJOOG AHAA KUNA DHAAWACMAY…

Tirada dadka ku dhaawacantay ayaa caga-cageyneysa todobaatameeyo ruux oo isugu jira dad rayid iyo askar ka mid aheyd ilaalada hotelka iyo kuwa Madaxtooyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 15 ka mid ah dadka ku dhintay ay ahaayeen ilaalada mas’uuliyiinta ku jiray Hotelka xilliga qaraxa dhacayay, ilaalada Hotelka iyo ilaalada ilinka hore ee Madaxtooyada.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay labo ruux oo ka mid ahaa dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen, halka labaatan kale oo dhaawacyo ah la jiifiyay Isbitaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ayaa dhaawacmay, sidoo kale waxaa dhaawacmay Wariyeyaal ka tirsan Radio Muqdisho iyo SNTV

Wasiirada dhaawacyada fudud soo gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanada dhaawacyada soo gaaray waxaa ka mid ah Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdalla Boos,  Xildhibaan Caasho Koos, Xildhibaan Sugaal, Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir.

Halkan hoose ka akhriso Magacyada Wariyeyaasha dhaawacmay

  1. Agaasimaha Idaacadda Gobolka C/fataax Arizona
  2. Wariye Maxamed Abuukar Mada = (Warbaahinta Dowladda)
  3. Wariye Cabdi Aadan                  =   (Warbaahinta Dowladda
  4. Wariye Mamaxed Xasan National = (Warbaahinta Dowladda)
  5. Wariye Maxamuud Cali Xaaji (Saxafi yare)  = (Goobjoog)

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=23403

Posted by on Aug 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...